Kenya oo soo gaban-gabeysay wajigii hore ee darbiga ay ka dhiseysay xadka Soomaaliya

0
341

Dowladda Kenya ayaa shaaca ka qaaday in ay soo gaban-gabeysay wajigii hore ee darbigii ay ka dhiseysay xadka uu dalkaasi la wadaago Soomaaliya, gaar ahaan dhanka magaalada Mandheera.

Darbigan oo ah kii ugu horreeyay ayaa dhererkiisu yahay 3-kimomitir, waxaana dhismihiisa laba bilood ka hor la wareegay ciidamada xoogga dalka Kenya kaddib markii cagajiid ay ku sameysay shirkaddii loo igmaday in ay darbigaasi dhisto.

Wasaaradda arrimaha gudaha dalkaasi ayaa sanadkii 2015 lagu wargeliyay in ay darbi silig ah ka dhisto xadka Mandheera kaddib weerarkii jaamacadda Gaarissa, waxaana ay iyaduna ku wareejisay shirkad taas oo ay ugu dambeyn kala wareegtay wasaaradda difaaca oo iminka mashruucaasi soo gabn-gabeysay.

Darbigan oo laga doonayo ilaa iyo 30 kilomitir ayaa waxaa uu sheegay sarkaalka gacanta ku haya mashruucan oo lagu magacaabo Maj-Gen K.T. Chepkutoin ay kusoo gaban-gabeyn doonaan mudo afar bilood ah, balse ay iminka soo afjareen wareegiisii koowaad.

Duqa magaalada Mandheera Ali Roba ayaa soo dhaweeyay soo afjaridda wareega koowaad ee darbigan, waxaana uu sheegay in darbigan siligga ah la geyn doono ilaa iyo magaalada Baladxaawo oo dhanka Soomaaliya ah.