MAALIN KA MID AH MAALMIHII NOLOSHA NABI MUXAMED SCW Qaybtii 18aad

0
291

Daraasad koobaysa qorshe hawleedkii nabiga ee Maalinlaha ahaa
Dr Cabdiwahaab B.Naasir Al- Turayti- Makkah

Socodka habeenka intiisa danbe
Hargeysa(Warsugannews)Nebigu SCW waxuu bixi jiray habeenka niska u dambeeya si uu salaada subax ugu diyaar garoobo. waxuu mar tegay guriga inantiisa Faadumo iyo ninkeeda Cali Ibnu Abu Daalib. Markaas ayuu u dhawaaqi jiray isagoo leh: miyaydaan u toosayn salaada. Cali ayaa sheegay mar inuu ugu jawaabay: Rasuulkii ilaahayow waxaan u tukanaynaa waxii nalagu faral yeelay.

Naftayaduna gacanta ilaahay ayay ku jirtaa oo haddii allaah doono inuu na soo nooleeyo, waa mid awood u leh. Cali ayaa sii waday oo yidhi: markaan sidaas idhi nebigu SCW ilama hadal ee wuu iska socday. Markaas ayaan maqlay nebiga oo sii socda isaga oo leh: Waxaan u tukanaynaa kuwa nalagu faral yeelay. Markaas ayuu raaciyay: dhab ahaan yaan ugu caddaynay quraankan dadka tusaale kasta, waxayna ahaadeen dadkii kuwo muran badan, Al-Kahf (18:54)

Geeridiisa ka hor, nebigu waxuu habeenkii soo booqan jiray xabaalaha Baqiic.waxaanu u ducayn jiray dadka xabaalaha ku aasan.markii ugu horaysay uu sidaas yeelo waxay ahayd marka ay Caasha werinayso: habeen uu nebigu guriga ila joogay, ayuu maradii xaga sare ku xidhnaa iska qaaday, kabihiina aayar iska bixiyay oo jiifsaday. Markaas ayuu ila jiifay ilaa uu u maleeyay in aan seexday.markaas ayuu si qunyar ah u xidhay maryihiisii sidoo kale kabihiisii xidhay oo albaabka aayar furay oo baxay iina sii xidhay albaabka isagoon wax sanqadh ah samayn. Aniguna si degdeg ah ayaan uga daba kacay, anigoo xidhay maryahaygii oo madaxayga daboolay.markaas ayaan daba galay.Nebigu SCW waxuu tegay xabaalaha Baqiic oo waxogaa taagnaa. Markaas ayuu sadex jeer gacmihiisa kor u taagay oo soo jeestay. Aniguna waan soo jeestay oo socodka dedejiyay.Waxuu u socday dhakhso, aniguna dhakhso ayaan u socday.Markaas ayuu gucleeyay, aniguna waan gucleeyay.Xawaarihii ayuu kordhiyay, aniguna waan kordhiyay.Anigaa ka dheereeyay oo gurigii uga soo horeeyay.Waan neef tuuray markaan sariirta fuulay. Isna markuu soo galay ayuu dareemay, markaas ayuu yidhi: maxaa kugu dhacay, Caasha? Waxaad tahay qof neef tuuray?Waxaan ku idhi waxba ma jiraan. Waxuu yidhi: ii sheeg ama ilaahay ayaa ii sheegi doona oo ah ilaaha ogaalka ah ee u cilmi leh wax kasta.Waxaan ku idhi: rasuulkii ilaahayow waxaad iiga qaalisan tahay qof kasta oo kale. Markaas ayaan uga sheekeeyay warkii oo dhan. Markaas ayuu yidhi: ma gudcurkii iga horeeyay ayaad raacaysay? Waxaan ku idhi haa. Markaas ayuu laabta iga gujiyay hal mar isaga oo leh:miyaanad ka baqayn in ilaahay iyo rasuulkiisu ka raali ahayn taas? Markaas ayaan idhi: wax kasta oo dadku qariyo ilaahay ayaa og. Haa, sidaas ayaan sameeyay. Markaas ayuu yidhi: Jibriil ayaa ii yimi markaan kacay oo ii yeedhay, isagoo iskakaa qarinaya.Waan u jawaabay oo sidaas adigana kaaga qariyay.ma soo gelayo qolkaaga markaad maryaha dhigato.Waxaan filayay inaad seexatay, mana jeclaysan in aan ku toosiyo aniga oo ka baqay inaad keli dareento. Jibriil waxuu ii sheegay amarka ilaahay in aan tago Baqiic oo u duceeyo dadka ku aasan.Caasha way sii waday: waxaan nebiga waydiiyay sideen ugu duceeyaa dadka xabaalah? Waxuu igu yidhi: waxaad tidhaa, Nabedgelyo naxariista ilaahay korkiina ha ahaato dadka muuminiinta iyo muslimiinta ee halkan ku jirow, idinku waad socoteen anaguna waan idin daba soconaa oo idiin iman doonaa. Waxii waqtigaa ka danbeeyay nebigu SCW habeen walba wuu tegi jiray xabaalaha Baqiic. Waxaanu odhan jiray: nabadeglyo korkiina ha ahaato dadka muumuniinta ahow, waxaad la kulanteed waxii la idiinku yaboohay.Berri ayaad sugaysaan anaguna waa idiin imanaynaa insha allah. Ilaahayow u naxariiso dadka ku jira xabaalaha Al-Baqiic Al Jarqad.

Xilligaas waxay ahayd waqtigii geeridiisu soo dhowaatay oo islaamkuna ku baahay dunida meelo badan.Nebigu SCW waxa u iman jiray wafuud fara badan oo meelo fogfog uga iman jiray iyo careebiya oo dhan.Markaa waxa la yaab ahayd dhaqanka nebigeena SCW ee iyadoo islaamkii guulo iyo furashooyin badan sameeyay aanay taasi haba yaraatee ilowsiin dadkii dhintay ee diinta u soo shahiiday ee ku jiray Xabaalaha Al-Baqiic.Taasina waxay marag cad u tahay in nebigu cadaalad iyo si siman u ixtiraamayay asxaabtiisa mid nool iyo mid dhintay.

Waxaa turjumay
Farxaan Aadan Haybe