Ku simaha Madaxweynaha oo shacbiga ka tacsiyadeeyey Geerida Marxuum Xilal kala duwan ka soo qabtay Qaranka

0
352

TACSI MADAXWEYNE KU XIGEEN -03/03/2017
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Haregeysa(WSN)Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna ku simaha Madaxweynaha, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Isagoo ku hadlaya magaciisa, kan dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa, aqoonyahanka, waxgaradka, waayeelka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Cabdilaahi Maxamed oo ku geeriyooday 02/03/2017 Magaalada Hargeysa.

Marxuumku waxa uu xilal kala duwan ka soo qabtay gobolada Awdal Maroodi-jeex iyo Saaxil, waxaanu madaxweyne ku xigeenku ku sifeeyey marxuumka masuul ka baxay qaranka iyo shacbiga Somaliland, door muhiimana ku lahaa nabadayntii iyo dib u dhiskii dalka.

Ku simaha Madaxweynuhu waxa uu marxuumiinka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo aqoonyahanka, waxgaradka, waayeelka, qoyskii, qaraabadii, eheladii, asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Xuseen Aadan Cige (Deyr)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.