Labo fannaan oo si run ah ugu dagaalami doona gabar iyo feeryahanno caan ah oo ay kala wataan

0
475

Ciyaaraha feerka ayaa galay marxalad cusub, waxaa garoonka ciyaaraha feerka lagu ciyaaro ee afka ingriiska loo yaqaan “boxing ring” dhawaan isugu imaanaya labo heesaa oo caan ah islamarkaana da`yar oo kala wata labo feeryahan oo aad looga baqo.Labadan fannaan ee feerka u ballansan ayaa waxaa ay kala yihiin Chris Brown iyo Soulja Boy kuwaas oo uu dagaalkoodu ka bilowday gabar yar oo qurux badan taas oo uu saaxiib hore la ahaa fannaanka lagu magacaabo Chris Brown.

Fannaanka Soulja Boy ayaa feker ka dhiibtay sawir ay baraha bulshada soo dhigtay Karrueche Tran taas oo xilligaas saaxiib la aheyd Chris Brown, fekerkaasi oo aan u cuntamin fannaan Chirs Brown, sidaasna u bilowday dagaalka afka ah ee labadan fannaan oo in muddo ah soo jiitamayay.

Si kastaba labada fannaan oo ka daalay dagaalka afka ah ayaa iminka isku ballansaday fool-ka-fool, waxaana ay kala qorteen labo feeryanah oo caan ah kuwaas oo kala ah Floyd Mayweather iyo Mike Tyson.

Mike Tyson oo tababare u ah fannaan Chris Brown ayaa hanjabaad lagu kicinayo xammaasadda feerkan loo ballansanyahay u soo diray fannaan Soulja kaas oo uu bartoosa Instagram-ka soo dhigay, waxaana uu ugu hanjabay in laga takhluusi doono.Gabadha uu dagaalku ka bilowday oo aan iminka midna saaxiib la aheyn labada fannaan ee madaxeeda ku dagaalamaya ayaa isha ku haysa cidda kusoo baxda feerkan oo hubaan reebi doona hardanka afka ah ee mudada soo jiitamayay.