Khilaaf Culus Oo Durba Ka Dhex Qarxay Imaaraadka Iyo Israa’iil Kadib Markii Ay Abu Dhabi Ka Cadhoodeen Qorshaha Netanyahu

0
386

 

Xiisadda siyaasadeed ayaa timid lix bil kadib markii Israel iyo Imaaraadka Carabta ay galeen heshiikii loogu magac dara Abraham, ee caadi looga dhigay xidhiidhkooda.

Bilooyin kadib, Imaaraadka ayaa Netanyahu ku eedeynaya in uu heshiiskaas u adeegsaday dano doorasho, islamarkaana uusan wax badan soo kordhin, sida ay Saraakiil ka tirsan dowladaas u sheegen taleefishinka CNN.

“Imaaraadku wuxuu u saxiixay heshiiska rajada iyo fursadaha ay siinayaan dadkeenna, ee ma uusan saxiixin danaha shakhsi ee hogaamiyeyaal,” ayuu yidhi Sarkaal Imaaraati ah oo la hadlay CNN.

Waxa uu intaas kusii daray “Shaqsiyeynta iyo siyaasadeynta heshiisyada noocaan ah, waxay hoos u dhigayaan ‘guusha taariikhiga ah’, Imaaraadkuna ma qaadi doono waddadaas.”

Ra’iisul Wasaraaha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa baajiyey safar la qorsheeyey oo uu Khamiista toddobaadkii hore ku tagi lahaa dalka Imaaraadka, kadib markii lasoo wariyey xaalada caafimaad oo lasoo daristay xaaskiisa.

Netanyahu oo doorasho wajahaya afar maalmood kadib ayaa marar badan ku cel-celiyey magaca dhaxal-sugaha Abu Dhabi Mohammed Bin Zayed isaga oo ku jira olole doorasho, isaga oo isku qeexay inuu yahay ninka fududeeyey heshiisyo maal-gashi oo ku kacaya balaayiin dollar.

Mas’uuliyiinta Imaaraadka ayaa ka carooday in Netanyahu u adeegado doorashada, inkasta oo mar uu kasoo muuqday warbaahinta maxaliga ah uu sheegay “in aanu u safri doonin Imaaraadka ka hor doorashada.”

Netanyahu ayaa waajahaya loolan adag ayada oo Israa’iil ay ka dhacayaan doorashooyinkii afaraad muddo laba sano gudahood ah, waxaana la rumeysan yahay inuu safarka Imaaraadka Carabta oo ku beegnaa 12 maalmood kahor doorashooyinka, u adeegsan lahaa faa’iido siyaasadeed.

Imaaraadka Carabta ayaa bishii August 2020 noqday dalkii saddexaad ee Carbeed ee xidhiidh la yeesha Israa’iil kadib Masar iyo Jordan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here