Liibaan Ismaaciil Oo Dhambaal Hambalyo Iyo Duco Ah U Diray Wasiirka Cusub Ee Wasaaradda Ganacsiga Iyo Maalgashiga. Mudan Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)‏

0
514

Liibaan Ismaaciil Oo Dhambaal Hambalyo Iyo Duco Ah U Diray Wasiirka Cusub Ee Wasaaradda Ganacsiga Iyo Maalgashiga. Mudan Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)‏

Liibaan Ismaaciil Oo Dhambaal Hambalyo Iyo Duco Ah U Diray Wasiirka Cusub Ee Wasaaradda Ganacsiga Iyo Maalgashiga. Mudan Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)
Mudane Madaxweyne waad ku mahadsan tahay inaad ku qanacdo mudane Xuseen Aadan Cige inuu hanan karo hawshaas baaxada leh ee wasaaradda ganacsiga iyo maalgashiga.
Waxaanan ku ogahay karti, dadaal, daacad, hufnaan, samir iyo hab-dhaqan tolmoon oo ay ku ladhan tahay Diin iyo
dadnimo sugan.
Waxaanan mudane Xuseen Aadan Cige leeyahay waxaan kugu
hambalyaynayaa horu-socdkaas aad samaysay iyo geediga aad sii ambo qaaday, waxaanan ku rajo weynahay inaad waajibkaaga shaqo si haboon u gudan doonto dadaalkaaga iyo hawl karnimadaada shaqo ee la arkay mudadii koobnayd ee aad ahayd af-hayeenka madaxtooyadana aad ka sii wanaajin doonto wasaaradaasina noqon doonto mid ku dhiirata oo buuxisa kaalintii qaranka ay kaga jirtay idamka Alle.
waxaanan Alle kuu waydiinayaa talaabada toosan kugu sugo xilkaas culus kaaga yeello mid aad ku asturanto magac iyo maamuus lagugu
majeertana aad ka dhaxasho.

Alla Mahad Leh

Wa Billaahi Tawfiiq

Liibaan Ismaaciil Cabdilaahi