Kulan Xus Iyo Mahadnaq ah oo Ardaydii Dugsiga Hoose Dhexe Ee Sh Bashiir gaar ahaan Fasalkii 8B u Sameeyeen Macalimiintii iyo Maamulihii 17 Sanno ka Hor wax Soo Baray

0
163

Kulan Xus Iyo Mahadnaq ah oo Ardaydii Dugsiga Hoose Dhexe Ee Sh Bashiir gaar ahaan Fasalkii 8B u Sameeyeen Macalimiintii iyo Maamulihii 17 Sanno ka Hor wax Soo Baray.

 

Hargeysa-16-09-2023-(WMG)-Xus oo xasuuso macalimiintaadii Dugsiga Hoose Dhexe, waa hal ku dhigii kulan qiimo badan oo xalay lagu qabtay Dugsiga Sheekh Bashiir oo ay ku kulmeen macalimiin iyo Ardaydii ay wax soo bareen oo kala maqnaa 17 Sanno, balse Alle qadaray inay kulmaan oo weliba ay fasalkii ugu danbeeyey ee 8B isku xogwaraystaan.

 

Kulankan oo xambaarsanaa laba ujeedo oo kala ah in laga wardoono macalimiintii iyo in la xuso oo la abaalmariyo, kulankaas oo xamaasadiisa iyo waayihiisa wata oo kulmiyey Arday noqotay waalidiin, masuuliyiin iyo saraakiil iyo Macalimiin markale la midoobay ubixii ay ku tabceen oo mar kale la dareen ah oo barbar taagan.

 

Waxaana kulankaa la isku dhaafsaday weedho u badan duco, dardaaran iyo xasuusihii ardaynimo iyo macalinimo. Waxaana dhammaan halkaasi ka hadlay Macalimiintii joogtay goobta oo ay hoggaaminaysay Maamo Maamule Khadra Jaamac Aadan oo Alle ku simay mudadaasi inay Dugsiga gacanta ku hayso.

Waxa xusid mudan oo goobta joogtay Macalimiintana shahaadooyin gudoonsiisay Siyaasiyad Sucaad Carmiye Odawaa oo qudheedu ka mid ahayd Ardaydii hore uga baxday Dugsiga wakhtigii burburka ka hor kana hadashay xasuusihii iyo qiimihii uu lahaa dugsiga Sheekh Bashiir ee uu weli leeyahay.

 

Intii kulanka joogtay ee macalimiin ah

 

  1. Maamule khadra Jaamac Aadan
  2. Maxamuud Daahir Xasan Cambaashe
  3. Craxmaan Maxamed Beegsi
  4. Cabdirashiid Kaxamed Xasan Ruush
  5. Cabdilaahi Cismaan Cigaal
  6. Maxamed yuusuf Cali
  7. Maxamuud Ibraahim Cismaan Xabad
  8. Maxamed Xuseen Abokor Ilkacase
  9. Mowliid Cabdilaahi Cabdi
  10. Khaalid Khaliif Xasan

Allaa Mahad Leh

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here