MAALIN KA MID AH MAALMIHII NOLOSHA NABI MUXAMED SCW

0
583

Daraasad koobaysa qorshe hawleedkii nabiga ee Maalinlaha ahaa

Soo Booqashada Bukaanka
Hargeysa(Warsugannews)Nebigu si joogto ah ayuu u soo booqan jiray dadka xanuunsanaya.Nebigu SCW waxuu rajo gelin jiray qofka buka isagoo kala talin jiray ama u sheegi jiray waxyaalo xanuunka ka fududeeya una ducayn jiray.
Tusaale: nebigu waxuu booqday Sacad Ibn Cibaada oo markaa xanuun u jiifay. Xilligaas waxaa nebiga la socday Cabdulraxmaan Ibnu Coof, Sacad ibnu abu waqaas iyo Cabdulaahi Ibnu Mascuud. Markii nebigu SCW soo galay qolkii Sacad jiifay, waxuu arkay in Sacad uu miyir doorsoomay oo Kooma ku jiro. Xiligaas Sacad waxa dul joogay ehelkiisii. Nebigu waxuu su’aalay dadkii dul joogay isaga oo leh: miyuu geeriyooday? Waxay yidhaahdeen Maya rasuulkii ilaahayow.Nebigu wuu ilmeeyay.Markay dadkii goobta joogay arkeen nebigii oo ilamaynayna iyaguna wayn ilmeeyeen. Dabadeed nebiga ayaa yidhi: miyaydaan maqal? Ilaahay ma cadaabo qof kasta oo cabsida allaah u ooya ama leh qalbi murugooda ilaahay dartiis.

Tani waxay tusaale qiime wayn u tahay sida nebigu SCW uu asxaabtiisa ula wadaagayay duruufaha noloshooda soo waajaha.Maxaad u malaynaysaa Sacad oo soo miiraaba ama miyirku ku soo noqda oo ogaada in nebiga Allaah u ilmeeyay xanuunka haya awgiis.Maxaadse ka filaysaa ehelka Sacad ee dul joogay goob joogna u ahaa markii nebigu ilmada iska biinayay sababta xanuunka aabahood. Dhaqanka nebiguna xaqiiqdii waxuu ahaa sifihii rabi quraanka ku sheegay isagoo leh:waxaa idiin yimid Rasuul idinka mida oyna ku darantahay waxa idin dhiba, idiin kuna dadaali, una turid iyo naxariis badan Mu’miniinta. al tawba (9:128)
Jaabir cabdullah ayaa yidhi: waan xanuunsaday markaas ayaa nebigu isoo booqday isaga iyo Abu-bakar Sidiiq, waxay ii soo galeen iyadoo la igu dawaynayo xaruntii qabiilkayga reer Salamah. Waxuu I arkay aniga oo miyir doorsoomay mana ogayn waxa socda sababtuna waa miyirka oo iga tagay.Nebigu SCW wuu waysaystay markaas ayuu biyihii uu ku waysaystay uu dusha igaga shubay, markaas ayaa miyirkii ii soo noqday.Ugu horayn, waxaan arkay nebigii Ilaahay SCW oo dhinacayga fadhiya waxaanan waydiiyay rasuulkii ilaahayow sideen idhaahdaa hantidayda maadaama aanan caruur iyo ehal lahayn.Rasuulku iigama jawaabin ilaa aayadaha quraanka ah ee dhaxalku soo degeen.

Waxaaynu ka baranaynaa Jaabir oo markaa ka cabsi qabay geeri xanuunkiisa awgii una waydiiyay rasuulka sida hantidiisa loo maamulayo hadiiba uu dhinto waxa la xaqiijiyay inuu Jaabir sii noolaa 70 sanadood geeridii rasuulka ka dib.

Duleedka Madiina
Safarada lugta ee magaalada Madiina, nebigu waxuu marar tegi jiray beeraha magaalada Madiina si uu ugu nasto ugana cabo biyo macaan. Waxaanu halkaas kula kulmi jiray qaar ka mid asxaabtiisa.Beerta Bayraxa ayaa ka mid ahayd beeraha uu tegi jiray oo uu lahaa asxaabiga Abu Dalxa Al Ansaari.Bayraxa waxay ka eegaysaay Masaajidka dhinaca waqooyi waxbana kamay fogayn maadaama ay markii danbe ka mid noqotay meelaha masaajidku dhulka uu ku soo fiday.

Nebigu SCW marar kalena waxuu tegi jiray beer uu lahaa nin Ansaari ah. Abu Hurayra ayaa wariyay: waxaanu la fadhinay nebiga iyadoo ay nala fadhiyaan Abubakar, Cumar iyo asxaab kale. Nebiga ayaa naga tegay markaas ayuu raagay oo anaguna ka werweray in wax ku dhaceen. Waxaan ahaa qofkii ugu horeeyay ee u kaca baadi doonka nebiga. Markaas ayaa gaadhay beer uu lahaa nin Ansaari ah oo aan ku wareegay si albaabka aan u helo balse waanwaayay meel aan ka galo ilaa aan arkay iliilad ka timaada beerta oo tagta ceel duleedka kaga yaal. Waxaan isku dayay in aal iliilada raaco oo cidhiidhi ahayd si aan u galo sida dacawadu ay u gashoo kale. Markaan galay ayaan arkay nebigii SCW oo halkaas jooga. Markaas ayuu igu yidhi: Abu Hurayra oo aan ugu jawaabay haa rasuulkii ilaahayow. Waxuu yidhi: kabahayga qaado oo qof kasta oo aad debeda kula kulanto oo qirsan in aan Allaah keligiis mooyee ilaah kale jirin ugu bushaaree jannada.

Nebigu marka uu masaajidka Quba tago, waxuu tegi jiray ceelka Cariis oo kaga beegnaa masaajidka dhinaca galbeed.Ceelka Cariis waxuu ahaa halkuu ku dhacay fargalkii nebiga xilligii khaliifadii sadexaad ee Cusmaan Ibnu Cafaan waana lagu waayay baadi doon fargalka sidiibaana ku maqan yahay.sababtaas ayaanu ummada muslimiintu muddo dheer ceelka u ilaalin jireen laakiin waxaa la aasay xiliyadii danbe ee casriga ahaa.

Abu Muusa Al ashcari ayaa weriyay: nebigu SCW waxuu tegay goobta ceelka Cariis, markaas ayaan aniguna fadhiistay kadinka Ceelka oo ka samaysnaa laamaha geedka timirta oo qalalay.Waxaanan fadhiyay halkaas ilaa uu soo dahaaro qaatay oo waysaytay.Waxaan tegay gudaha oo aan arkay isaga oo ku dul fadhiya Ceelka Cariis qarqarkiisa dusha sare ee afka.Waxaanu lugihiisa ku laalaadiyay gudaha ceelka.Nebigu SCW waxuu gacanta ku haystay ul uu biyaha ku walaaqayay.Markaas ayaan salaamay oo ka noqday si aan albaabka ugu fadhiisto una waardiyeeyo inkasta oo aanu nebigu amar igu siin hawshaas balse aniga ayaa isu xil saaray.Waxa albaabka soo garaacay Abu-bakar oo ogolaansho waydiistay si uu u soo galo. Markaas ayaan nebiga u sheegay oo isaguna yidhi:soo daa oo ugu bushaaree inuu jannada galayo.Abubakarna wuu salaamay nebiga oo ilaahay u mahad celiyay intaanu soo gelin gudaha.Waxaanu midigta ka fadhiistay nebiga.Haddana waxa soo istaagay albaabka Cumar oo isna codsaday inuu soo galo.Aniguna nebiga ayaan u sheegay, waxaanu iigu jawaabay soo daa oo ugu bushaaree Jannada.Cumarna sidoo kale ayuu nebiga salaamay oo ilaahay u mahad celiyay.Markaas ayuu ka fadhiistay nebiga dhinaca bidix.Haddana waxa isa soo taagay Cusmaan oo isna codsaday inuu soo galo gudaha.Markaan nebiga sidaas u sheegay, ayuu yidhi u soo daa gudaha una sheeg inuu dhibaato adag la kulmayo balse jannada galayo.Waan u tegay Cusmaan oo ku idhi soo soco. Nebigii ilaahayna waxuuku yidhi: dhibaato adag ayaa kula kulmaysa balse jannada ayaad galaysaa. Cusmaana wuxuu yidhi: ilaahay ayaan kaalmo waydiistay, rabbiyow iiga gargaar si aan uga gudbo dhibkaas. Wuu soo galay Cusmaan, waxanu ka waayay meel uu ka fadhiisto markaas ayuu ka soo horjeedka nebiga soo fadhiistay.

Ujeedada nebiga SCW ee inuu beeraha Madiina Tago waxay ahayd inuu ku nasto sidaan hore u sheegnay ugana hadhgalo kulaylka cimilada Madiina sidoo kalena biyo macaan uga cabo.Waxaanay hadhgalka beerahaasi nebiga siin jireen dardar iyo xoojin si uu u sii wado hawlaha dacwada iyo fidinta diinta.Dhinaca kalena dadka beerahaas leh ayaa iyaguna aad u jeclaysan jiray inuu nebigu SCW soo booqdo si ay duco uga helaan.

Dr Cabdiwahaab B.Naasir Al- Turayti
Makkah

Waxaa turjumay
Farxaan Aadan Haybe