Saamiya Xasan Oo Madaxweyne Noqotay Dalka Tanzania

0
451

Madaxweyne ku xigeenka dalka Tanzania gabadha lagu magacaabo Saamiya Xasan ayaa si rasmi ah loogu dhaarin doonaa xilka madaxweynaha dalkaasi kadib markii uu geeriyooday John Magufuli oo dalkaasi hoggaaminayay.

 

Sida uu qabo dastuurka dalkaasi madaxweyne ku xigeenka ayaa xilka madaxweynaha la wareegaya haddii ay madaxweynaha ku timaado geeri ama xannuun uu shaqada la qaban kari waayo.

Saamiya Xasan waxay xilkaan heyn doontaa ilaa 2025 oo uu ah waqtiga uu dhammaaneyso mudada xilka madaxweynihii geeriyooday.

Waxa ay noqoneysaa madaxweynihii lixaad ee Tanzania iyo madaxweynihii ugu horeeyay oo dumar ah ee soo mara dalkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here