Maalintii shalay waxa Xarunta Hya’adda Qaxoontiga u qaabilsan Qaramada midoobay isku Gubay Nin dhalasho ahana ka soo jeeda Dalka Yaman oo qaxoonti ku joogay Hargeysa

0
409

Maalintii shalay waxa Xarunta Hya’adda Qaxoontiga u qaabilsan Qaramada midoobay isku Gubay Nin dhalasho ahana ka soo jeeda Dalka Yaman oo qaxoonti ku joogay Hargeysa

Hargeysa(Warsugannews):- Mid ka mid ah qaxoontiga ka soo qaxay colaadaha Yemen oo u dhashay wadankaas Yemen, ayaa shalay dab isku qabadsiiyay xafiiska hay’adda qaxoontiga u qaabilsan qaramada midoobay ee UNHCR ee Hargeysa hortiisa.

Ninkan dabka is qabadsiiyay ayaa waxa badbaadiyay dad kale oo ka ag-dhawaa, waxaanay ku guulaysteen inay damiyaan dabka uu isku qabtay ninkani, waxaase soo gaadhay dhaawac loo dhigay mid ka mid ah cisbitaalada Hargeysa. waxaa la sheegay in cagaha iyo gacmaha dhaawac ka soo gaadhay.

Ma jiro wax war ah oo xaqiijinaya sababta uu ninkani isku gubay, sidoo kalena UNHCR wax war ah kamay soo saarin arrintan. Hase yeeshee warar soo baxay ayaa sheegaya in ninkan is gubay uu ka niyad jabay caawimo uu ka filayay hay’adda qaxoontiga qaabilsan ee UNHCR oo la sheegay inuu muddo ku noqnoqonayay.

Somaliland waxaa ku sugan qaxooti tiro badan oo ka soo cararay dagaallada dalka Yemen. Warbixino ay xilliyo hore soo saareen qaar ka mid ah hay’adaha xuquuqda aadanaha ee Somaliland ku sugan ayaa ka dayriyey xaaladda nololeed ee qaar ka mid ah qaxootiga Yemenida ah.

Ma jiro wax war ah oo ay dawladda Somaliland ka soo saartay ninkan qaxoontiga ah ee dalkeeda isku gubay, balse dad goob joogeyaal ah ayaa saxaafadda u sheegay in ninkaasi muddo taakulo ka naawilayay UNHCR, is gubistiisuna ku timid markii uu caawimo ka waayay.

warsugannews

Hargeysa/Office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here