Kooxo Ay Ka Mid Yihiin Barcelona, Juventus & Arsenal Oo Ay Dhegtu U Taagan Tahay, Xili Wakiilka Marco Verratti Uu Paris Saint-Germain Ugu Digay In Xidiga Uu Wakiilka Ka Yahay Ka Bixi Doono Kooxdeeda

0
359

Kooxaha waa wayn ee yurub ayaa war fiican ka maqlay wakiilka Marco Verratti kaas oo digniin u soo jeediyay kooxda Paris Saint-Germain wuxuuna us heegay in xidiga uu wakiilka ka yahay uu iskaga bixi doono horyaalka France haddii ay sii socoto weerarka ay saxaafada France ku hayso 23 jirkan.

Saxaafada dalka Faransiiska ayaa weerar xun ku yaha Marco Verratti oo ay sheegeen in ay isku dhaceen tababare Unai Emery. Marco Verratti ayaa si cadho leh uga falceliyay markii daqiiqadii 59 aad badal lagu saaray kulankii ay PSG barbaraha gool la’aanta ah la gashay kooxda  Marseille waxayna erayo isshaafsadeen Emery.Marco Verratti ayay doonayaan kooxaha dalkiisa hooyo ee Talayaniga ee Juvnetus iyo AC Milan laakiin waxaa si wayn loola xidhiidhinayay kooxaha Barcelona iyo Arsenal. Sidoo kale Chelsea ayuu bartilmaameed u yahay xidiga ree Italy iyada oo Conte uu kooxdiisa ku soo xoojin karo.Wakiilka Verratti Donati Di Campli ayaa Rai Sport u sheegay: “Verratti waxa uu doonayaa in uu ku guulaysto PSG, si kastaba ha ahaatee,haddii weeraradan ka imanaya saxaadada Faransiisku ay sii socdaan, kadib Marco waxa uu qiimayn doonaa booskiisa wuxuuna ugu dhawaan ka bixi doonaa Paris”.