“KULMIYE Ma Rafan-doono Ee Wuu Soo Rogaal Celin Doonaa…” Baashe Cawil

0
314

Wasiir hore Cali Warancade ayaa yidhi ” Xisbiga kulmiye ma noqon doono mid rafadkiisa lay dhiibo Waayo dad badan ayaa aaminsan in aan ka dambeeyay dhicitaankii xisbigii udub,Markaa ma doonaya in hadhow muuse biixi yidhaa xisbigii kulmiye Waxaan kaga tagay waran cade”

Waxa aan ku leeyahay Wasiir Kii  Hore Cali  Waran-Cade, Xisbiga Kulmiye Looga biqi maayo in uu maro waddadii UDUB, waana uu ka soo kaban doonaa.

Haddii tartankii doorashada Golaha Deegaanka iyo Golaha Wakiiladu dhammaaday, mar haddii tartankii guushu dhinac raacday, waxaan si adag kuugu sheegayaa oo kuu caddaynayaa in xisbiga Kulmiye aanu noqon doonin mid guul-darada maanta uu la kulmay sammeyn taban ku yeelan doonin, Balse xisbigu noqon doono mid dib isku noqda oo dib u habayn iyo hufid samayn doona, taas oo horseedi doonta inuu saxo wixii khaldamay tagtadii, timaadadana ku hoggaamisa guulo kale oo taariikhi ah.

Ugu dambayntii waxaan Leeyahay “Kulmiye Ma rafan-doono ee wuu soo rogaal celin doonaa”

Amb Bashe Awil Haji Omar

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here