Laba Askari Oo Ku Dhintay Weerar Lagu Qaaday Guriga Guddoomiyaha Gobolka Awdal

0
799

Laba Askari Oo Ku Dhintay Weerar Lagu Qaaday Guriga Guddoomiyaha Gobolka Awdal

Hargaysa(Warsugannews):-Wararka naga soo gaadhaaya magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal, ayaa waxay sheegayaan in Weerar lagu soo qaaday guriga uu magaalada Boorama ka degan yahay guddoomiyaha gobolka Awdal Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), ay ku dhinteen laba ka mid ah ilaaladiisa, isla markaanna ay ku dhaawacmeen laba askari oo kale, iyadoo ay Ciidankaasi dhintay iyo kuwa dhaawacu soo gaadhay-ba ka soo kala jeedaan Milatariga iyo Booliska.

Ma jiro war rasmiya oo ka soo baxay guddoomiyaha gobolka Awdal Mr. Ramaax iyo Hay’addaha amniga midkoodna, hase-yeeshee sida aannu ka helayno ilo wareedyo kala duwan oo aannu khadka telefoonka kula xidhiidhay waxay sheegayaan inay jiraan tuhuno la xidhiidha in weerarkaas ay gaysteen kooxda uu hogaamiyo Ninka lagu magacaabo Suldaan Wabar oo muddooyinkii u dambeeyey dhawr jeer Weeraro gaadmo ah ku soo qaaday meelo kala duwan oo magaalada Boorama dhexdeedda ah.

Warku waxa uu intaas ku daray in saaka aroortii hore weerarkaas loo xidh-xidhay Odayaal iyo Madax-dhaqmeed lala xidhiidhiyey kooxda weerarka hubaysan ku soo qaaday guriga guddoomiyaha gobolka Awdal Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax),waxaanna dadka falkaas loo xidhay ka mida Suldaan Faarax gaagaale iyo ganacsadde la yidhaahdo Dumaal, Guddoomiye ku-xigeenka shirkadda Telesom ee gobolka Awdal Aw-gaab iyo Ganacsadde Idiris al Najax, waxaanna la sheegay in odayaasha, Madax-dhaqmeedka iyo Ganacsatada iyo Masuuliyiinta la xidhay ay jifo hoose la yihiin Suldaan Wabar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here