Liiska Magacyada Xulka Daadmadheedh Ee Kubbada Kolayga Oo Lagu Dhawaaqay

0
1003

Liiska Magacyada Xulka Daadmadheedh Ee Kubbada Kolayga Oo Lagu Dhawaaqay

Magacyada Xulka Gobolka Daad-madheedh ee Kubada Kolayga
Tababaraha kubada Kolayga ee Xulka Daadmadheedh, ayaa si rasmi ah u soo saaray, liiska magacyada ciyaaryahanada u safan doona xulka gobolkaas, tartanka ciyaaraha Gobolada Somaliland ee dhawaan caasimada ka furmaya.Magacyada Xulka Gobolka Daad-madheedh ee Kubbada Kolayga

Axmed Cismaan Diiriye “Shaadhay” oo ah tababaraha xulka Daad-madheedh ee kubbada kolaygu, wuxuu daboolka ka qaaday liis 14 ciyaaryahan ka kooban, kuwaas oo gobolka, Koonfur bari caasimada Dhaca u matali doona ciyaaraha gobolada, qaybtiisa kubbada Kolayga.Magacyada Xulka Gobolka Daad-madheedh ee Kubada KolaygaLiiska uu soo saaray tabababare, Shaadh, oo dhamaantood ah, wiilal dhalinyaro ah, kuwaas oo uu tababarka si iskii ah u siin jiray macalinku, ayay dadka inta badan ciyaaraha faaqidaa, durba ku dareen, xulalka u sharaxan inay koobka kubbada kolayga “Basket Ball” qaadi karaan sanadka.

Khubarada ciyaaruhu waxay tilmaamayaan in Khibrada waayo aragnimo ee Macalin, Axmed Cismaan oo lagu daray carbiska Muddada dheer ee uu Dhalinyaradan aadka u da’da yar soo siinayay iyo innamada oo qaab dhismeed ahaan ah kuwii ugu haboonaa ee kubad Kolay loo carbin karayay, ay tahay sababta ugu weyn ee ay Shaadhay iyo Ciyaaryahanadiisu ku hannan karaan, laguna hor istaagi Karin sanadkan koobka.axmed Cismaan Diiriye – Shaadhay- tababaraha xulka Daad-madheedh

Liiska Magacyada Xulka Daadmadheedh Oo Dhamaystiranina waa Sidan:-

1.Sahal Axmed Cismaan 2.Cabdiwahaab Baashe Xuseen 3.Cabdiraxmaan Aadan Faantaar 4.Cabdiwahaab Cabdilaahi Faarax 5. Cabdiqaadir Bashiir Faarax 6.Diiriye Axmed Cismaan 7.Xamse Cabdi Siciid 8.Fadxi Cabdi Cabdilaahi 9.Maxamed Cismaan Cawaale 10.Cadnaan Saleeban Maxamed 11.Khaalid Maxamed Muxumed 12.Xiis Cilmi Cismaan 13.Madar Cumar Madar 14.Cabdifataax Maxamed Jaamac
Magacyada-Xulka-Gobolka-Daad-madheedh-ee-Kubada-Kolayga-logo-650x360

Magacyada-Xulka-Gobolka-Daad-madheedh-ee-Kubbada-Kolayga

axmed-Cismaan-Diiriye-Shaadhay-tababaraha-xulka-Daad-madheedh
Tabbabare:- Axmed Cismaan Diiriye (Shaadhay)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here