Lunsi Hantiyeed Lagu Helay Oo Lagu Xukumay Xadhig Gaadhaya Sadex Sanno Iyo Ganaax Lacageed

0
293

Laba kamida Shaqaalaha ka tirsan wasaarada Maaliyada Gaar ahaana Waaxda Cashuuraha Beriga ee Burco ayay Xukun ku riday Maxkamada Gobolka Togdheer kadib markii Lagu Helay Lunsi hanti umadadeed oo ku dhaw $10000(toban kun oo dollar),

Xukunka ay maxkamada riday ayaa isugu jiray soo celinta lacagtaasi, Ganaax iyo xadhig gaadhaya sadex sano.

Sidoo kale Hanti dhawrka Guud ee Qaranka ayaa Baadhis Cusub ka Bilaabay Dawlada Hoose Ee Burco.

Baadhistan oo noqonaysa Tii ugu horeysay nooceeda ah ee ay Fulinayaan Hantidhawrka Guud Qaranku sida uu HCTV u sheegay kuxigeenka hantidhawrka Guud Sacad Riiraash ayaa ku jihaysan dabagal iyo baadhis lagu samaynayo Mashaariicda JPLG ee laga fuliyay magaalada Burco.

Xigasho : Xabiib Cige Xasan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here