MAALIN KA MID AH MAALMIHII NOLOSHA NABI MUXAMED SCW Qaybtii 14aad

0
349

MAALIN KA MID AH MAALMIHII NOLOSHA NABI MUXAMED
SCW Qaybtii
Daraasad koobaysa qorshe hawleedkii nabiga ee Maalinlaha ahaa
Dr Cabdiwahaab B.Naasir Al- Turayti Makkah

Salaada Habeenkii ( Cishaha)
Hargeysa(Warsugannews)Nebigu SCW, waxuu ku nagaan jiray gurigiisa ilaa salaada cishaha la eedaamo. Salaadan markaaba sooma bixi jirin si uu u tujiyo.Waxuu sugi jiray inta dadku soo wada gaadhayaan masaajidka.Hadii ay dib dhacaan, salaada dib ayuu u yara dhigi jiray.salaada cishaaiga waxuu dib ugu dhigayay si dadku waqti wanaagsan ugu helaan waxii danahooda ah ee gacanta ay ku hayaan xilligaas, ugana soo gaadhaan jamaca.
Habeen ayaa Bilaal aqiimay salaadii cishe.Nin ayaa istaagay oo ku yidhi nebiga.Rasuulkii ilaahay waxaan rabaa in aan kula hadlo.Markaas ayuu nebigu SCW istaagay oo la hadlay ninkii.Dadkii ayaa sugay iyagoo taagan oo yara dareemay daal. Nebiguna salaadii ayuu ka dhigay mid fudud balse waxba kama bedelin tartiibteedii iyo tayadeedii.
Habeen kale ayuu dib u dhigay salaadii cishe. Markaas ayaa Cumar u yimi isaga oo leh: rasuulkii ilaahayow dumarkii iyo caruurtiiba way seexdeen. Nebigu wuu soo baxay isaga oo madaxiisa biyo ka da’yaan. Biyihii ayuu dhinac isaga duway isaga oo leh: waa waqtigii ku haboonaa ee miyaydaan ka baqayn in aan arimaha idinku adkeeyo, oo aan idin faro in cishaha xilligan la tukado.
Anis Ibnu Malik ayaa yidhi: kuma daba tukan iimaam ay salaadiisu u fududayd sida rasuulka ilaahay una tayo badnaynd. Markuu salaada ku jiro, waxa laga yaabaa inuu maqlo ilmo ooyaya oo hooyadiina ay salaada ku jirto markaas ayuu akhriyi jiray suurad gaaban, si aanay hooyadu ugu dhibtoon. Waxaanu yidhi: waxaan doonayay in aan salaada dheereeyo balse waxaan maqlay wiil yar oo ooyaya markaas ayaan soo gaabiyay, anigoo dareen u leh sida ay u warwar gelinayso hooyadii markay maqasho oohintiisa iyadoo salaada ku jirta.

Waxaa turjumay
Farxaan Aadan Haybe