Kulmiye: loollan iyo laab la kac !! Q3-aad

0
424

Kulmiye: loollan iyo laab la kac !! Q3-aad
Kulmiyihii shalay, kulmiyaha Maanta iyo Kulmiyaha berri; Qormo lafo gur ah…Saleebaan Cabdi Cali (Kalshaale)
“Umaan qaadan qalinka qayb
Umaan qorin weedha qolo
Umaan qallin hadalka quud
Dareenka qasbaa xarfaha
Qiyaas ugu dhigay kashkayga
Ee ninkii qoonsadoow ha qarin…” SCC. kalshaale
Arraar kaddib, qormadan 3-aad ee taxanaheena waxaynu dib ugu laabbanaynaa sheekadii hore inoogu soo taxnayd ee Sooyaalka Kulmiye, waxaanan ku salayn doonaa Marxallada cusub ee la galay iyo muuqaalka isbedelay maalmihii u dambeeyey.
Intaananse gudda gelin qoraalka. aan ka qac ka siiyo dhowr tuduc oo xalay igu soo dhacay markii aan munaaqishoonayey, waxaana idhi ;
‘Nin hankiisu waydeeyey
Himiladdu ka naafowday
Isagoon hambada dhowrin
Ka huleellay jeegaanta
Marka horeba hoosiis dheh!!
Hoosiiska waxa la yidhaahdaa marka ay daruur yar oo khafiif ahi cadceeda qariso, kaddibna daqiiqado yar kaddib, iyadoo nooluhu hadhka ka dareeray ay qoraxdu dibada uga soo baxdo daruurtii yarayd ee dabooshay. Waa soomaalidu ku maahmaahda; Doqoni hoosaasinbay hadh mooda’. Intaas kolkaan ka imaado aan u soo noqdo mowduuca iyo qormadeena maanta.

Maalmihii adkaa iyo Mabaadii’da liicday
kooxda Mujaahidiinta ah ee uu madaxda u yahay Muuse Biixi waxay dheer yihiin kuwa ka soo horjeeda ee garabka samaale, Biseyl iyo waayo-aragnimo siyaasaddeed, xagga dhaqaalahase markaan eegno, hoos ka dhiib yar wax ka badan oo muuqdaa kamuu soo gaadhin dabar-goynta khayraadka dalka ee ay xukuumadda Siilaanyo ku tasaruftay bad iyo bariba intay talada haysay. Sidaasoo ay tahay, misna Lama odhan karo waxay ka qaddeen mashaariicda dawladdu bixisay, wallow aanay marna isha ra’yul caamku qaban hanti buuran oo loo loogay.

Labadan garab ee xisbiga la soo koray, ujeedooyinkooda Siyaasaddeedna kala fog yihiin waxa hirdan adag oo laysku muquuninayey ka dhexeeyey teer iyo markii Odayga xisbigu (Madaxweynaha) uu wareejiyey Guddoomiyenimada. Loollankaas oo hadda soo gaadhay marxaladii u dambeysay ee uu midkood suntan lahaa hadii guusha lagu waaro madaxweynaha xisbiga ee Siilaanyo bedeli doona, ayaa waxay labada dhinac isla soo mareen marxaladdo kala duwan, maalmo adag iyo mahadhooyin taariikhda galay, kuwaasoo suurto-gelin waayey in lagu kala hadho oo uu koodii roonaadaa reerka u hadho.

Gulufkii ugu adkaa ee ay isla soo mareen wuxuu ahaa markii qabsoomay Shirweynihii xisbiga ee dhacay 2014-ka. Si fiican ayaa loogu kala adkaaday iyadoo aan tartan loo gelin hogaanka xisbiga qabashadiisa, inkastoo qabanqaabadii laysu dhibi listay. Ergadii Shirweynaha ka qayb-gashay waxa laga ansixiyey qorsheyaal dibada lagu soo bisleeyey oo ay ku jiraan doorashada todobada xubnood ee hogaanka xisbiga, magacaabista guddida fulinta iyo tiradda xubnaha Golaha dhexe. Waxa jiray xubno lagu daray guddida fulinta oo saameyn weyn ku lahaa wada-shaqaynta guddida. In xubnahaas lagu kordhiyo fulinta xisbigu waxay kamid ahayd jarantarrooyinkii isku simay labada dhinac inay illaa hadda kubbada wada-dheelaan. Waayo haddii kolkii horeba lagu kala hadhi lahaa Shirweynaha may yimaadeen waqtigan muran iyo is-qabqabsi iminka.

Shirweynihii xisbiga dib haddaan ugu yar noqono, si nabad ah ayy ku dhacay sanadkii tegay, laakiinse lama mahadin natiijooyinkii ka soo baxay; sida dhismihii golaha dhexe ee xisbiga, guddida fulinta iyo dhamaystirka howlihii qabyada ahaa ee Shirweynuhu ansixiyey. Faddeexadii ugu xumayd ee uu xisbigu waajahay kolkaas, waxay dibada u soo baxday markii ay Shir-guddoonkii Shirweynaha iyo hogaanka xisbigu kala magacaabeen laba gole dhexe oo kala duwan, kuwaasoo ay soo kala saareen laba maalmood oo is-xigay. Waxay u muuqatay anfariir iyo dhacdo ugub ah oo bulshadu aad u dareentay.

May jirin caqabad ka fool-xun oo xisbigu soo maray intaan xusuusto tobankii sannadood ee u dambeeyey, waxaanay ahayd arrin si weyn u saameysay shuruucda iyo kala dambeynta dhexdiisa, markii laysla qastayna waxay gaadhay heer nabad-gelyo daro oo curisay, iyadoo waddanka oo dhan gilgishay duufaantii ka kacday. Si kastoo ay u adkayd xaaladaasi, Hadii aannan u xil-qarin waxa lagu xaliyeytanaasul siyaasaddeed oo dhimbiil daba kaga kulullayd hogaanka xisbiga, siiba Guddoomiye Muuse Biixi iyo ku-xigeenkiisa Maxamed Kaahin, oo ay markaa falaadhaha dagaalku toos ugu socdeen. Xalkii la gaadhay wuxuu fursad dahabi ah u ahaa garabkii xukuumadda ee ay hogaaminayeen Wasiirkii Maaliyada ee wakhtigaas Cabdicasiis Samaale iyo saaxiibadiisa Wasiir Xirsi ku jiro.

Sida la xusuusto, qodobadii go’ankii ergada Guurtida ee dhexdhexaadinaysa muranka xisbiga, waxa kamid ahaa in Gollaha dhexe ee xisbigu noqdo kii ay magacaabeen Shirguddoonkii Shirweynaha oo sida loo arkayey u janjeedhay dhinaca Samaale iyo kooxdiisa. Weedhihii ugu cuslaa ee laga jeediyey xafladii lagaga dhawaaqay heshiiska dhinacyada xisbiga, waxaan afkiisa ka guntay Guddoomiyaha Xisbiga Muuse Biixi Cabdi oo yidhi; “ si kasta oo ay iigu adagtahay waan aqbalay anigoo eegaya danaha qaranka iyo midnimada Somaliland” ayuu yidhi Muuse Biixi oo uu walaac badani wajigiisa ka muuqday.

Soo af-jarida Khilaafkii ka dhashay Shirweynihii xisbigu waxay dhabada u xaadhay marxaladda uu hadda ku soo gaadhay , diyaarinta shirka Golaha dhexe ee bisha November loo muddeeyey qabsoomidiisa, shirkaasoo ah mid miisaan ahaan ka culus, kana xaasaasisan marka la barbar dhigo Shirweynihii la soo dhaafay.

Sida uu dhigayo dastuurka xisbigu, Shirka Golaha dhexe waxa lagu dooran doonaa Murrashaxiinta Madaxweynaha iyo ku-xigeenka.

Doorashada jaggooyinkani maaha arrin sahlan ama la fuddeysan karo, inkastoonu madaxweyne siilaanyo si rasmiya uga tanaasulin. Shirkaas waxa ka soo bixi kara murrashaxiin ay siyaasaddoodu ka duwantahay hannaanka hada dalku u dhisanyahay, kuwaasoo xukunkoodu saameyn taban ku yeellan karo Mustaqbalka waddanka.

Labada saf ee ay iminka kubbadu dhex taalay, way caddahay aragtidooda siyaasaddeed ee dhow iyo mida fog ee ay u shidaal qaadanayaan, waxaanad moodaa haddeer in qollo salaanka ka dhacday, isla markaana lumisay fursad ay ku hannan kari lahayd dooonaneyaasha Xisbiga hadii ay tab iyo xeellad ku socdaan.
La soco qormooyinka dambe..
Qorre: Saleebaan Cabdi Cali (Kalshaale)
Hargeysa/
Email: editor@gobanimonews.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here