KULMIYE LAGU KALA ADKAA XAQ IYO XAQDARABA. ISBAAHAYSIGII MUSHARIIXINTA IYO WASIIRADIINA XILKII XUKUMADA KA TAGE.HOGAANKII XISBIGANA WAAYE EE XAGEE AYAY U SHIRAACAN DOONAAN? FURSADA U BANAANISE MAXAY TAHAY?

0
355

KULMIYE LAGU KALA ADKAA XAQ IYO XAQDARABA…….. ISBAAHAYSIGII MUSHARIIXINTA IYO WASIIRADIINA XILKII XUKUMADA KA TAGE…..HOGAANKII XISBIGANA WAAYE EE XAGEE AYAY U SHIRAACAN DOONAAN ??????? FURSADA U BANAANISE MAXAY TAHA…….Y?????

Wasiiro mug ku lahaa xukumada madaxwayne Siilaanyo ayaa isku casilay taageerida musharaxnimo ee saaxiibadooda isku fikirka, aragtida iyo hadafka ahaayeen. Rajadii ay qabeen ee hanashada hogaanka xisbiga way dhamaatay inkastoo saamiqaybsiga xisbiyadu ku salaysanyihiin habka reernimo iyaguna muujin in ay ku midoobeen aragti siyaasadeed oo ay ka soo kala jeedaan gobolo kala duwan balse waxa bulshadu iswaydiinaysaa su’aalo dhowr ah oo ay kamid yihiin :

Ma gacan-haadinta gacaltinioo iyo xigtanimo ee uu musharax Muse Biixi Cabdi ugu baaqay musharaxiintii ay isku beesha yihiin ayay aqbali si ay beeshooda u mideeyaan?

Haddii ay aqbalaan waa Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Maxamed Biixi Yoonise tulnimo iyo reernimo isku wacasha uu musharaxa Muse Biixi Cabdi ugu baaqay waxay noqon doonaan niman ay reernimada iyo qabyaaladu ku wayntahay balse haddii ay diidaan waxay noqonayaan niman ku bahoobay aragti iyo ahdaaf oo qaranimo ku wayntahay oo ka fog indha isbaahaysiga qabyaalada ku dhisan ee ka muuqda xisbiyada qaranka. Balse ayno dhowrno go’aanka ay qaataan inkastoo xildhibaan Kijaandhe aanu musharaxa jagada madaxwayne ee xisbiga KULMIYE Muse Biixi ku eegay halbeega ah in ay kala hayb yihiin.

Saamayntooda iyo saamayiga ay helayaani muxuu noqon karaa haddii iyaga oo isku duuban ay labada xisbi mid uun ku biiraan?

Runtii waa isbaahaysigu waa niman kasoo kala jeeda gobolkasta oo Somaliland kamid ah. Tani waxay bulshada u sheegaysaa in ayna qabyaalad isku raacin sidii qoladii wasiirada ahaa ee ka dareeray dawladii UDUB ee Daahir Raaale gadhwadeenka ka ahaa. Sidaa darteed waxay helikaraan sumcad iyo karaamo bulshadana ka dheeraysiinaysa qabyaalada. Sidoo kale tani waxay nabar ku noqonaysaa xisbiga KULMIYE ee inta badan ku dhisan heshiiska ah anagana markayaga. Sidoo kale waxay noqonaysaa in ay xisbiga kaga tageen arinta in ku kala aragti duwanyihiin hogaaminta siyaasada ee dalkeena jamhuuriyada Somaliland.

Fursada siyaasadeed ee u banana maxay noqonaysaa ?
Marka la indho-indheeyo oo waliba lagu sargooyo siyaasada isbahaysiga qabyaalada ee xisbiyada ee la qariyo hadana qayaxan waxay noqonaysaa:

Inkasta oo ay adagtahay haddana maanta waxa musharaxa madaxwayne ee doorashada soo socda u taagan laba nin oo isku reer ah oo ka kala socda Xibiga UCID waa aqoonyahan Jamal Cali Xuseene iyo Mujaahid Muuse Biixi Cabdi.

Sida loo badaniyo beesha ay ka soo jeedaan waxa la filayaa in xoog u taageersanyihiin kuna tuntansandoonaan sidii ay Muuse Biixi Cabdi u soo saari lahayn iyagoo la kaashanaya beesha uu madaxwayne Siilaanyo ka soo jeedo oo loogu fadhiyo in ay iyaguna markoodaa……..

Haddii uu aqoonyahan Jamal Ali Xuseen dhacdo in uu ka tanaasulo oo ay isbaahaysiga uu siiyo fursad oo waliba la siiyo musharaxnimada nin ay Siilaanyo isku beelyihiin sida Xirsi Cali Xaaji Xasan ku xigeena looga dhigo beesha Makaahiil ee gobolka Awdal ee uu Saylici marwalba kuwado aargoosi uu ku hayo beesha ay isku gobolka yihiin waxa suurta gal ahaan lahayd in farsamadaa ku dhicisanlahaayeen kuna soo bandhigi lahaayeen aragtidooda hogaamineed ee siyaasada dalka
Khadar Abdi Ibrahim ( khadar sos )

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here