Ma Ogsoontay Inaad Qabri Galayso W/Q Cabdiraxiim Cabdilaahi Shiine

0
825

Ma Ogsoontay Inaad Qabri Galayso

W/Q Cabdiraxiim Cabdilaahi Shiine

Beryahan danbe waxaa bulshadeena iyo caalamkaba ku soo badanayaa geerida degdega ah ee loo yaqaan mawtal qaflaha taas oo ah in qofkii aad ku ogayd inuu caafimaad qabay ama waqtiyar ka hor kula joogay laguu soo sheego geeridiisa ama dhimashadiisa iyadoo kugu noqota argagax iyo uqaadan waa ama naxdinta waqtigaa ka soo gaadha ay kugu sababto xaalad caafimaad daro  waana sababta uu Nabi Maxamed ﷺ uu uga ducaysan jiray inuu Ilaahay ka nabadgaliyo  geeridaa degdega ah ee mawtal qaflaha.

 

Geeridaa degdega (mawtal qafluhu) waa cashar iyo ku cibro qaadasho uu Ilaahay adoomihiis ku tusayo awoodiisa si ay ugu waano qataan oo qofkii xumaan ku jiraa uu ka soo baxo Ilahayna uu xasuusto oo uu ka baqdo halaka  kii isaguna wanaaga ku dhex jiray uu usii badiyo khayrkaa uu waddo iyo Alle ka cabsiga.

 

Geerida ama dhimashadu waa xukun noolaha oo dhami ku xukumanyahay waxaan kuu cadaynaysaa inuu Allaah subxaanahu wa tacaalaa Ayaad Quraanka Kariimka ka mid ah uu ku yidhi “الْمَوْتِ ذَآئِقَةُ نَفْسٍ كُلُّ” taas oo micnaheedu yahay “qof waliba wuu dhadhaminayaa geerida”

 


Geeridu waa masiibo tan ugu weyn oo Bani aadamka ku dhacda waana waxa ugu badan ee ay ka baqdaan ama ay ka cabsadaan waa masiibo tan ugu weyn marka ay haleesho qofka guud ahaan waxaa soo xidhmay hadaf yadii iyo ujeedooyinkii uu u nolaa magaciisii iyo wixii uu darjo lahaaba waxay u badalaysaa Meydka iyo Marxuunka, Hantidii laga yaabo in uu inta ugu badan cimrigiisa ku bixiyay siduu ubadin lahaa ama uu ukobcin lahaana waxaa ka raacaysaa maro yar oo cad lana yidhaahdo Kafan, Gurigii weynaa ee uu qurxin jiray dhinac walbana laydhka ka sudhi jiray markii uu noolaa iyo sariirihii qaliga ahaana waxay ubadelaysaa inuu uhoydo ama lagu aaso meel bani aadamku ka baqdo islamarkaana cidlo ah oo madow lana saxiib ah cidhiidhi iyo aboor kaas oo layidhaahdo qabri ama iil.

 

Qabrigu waa halka ay ka bilaabmayso nolosha lagu waraayo haddii Ilaahay qabriga kuu hagaajiyo waxaad noqonaysaa mid guulaystay lakiin haddii uu kaa xumaado waxaad noqonaysaa mid khasaara, Nabi Maxamed ﷺ isagoo ah kii umada ugu fadliga badanaa uguna cabsida badanaa Ilaahayna jannadiisa ugu ballan qaaday asxaabtiisa waxa uu ku tarbiyayn jiray marka qof la aasayo inay halkan aad ugu fiirsadaan kana ordin isna ilowsiin kolkaasaa intuu waxoogay rasuulku ﷺ dul fadhiisto isagoo fikiraya si uu dadka indhahooda u soo jeediyo iyo quluubtooda ayaa waxa uu odhan jiray “walaalkiinan aad diinta ku walaalaha ahaydeen Ilaahay danbi dhaaf u weydiiya maanata waxa kaliyaate ee uu idiinka martida yahay waa istiqfaar iyo in  Ilaahayna ku sugo kalamada xaqa ah oo aanu imtaxaankaa ku dhicin Ilaahay u weydiiya’’

Bulshadeenu marka la isugu yimaado xabaalaha intooda badan ma maraan jidka uu rasuulka inoo jeexay ee ah qalbigooda u soo jeediyaan Gurigan yare e cidhiidhiga ah isla markaan ay qiiroodaan, waxaad arkaysaa dad iyagoo xabaalo jooga qosqos laya oo sheeko aduun ka sheekaysanaya ama dad ka maqan xamanaya oo wax ka sheegaya iyadoon taasi banaanayn.

 

Qabrigu marka maydka lagu rido isla markaana laga soo dareero waxaa uu u kala baxaa ama uu noqdaa laba qaybood sida uu inoo sheegay Nabi Maxamed ﷺ inay xabaashaasi noqoto god kamid gododaka cadaabta ama beer ka mid ah beeraha janada labadanaa waxaa sababa inay noqoto camalkii uu samayan jirey Maydka lagu aasay markii uu dunida joogay.

 

Camalku waa shaqo la qabto marka dunida la jooga waxaaanu u kala baxaaa laba qaybood inuu noqdo mid wanaagsan oo ka turjumaya sababtii laguu abuuray ee uu Ilaahay SWT u leeyahay

لِيَعْبُدُونِ إِلَّا وَالْإِنْسَ الْجِنَّ خَلَقْتُ وَمَا iyo inuu noqodo camal xun oo kuu horseeda inaad Aduun iyo Aakhira khasaarto waana sababta loo yidhaa waxaynu joognaa Daarul Camal ama meeshii sahayda laga sii qaadanayay,  


Camalka wanaagsan:
waa inaad qabato ama la timaado shaqo iyo dhaqan Ilaahay SWT raali ka yahay taas oo aad samaynayso ama aad ku dhaqmayso wixii Ilaahay SWT iyo Rasuulkiisu ﷺ inoo jideeyay ee ku sugan Kitaabka Quraanka Kariimka ah iyo Axaadiistii Nabi Maxamed ﷺ Kana leexanayso dhaqan iyo caado kasta oo xun taas oo la inaga reebay si aad  Aakhiro iyo aduunba u badbaado.

Talo ku socota bulshadeena: Qof kasta oo bulshadeena ka mid ahi ma oga inta loo soo jiro amba inta uga hadhay maalintii uu dhimanayay madaama oo ay dhimashadii badatay iyadoo uu caalamka faro baas ku hayo cudur layidhaa Carona virus oo dadkii kooxo kooxo u laynayo waxaan qofkasta oo bulshadeena ka mid ah u soo jeedin lahaa inay badiyaan Alle ka cabsiga iyo cibaadada kuna dadaalaan ku dhaqanka diinta Islaamka.

WABILAAHI TAWFIIQ

W/Q Cabdiraxiim Cabdilaahi Shiine

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here