Laacibkii Iyo Macalinkii Ugu Wanaagsan Bishii September Horyaalka Ingiriiska Oo Lagu dhawaaqay

0
363

Laacibkii Iyo Macalinkii Ugu Wanaagsan Bishii September Horyaalka Ingiriiska Oo Lagu dhawaaqay

England (Warsugannews)-Anthony Martial ayaa loo magacaabay xidigii ugu wanaagsanaa horyaalka Ingiriiska bishii September ee lasoo dhaafay.
Martial
19-jirkaan reer France ayaa si qurux badan u ifiyay waayahiisa kooxda Manchester United markii uu aduun dhan 36 Malyan Oo Gini uga yimid Monaco maalintii ugu dambeysay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda xagaagan.

Martial labadii kulan ee ugu horeysay horyaalka ayuu kasbaday qalbiga Jamaahiirta United markii uu sadex gool u dhaliyay sidoo kalana kulankii xigay ee Sunderland si qurux badan ayuu guusha kooxda kaga qeyb qaatay.

Dhanka kale macalinka Tottenham Hotspur Mauricio Pochettino ayaa isna loo doortay macalinkii ugu wanaagsanaa horyaalka Ingiriiska bishii September.

Pochettino
Spurs dhamaan sadexdii kulan ee ay bishaas ciyaartay wey guuleysatay iyadoo haatan soo istaagtay booska sideedaad ee horyaalka.
Gool soo daahay oo uu dhaliyay Ryan Mason ayaa guul ka siiyay Sunderland, sidoo kalana Heung-Min Son ayaa kala diray Crystal Palace, halka kulankii ugu dambeeyay bishaas ay xasuuqeen Manchester City.
Abaalmarintaan Pochettino wuxuu ku garaacay Louis Van Gaal, Roberto Martinez iyo Slaven Bilic.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here