Kooxaha Liverpool Iyo Manchester United Oo Dhinac Iskaga Dhigay Xifiltankii Xumaa Ee Ka Dhexeeyay Iyaga Oo Jamaahiirta Labada Kooxood Ugu Baaqay In Dhaqan Xumada Laga Sifeeyo Kulanka Anfield

0
336

Kooxaha ugu guulaha badan horyaalka Ingiriiska ee Manchester United iyo Liverpool ayaa isniinta ku balansan garoonka Anfield waxaana markale sii xoogaysan doona xifiltanka labada kooxood maadaama oo uu Mourinho markan hogaaminaho kooxda Red Devils.

Jurgen Klopp ayaa kulankii Stamford Bridge ee xili ciyaareedkii hore si xun guuldarou soo baday Mourinho oo markaas joogay Chelsea taas oo aanu macalinka ree Portugal wali ilaawin. Laakiin si aan hore looga baran kooxaha Liverpool iyo Manchester United ayaa umidoobay sidii meesha looga saari lahaa jamaahiirta dhaqan xumada ka samaysa kulankan iyada oo la ogyahay wixii dhex maray jamaahiirta labada kooxood kulankii Europa Leaque-ga ee xili ciyaareedkii hore.

War ay soo wada saareen kooxaha Liverpool iyo Manchester United ayaa loogu baaqay jamaahiirta labada kooxood in ay caawin ka gaystaan sidii meesha looga saari lahaa dadka falalka aan kubbada cagta ku fiicnayn, waxayna digiin ku bixiyeen in cidii lagu arko falal dhaqan xumo ah ay booliiska Anfield shaqo ka qaban doonaan isla inta garoonka lagu jiro.

Waxaana qoraalka ay labada kooxood ee Liverpool iyo Man United soo saareen ee saxaafada loo mariyay lagu yidhi: “Taageerayaashooda labada kooxood iyo taageerayaasha kubada cagta aduunka waxa ay diirada ku hayaan kulanka taariikhiga ah ee xamaasada badan kaas oo u dhaxeeya labada kooxood ee ugu xafiiltanka badan kubada cagta aduunka.Xafiiltankan aadka u sareeya ayaa ka dhaxeeya taageerayaasheena, waxaananu ka codsaneynaa dhamaan taageerayaasha inay ixtiraamaan inay naga caawiyaan cidhibtirka dhamaan dhaqanada foosha xun”.

Kooxaha Liverpool iyo Manchester United ayaa warbixintooda wada jirka ah digniin ugu soo jeediyay in cidkasta oo dhaqan xumo samaysa shaqo laga qaban doono waxaana qoraalka soo sii socda lagu yidhi: “Haddii jamaahiirta lagu helo iyaga oo samaynaya dhaqankaas ay booliisku arkaan amaba ay kamarada garoonku qabto, waxaa markiiba laga saari doonaa garoonka, waxayna halis ugu jiri doonaan in ay la xidho isla markaana maxkamad la soo taago iyo in lala tiigsado sharciga kooxda”.

Liverpool ayaa kulankan Man United soo dhawayn doonta iyada oo xaalad fiican ku jirta isla markaana kulamadii heerka caalami ka horeeyay soo wada guulaystay. Halka Man United ay doonayso in ay si buuxda uga soo kabsato dhibaatadii ay kala kulantay saddexdii guuldaro ee bishii hore soo gaadhay.