MA DHAB BAA IN DONALD TRUMP AANU U DHALAN MAREYKAN, KANA SOO JEEDO ASALKA QOYS MUSLIM AH?.

0
406

Donald Trump ayaa waqti badan ku bixiyey sidii uu adduunka iyo dadka dalkiisaba uga dhaadhicin lahaa nin Barack Obama uusan aheyn muwaadin u dhashay United States.
Laakiin haatan madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump wuxuu ku qasban yahay inuu caddeeyo isagu cidda uu yahay, waana inuu sidoo kale caddeeyo in uusan aheyn agoon kasoo jeeda dalka Pakistan.
Talefashinka laga leeyahay dalkaas Pakistan ee lagu magacaabo Neo News ayaa ku eedeeyey madaxweynahaan timaha baloondada ah leh Trump inuu sida dhabta ah ku dhashay magaalada Waziristan sannadkii 1946dii isla markaana uu kasoo jeedo qoys Muslim ah, magaciisa ayaana markii hore ahaa Dawood Ibrahim Khan.
Warbixintaani waxay sheegeysaa inuu Trump ku noolaa dalka Pakistan tan iyo sannadkii 1955tii, laakiin wixii intaas ka dambeeyey waxaa soo korsaday qoys u dhashay Mareykanka, maadaama ay soo bexeen warar sheegaya inay geeriyoodeen waalidiintiisii u dhashay Pakistan.
Hillinkaani wuxuu sidoo kale bannaanka soo dhigay sawirka Trump oo isagoo dhallinyaro ah ku sugan dalka Pakistan, waxayna warbixintu sheegeysaa inuu xitaa waxbarashadiisa heerka hoose ku qaatay dalkaas.Bishii lasoo dhaafay ayuu Neo News TV sii daayey warbixintaan, laakiin haatan ayey dhedhen gooni ah yeelatay, waxaana lagu yiri waqtigaas: “Donald Trump wuxuu u dhashay Pakistan ee uma dhalan America.”
Majaladda Metro ee dalka UK ayaa xiriir la sameysay Donald Trump si uu uga hadlo arrintaan laakiin uma aysan suurtogelin middaasi.