MAALIN KA MID AH MAALMIHII NOLOSHA NABI MUXAMED SCW QAYBTII 12AAD

0
450

MAALIN KA MID AH MAALMIHII NOLOSHA NABI MUXAMED SCW QAYBTII 12AAD- Casarka : Duhurka waqtiga ka dambeeya
Daraasad koobaysa qorshe hawleedkii nabiga ee Maalinlaha ahaa – Dr Cabdiwahaab B.Naasir Al- Turayti
Makkah

Hargeysa(Warsugannews)Marka salaada Casar la gaadho ee eedaanka Bilaal ku dhawaaqo, Nebigu xiligaas waxuu ku sugan yahay gurigiisa isagoo sugaya inta dadku isugu soo ururo masaajidka. Waxaanu nebigu SCW dadka ku dhiiri gelin jiray in ay tukadaan afar rakcadood oo sunne ah salaada casar ka hor. Waxaanu odhan jiray: Allahayow naxariistaada sii qofka afar rakcadood casar ka hor tukada. Marka waqtiga salaadu la tukanayaa la gaadho ee dadku isugu yimaado masaajidka ayuu guriga ka soo bixi jiray sidaas ayaanu Bilaal ku aqiimi jiray nebiguna salaada ku tujin jiray. Sida Anis Ibnu Maalik werinayo: qofna kama dhakhso badnayn nebiga marka uu tujinayo salaada casar. Casarka quraanka uu salaada dhexdeeda akhriyaa waxuu ahaa mid qayb ahaan marka loo eego midka uu akhriyo salaada duhur.

Marka uu tukashada salaada dhameeyo,nebigu SCW wuxuu ku soo jeedsan jiray asxaabtiisa, markaa hadii wax uu yidhaa uu u hayo wuu odhan jiray, hadii kalena waxuu odhan jiray: ma hubo in aan wax idiin hayo aan idin idhaah iyo in kale. Iyaguna waxay odhan jireen: rasuulkii ilaahayow hadii ay wax khayr noogu jiro tahay noo sheeg hadii aanay ahayn ilaahay iyo rasuulkiisa ayaa u cilmi leh. Markaay ayuu yidhi:“ qof kasta oo muslim ah oo si fiican u wayso qaata oo shanta salaadood tukada,markaas salaadahaasi waxay ka tirayaan waxii dnebi ah ee ka dhacay salaadaha dhexdooda.

Maalin ayaa nebigu SCW isu taagay si uu salaada Casar u tujiyo. Hadalkiisii ayuu ku daray: qof kasta oo waysada salaada si fiican u guta oo yidhaahda: waxaan qirayaa in Allaah keliya mooyee ilaah kale jirin muxamedna yahay nebigii iyo rasuulkii ilaahay, waxaa loo furaa sideeda albaab ee jannada. Waxaanu ka galaa midka uu doono. Qof kasta oo muslim ah oo si fiican oo dhamaystiran u wayso-qaata oo isu taaga laba rakcadood oo qalbigiisa iyo masxkadiisuba goob joog yihiin, waxaa loo ogolaadaa inuu ka mid noqda dadka gelaya jannada.

Hadalka Nebiga SCW ee salaada Casar waxuu ahaa mid ka kooban kana gaaban marka loo eego hadalkiisa Salaada duhur ka dib.Waxaana jira dareen ah in dadku iska daalan yihiin salaada casar ama ay danaynayaan in ay arimaha u gaarka ah in ay soo dhamaystaan intaan habeenku madoobaan iyo in ay cuntadooda (cashada) soo diyaarsadaan. Markuu nebigu SCW dhameeyo salaada casar, waxuu soo booqan jiray xaasaskiisa dhamaantood. Mid kastana waxogaa ayuu la fadhiisan jiray qolkeeda oo dhunkan jiray lana sheekaysan jiray laakiin lama samayn jirin wax galmo midkoodna. Markaas ayuu booqshadiisa ku soo gebagebayn jiray guriga xaaska uu habeenka u hoyanayo.Habeenkaasna gurigaas ayuu u hoyan jiray.

Mararka qaarkood, dhamaan xaasaskiisu ayaa isugu iman jiray guriga habeenkaas uu hoyashada u leeyahay, waxaanu ahaa guriga Caasha.Saynab ayay kadinka ku kulmeen nebiga oo isna soo galaya guriga Caasha.Markaas ayuu gacantiisa saaray garabkeeda.Caasha ayaa tidhi tanina waa Saynab, markaas ayuu nebigu gacantiisii ka qaaday garabkeeda.Labadoodii ayaa murmay markaas ayay hadalka kor u qaadeen. Xilligaas waxay ahayd waqtigiis salaada, Abubakarna wuu ag marayay isaga oo maqlay murankooda. Waxaanu si dheer u yidhi: rasuulkii ilaahayow kaalay iska tuko oo boodh ku shub afkooda. Nebiguna SCW salaada ayuu u soo baxay. Caasha ayaa markaa tidhi: Marka nebigu dhameeyo salaada, Abubakar wuu ii imanayaa isagoo si adag iila hadlaya.Markii Nebigu SCW dhameeyay tukashada salaadii, ayuu Abubakar u yimi Caasha oo ahayd Inantiisii isaga oo ku leh: Sideed waxaas u samayn kartaa?

Nebigu SCW markuu tago gurigiisa salaada casar ka dib waxuu tukan jiray laba rakcadood oo sunne ah.inkasta oo aan la ogolayn salaada Casar ka dib in sunne la tukado ilaa maqrib la gaadho, waxayse dhacday mar nebiga ay u yimaadeen wafti ka socda reer Cabdi Al-Qays oo u sheegay nebiga in dhamaan qabiilkooda oo dhami diinta islaamka galeen. Nebigu waxuu waftiga la kulmay salaad Duhur ka dib, markaas ayaanu tukan labadii rakcadood ee salaada Duhur ka dambeeyay oo uu kaga mashquulay waftiga soo dhowayntiisa.Markaas ayuu labadiisii rakcadood tukaday casarka ka dib.Intii danbana sidaas ayuu casar ka dib u tukan jiray ilaa uu ka geeriyooday.Waxaanu ahaa nebigu hadii uu salaad sunne ah meel ku tukado waxuu ka dhigi jiray mid joogto ah. Caasha ayaa tidhi: Ilaahay naftayda oofsanaya ayaan ku dhaartee, nebigu kama tegin labadaas rakcadood uu salaada casar ka dambaysiiyay ilaa uu la kulmay rabbigiis. Inta badana waxuu ku tukan jiray gurigiisa isagoo la jooga xaasaskiisa.

Xilliga uu nebigu SCW joogo guryaha mid ka mid xaasaskiisa, waxay ahayd goob xiiso iyo jacayl qoys ay ka muuqato. Waxa kale oo uu gurigiisa uu joogaa ahaa goob cilmi iyo aqooneed la iskuna waydaarsado su,aalo iyo rayi ku aadan duruufaha xilligaas. Nebiguna su,aalahaas iyo wada sheekaysiigaas waxuu ahaa mid si aad ah u soo dhoweeya.

Tusaale: Caasha ayaa nebiga maalin waydiisay inuu wax uga sheego maalmihii ugu adkaa noloshiisa intii uu dadka ugu yeedhayay diinta ilaahay. Waxaanay raacisay: rasuulkii ilaahayow, miyaad la kulantay duruuf ka adag maalintii dagaalkii Uxud? Waxuu ugu jawaabay:Waxaan si ka xun iyo duruuf adag kala kulmay dadkiina. Waxaanan dhib fara badan la kulmay maalintii Caqabah.markaan diinta ugu yeedhay Ibnu Cabdi Yaliil Ibnu Kulal, waanu iska diiday yeedhmadaydii. Waan iskaga tegay aniga oo murug dareemaya oo aan garanayn meel aan u socdo. Waxaan is ogaaday markaan gaadhay meesha la yidhaa Qarnu Al Saclab, indhahayga ayaan kor u qaaday, waxaan arkay daruur dushayda taagan. Waan eegay, waa malakul Jibriil. Wuu ii dhawaaqay isaga oo leh: Ilaahay wuu maqlay waxay dadkaagu kugu yidhaahdeen iyo sida ay kuu diideen. Waxaanu kuu soo diray Malaga ka masuulka ah buuraha si aad u siiso amarada waxii aad rabto in lagu sameeyo. Malagii buuraha ayaa ii dhawaaqay isaga oo leh: Muxamed, ilaahay wuu maqlay waxay dadkaagu kugu yidhaahdeen. Waxaan ahay Malaga buuraha ka masuulka ah.Rabbigaa waxuu ii soo diray in aan fuliyo amaradaada. Waxaad I fartana waan fuilnayaa, hadii aad doonto waxaan dushooda ku dhufan labada buurood ( waa labada maka dul saaran). Waxaan ku idhi maya.Waxaanku idhi ilaahay ayaan ka rajaynayaa inuu kuwa dhabarkooda ku jira ka soo saaro qaar ilaahay kelliya caabuda cidna aan la wadaajin cibaadadiisa.

Sheekada dhex martay Caasha iyo Nebiga waxay ina tusaysaa sida Caasha lafteedu u xiisaynaysay ogaalka waxyaalo badan oo cilmi ah iyo arrimaha la xidhiidhaha nolosha nebiga ee waqtigii iyada ka horeeyay. Waxa kale oo ay ina tusinaysaa sida ay Xaasaskiisu u jeclaayeen in ay wax ka ogaadaan nebiga xilliyadii adkaa ee uu soo maray si ay ula wadaagaan dareenkooda in ay garab taagan yihiin.

Waxa kale oo ay ina tusaysaa sida nebigu u lahaa dhaqan uu ku tababaray Allaha u doortay inuu yahay nebigiisa kuna lamaaneeyay magaca nebiga magaciisa wayn subxaanuhuye.Intaanay nebiga noloshiisii qaaliga ahayd dhamaanin, waxa u rumowday aragtidiisaas uu la wadaagay Malaga buuraha oo ahayad in qaar ilaahay caabuda oo aan cidna la wadaajin cibaadadiisa oo u jihaada diinta Allah ay dhabarkooda ka soo baxaan, taasina way dhacday.

Maalin ayaaa Caasha waxay maqashay nebiga SCW oo leh : qof kasta oo la xisaabiyo maalinta qiyaame waa la ciqaabayaa. Caashana had iyo jeer waxyaalaha aanay fahmin nebiga way kala doodi jirtay si ay u fahamto, markaas ayay ku tidhi: rasuulkii ilaahayow miyaan ilaahay quraankiisa ku odhan:Ruuxiise Kitaabkiisa (fiican) Midigta laga siiyo (waa mu’minkee). Waxaa la xisaabin xisaab fudud –(Inshiqaq 84: 7-8). Markaas ayuu yidhi: suuradu ma khusayso xisaabta lafteeda, waxay sheegaysaa sida loo siinayo xisaabtooda, ee qof kasta oo camalkiisa la waydiiyo maalinta qiyaame waa la ciqaaabay

Maalin isaga oo la hadlaya Xaaskiisa Xafsah ayuu nebigu yidhi: waxaan rajaynayaa qof kasta oo ka qayb qaatay dagaalkii Uxud iyo Xudaybiya in aanu cadaab gelin. Haa, way gelayaan cadaan rasuulkii ilaahayow ayay tidhi. Wuu ku celiyay laakiin waxay tidhi: miyaan ilaahay quraanka ku odhan:cid idinka mid ah oon ku aroorayn ma jiro naarta, arrintaasna waxay ku ahaatay Eebahaa agtiis wax go’an oo xukuman.Waxuu ku yidhi: miyaanad maqal ilaahay oo leh:Markaas waxaannu korin kuwa Dhawrsaday, waxaannu kaga tagi Daalimiinta Dhexdeeda iyagoo Jilbo u Fadhiya (Maryam 19:72)

Allaah ayaa mahad leh rasuulkiiisa siiyay dulqaadka, xikmada iyo weliba aqoonta ka dhigtay mid loo saaray inuu bini-aadamka oo dhan ugu yeedho nolosha iftiinka iyo badhaadhaha ee dunida korkeeda iyo mida waarista janno dhexdeed ee aakhiro.
Asxaabtiisa ayaa iyaguna nebiga SCW ugu yeedhi jiray martiqaad si uu ugala qayb qaato munaasibadahooda.Waanay ku farxi jireen marka uu u yimaado una waydiisan jireen inuu u duceeyo. Maalin salaadii casar ka dib nin ayaamasaajidka uga yimi reer Binu Salamah waxaanu ku yidhi: Rasuulkii Ilaahayow waxaanu qalanaynaa awr, markaa waxaan jeclaanay inaad noo timaado oo nagala qayb qaadato. Asxaabtana munaasabadaas oo kale waxay u ahayd mid ahmiyad gaar ah leh, maadaama hilibku cuntada ay cunaan ku yaraa xilligaas.Nebigu SCW wuu ka aqbalay waanu u tegay isaga iyo asxaabtii.markii ay gaadheen halkaas, waxay arkeen in aan weli awrkii la qalin.Markaas ayaa la qalay oo hilibkii qaybo laga dhigay. Qaybo ka mid ah hilibkii ayaa la kariyay oo ay wax ka cuneen nebiga SCW iyo asxaabtii la socotay ka hor intaan cadceedu dhicin.

Bal xaaladaas u fiirso: nebigii ilaahay ayaa u tegay maalin xagaa kulul ah isagoo ka jawaabaya martiqaadk uga yimi reer Binu Salamah oo degen waqooyiga ay Madiina ku dhamaato oo aad uga fog masaajidka si uu ugala qayb qaato awrka ay qasheen. Waxaan qiyaasi karaa in uu ugu tegay si uu u raali geliyo dadka ilaahay u soo diray oo ula wadaago farxadooda.Reer Binu salamah laftooduna mudo dheer ayay ka sheekayn jireen dhaqanka suuban ee nebiga.

Waxaa turjumay
Farxaan Aadan Haybe