Luis Enrique Oo Magacaabay Kooxda Uu Kulanka Horyaalka La Ligaha Ugu Horeeya Kala Hortagi Doono Kooxda Athletic Bilbao, Jordi Alba Oo Liiska Ku Jira Iyo Neymar Oo Wali Maqan

0
425

Tababaraha kooxda Barcelona ee Luis Enrique ayaa soo saaray liiska ciyaartoyda kooxdiisa Barcelona ee uu ula safri doono San Mames oo ay Barcelona kula soo ciyaari doonto kooxda Athletic Bilboa oo ay dhawaan wada ciyaareen Spanish Super Cupka.

Barcelona ayaa kulanka ugu horeeya ee koobka horyaalka Spain ee ay difaacanayso ku bilaaban doonta kooxdii Spanish Super Cupka ka qaaday ee Athletic Bilbao oo ay waliba marti ugu noqon doonto garoonkeeda. Luis Enirique ayaa kulankan tagaya isaga oo qaba dhibaato dhinaca difaaca ah.Alba

Inkasta oo aanu Jordi Alba wali taam buuxa ahayn, ayuu haddana Luis Enrique liiska kooxdiisa uu ku soo daray difaacan orodka badan ee ay Barcelona udhibtootay kulamadii UEFA Super cupka iyo Spanish Super Cupka. Alba oo dhaawac muruqa ah la maqnaa ayaa la filayaa inuu ugu yaraan qayb ka ciyaari doono kulanka Athletic Bilbao.

Maqnaansha Neymar iyo Adriano ayaa keentay in macalinka Barcelona ee Luis Enrique uu kooxda Barcelona B uga yeesho da’yarka kala ah Gumbau and Camara.Pique iyo Mathieu ayaa Barcelona kaga maqnaan doona ganaax waana dhibaato madax xanuun ku ah Enrique.Inkasta oo uu Enrique sheegay in Neymar ay xaaladiisu aad u fiican tahay ayuu haddana liiska kooxdiisa ka reebay.

Liiska kooxda Uu Enrique magacaabay ee oo dhamaystiran:  Ter Stegen, Bravo; Jordi Alba, Alves, Bartra, Mascherano, Vermaelen, Jordi Alba, Sergio, Rakitic, Iniesta, Rafinha, Sergi Roberto, Gumbau, Cámara, Munir, Sandro, Suárez, Messi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here