KENYA Oo Lagu Daray Liiska Cas Ee Xayiraada Socdaalka Ingiriiska

0
364

Guddiga Sare ee British (The British High Commission) waxay ku wargeliyeen Dowladda Kenya qorshaha lagu doonayo in Kenya loogu daro Liiska Cas ee Socdaalka UK, sababo la xidhiidh COVID 19.

 

Hadal qoraal oo ka soo baxay Guddigaasi ayaa lagu muujiyey in go’aankaasi adag ay qaateen Golaha Wasiiradda ee UK bishii la soo dhaafay ee March 31-dii, kadib markii dib-u-eegis lag sameeyey Caddaymaha ugu dambeeyey ee Khatarta Bulshadda ee Isku-gudbinta COVID 19.

Celcelis ahaan 500 oo qof ayaa waxay Toddobaad kasta ka dhoofaan Kenya, iyagoo ku sii jeeda dalka Britain, balse laga bilaabo bishan April 9-da oo ku beegan Jimcaha soo socda waxa Kenya lagu daray Liiska Cas ee Xayiraadda Safarka UK (The UK travel ban ‘red list’).

Tallaabadan ayaa timid, kadib markii Saldhiga Ciiddanka UK ku leeyihiin Degaanka Nanyuki dhawaan la geliyey Karantiil, kadib cabsi laga qabo in Ciiddanka dhawaan tegay Kenya ay qaadi karaan nooca cusub ee Virus-ka.

Hadal qoraal oo ka soo baxay Guddiga Sare British ee joogta Nairobi (The British High Commission in Nairobi) ayaa lagu sheegay in tiro yar oo ka mid ah Ciiddanka UK ee ku sugan Xerada Batuk ee Kenya laga helay COVID 19, taasi oo keentay in Karantiil lagu soo rogay Xerada Batuk  (The British Army Training Unit in Kenya (Batuk) camp.

Dhinaca kale, Wargeyska The Guardian ee ka soo baxa London ayaa qoray in Liiska xayiraadda Kenya ee dalka Britain ku wehliyaan dalalka Bangaladesh, Pakistan iyo Filibiin.

Liiska Guud ee Dowladda UK hore u saartay  dalalka laga xayiray inay soo galaan UK waxay kala yihiin:

1- Angola, 2- Argentina, 3-  Bangladesh, 4- Bolivia,  5- Botswana, 6-  Brazil, 7-  Burundi, 8-  Cape Verde, 9-  Chile, 10-  Colombia, 11-  the Democratic Republic of the Congo,  12- Ecuador, 13-  Eswatini, 14-  Ethiopia,  15- French Guiana, 16-  Guyana, 17-  Kenya, 18-  Lesotho, 19-  Malawi,  20- Mozambique, 21-  Namibia iyo dalal kale oo  badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here