Kusimaha Gudoomiyaha Xisbiga WADDADNI Ahna Gudoomiye Ku Xigeenka Md.Seed Oo Dhanbaal Tacsi Ah U Diraya Marxuum Xasan Caafi Dhinbiil Oo Ku Geeriyooday Magalada Boorama.‏

0
416

Kusimaha Gudoomiyaha Xisbiga WADDADNI Ahna Gudoomiye Ku Xigeenka Md.Seed Oo Dhanbaal Tacsi Ah U Diraya Marxuum Xasan Caafi Dhinbiil Oo Ku Geeriyooday Magalada Boorama.‏

Kusimaha gudoomiyaha Xisbiga WADANI ahna gudoomiye ku xigeenka Xisbiga Mudane Axmed Mu’min Seed, isagoo ku hadlaya magaciisa, iyo kan xisbiga , waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa qoyskii, qaraabadii Ubadkii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay ALLE ha u naxariistee MARXUUM XASAN CAAFI DHINBIIL oo xalay ku geeriyooday Magaalada Boorama, waxa sidoo kale uu marxuumka uga baryay inuu naxariistii Janno Ka waraabiyo eheladii iyo qaraabadii uu ka baxayna Mar labaad Samir iyo iimaan ka siiyo.
Gudoomiyuhu waxa uu si gaar ah uga tacsiyadaynayaa geeridaasi Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI Laanta Dala Australia Eng.Xuseen Xasan Caafi oo uu Marxuumku Aabo u ahaa, Gudoomiyuhu waxa uu Marxuumka ku sifeeyay qof wanaagsan oo bulshadiisana qadarin iyo maamuus ku dhex lahaa.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here