Maalmihii Adkaa Ee Ay Soo Mareen Dadka Madoow Ee Mareykanka… Qoraa Ustaad Asad Muuse Kibaar‏

0
585

Maalmihii Adkaa Ee Ay Soo Mareen Dadka Madoow Ee Mareykanka… Qoraa Ustaad Asad Muuse Kibaar‏
Marka hore ilaahay baa mahad leh ii suurto geliyay inaan ka hadlo mowduucan intaa kadib:

Dadka madoow ee ku nool Dalka Mareykanka maanta waxay la xuquuq yihiin dadyoowga cadaanka ah ee ay ku wada noolyihiin dalka mareykanka, laakiin waxay soo-mareen waqtiyo dadkaasi ay ahaayen dad bilaa xuquuq ah oo dulman.

Waxaynu inyar ka xuseynaa cunsuriyadii iyo midab takoorkii ay soo mareen Dadkaa madoow ee Mareykanka, iyagoo maanta uu nasiibku u siiyay, ama uu ilaahay uu ku abaal-mariyay kursigii ugu sareeyay ee Dalkaa, inay Madaxweyne ka noqdaan.

Dalka Mareykanka waxaa jirayay sharciyo loo yaqaanay [Sharciyada takoorida dadka madow] Sharciyadaas oo u diidayay dadka madoow inay la mid noqdaan dadka cad, ama ay is dhexgal la sameeyaan, Gaar ahaan meelaha dadku ku kulmaan ee iskuulada, dhaqtarada, hudheelada, maqaaxiyaha, basaska , tiyaatarada, I.W.M, looma ogaleyn Dadka madow,hadii lagu arkana meelahaa waxay lakulmayeen xadhig iyo jidh-dil.

Tan kale waxaa jirtay koox, la odhan jiray [Ku klux klan] oo aheyd koox cadaan ah oo Argigixiso ah, waxay sheeganayeen in ay xuquuqda Dadka cadaanka raadinayaan oo ay u doodayaan, kooxdaasi waxaa la sheegaa in ay koofiyado cad-cad xidhan jireen oo ay isku aqoonsan jireen, waxyaabihii kooxdaa argagixisada ah ee cadaanka ay sameeynayeen kamid ahaa:-

1)- Waxay cabsi iyo baqdin gelinayeen Dadka Madoow oo ay habeen iyo dharaarba ay kula dhaqmayeen cago-jugleyn iyo dil-joogta ah.
2)- Waxay u diidayeen inay ka hadlaan xuquuqdooda.
3)- Waxay gubayeen mararka qaar guryaha Dadka Madoow.
4)- Waxay dilal sharci daro ah u geeysanayeen Dadka Madoow.
5)- Xiliga habeenkii waxay afduub ku sameeynayeen Dadka Madoow iyagoo ka saarayay xuduuda Dalka Mareynkanka.

Waxaa ugu sii darnaa Gobolada Koofurta Mareykanka oo aheyd meelaha lagu leynayay dadka madoow.

Waxyaabaha in la xuso mudan waxaa kamid ah in Gobolada koofurta Mareykanku ay dhaqan-gelinayeen sharciyadaa u diiday qofka madow in u baska raaco oo uu ag fariisto qofka cad, laakiin u fasaxaya inuu gaariga xagga dambe uu ka-raaci karo, taas oo looga jeedo xaqiraad iyo yareeysi ku saleysan xaga- midabka.

Dabadeeto maalin maalmaha kamid ah ayaa gabadh madoow oo la odhan jiray Rosa Parks waxay bas kasoo raacday gurigeega agtiisa oo ku yaalay magaalada Montgomery ee Gobolka Alabama, iyadoo xiligaa ku socotay shaqo, Derewelkii gaariga waday ayaa Rosa amar ku siiyay inay kursiga uga kacdo shaqsi cadaan ah oo doonayay inuu baska raaco, oo iyaduna ay kuraasta dambe fariisato, dabadeeto Rosa ayaa ka hor-timid amarkii derewelka, dabadeeto derewelkii ayaa wuxuu u yeedhay askari boolis ah oo taagnaa wadada oo xabsiga u taxaabay.

Xiligaasi qiyaastii waxay aheyd dhowr iyo lixdankii, dabadeeto dadka madoow waxay bilaabeen mudaharaadyo is daba joog ah, iyagoo joojiyay raacista basaska mudo 382-maalmood, Taas oo run ahaantii aad u gilgishay dadkii cadaanka ahaa, dabadeetana suurto-gelisay in maxkamada sare ee Mareykanku ay soo saarto sharciyo u ogaalanayo inay basaska la raaci karaan dadka cadaanka ah iyo inay siman yihiin xuquuq ahaan.

Waxaa xusid mudan halgamagii weynaa ee u doodayay xuquuqda Dadka Madoow oo la odhan jiray Marthin Luther King oo ku dhashay magaalada Washinton 15-kii Bishii Janaayo Sanadkii 1929-kii wuxuu halgan dheer u galay la dagaalankii midab takoorkii lagu hayay dadka madoow ee asal ahaan Afrika kasoo jeeda ee Mareykanka ah.

Mr Marthin Luthar wuxuu halganka bilaabay isagoo dhowr iyo labaatan jir ah 1955-kii ayuu jaamacada Bostan ka qaatay shahaadada P.H.D-ga, isagoo hor kacayay halgankii dadka madow.

Waxaa Mr Marthin lagu xasuustaa khudbadii uu ka jeediyay,isku soo bixi weynaa ee ay isku soo baxeen dadkii Madoowaa iyagoo malaayiin ah magaalada Wahsinton 28-kii bishii Agosot- Sanadkii 1963.

khudbadaas oo ku caan baxday [ I Have A Dream] oo uu ku muujiyay Mr Marthin riyadii uu u qabay inuu arki doono dadka madoow ee mareykanka oo maalin maalmaha kamid ah la xuquuq ah dadka cadaanka ah.
Run ahaantii waxay aheyd khudbad 17-daqiiqo socotay oo ku dhacday isku soo bax nabad ah, oo waxay gilgishay dalka Mareykanka iyadoo sanad kadib Mr Marthin King la gudoonsiiyey bilada nabada ee caaamiga ah [Nobel Peace Price].

nasiib daro bishii April sanadkii 1968-dii ayaa Mr Marthin lagu hor-toogtay hotel la odhan jiray Lorriane Motel, waxaa dilay nin la odhan jiray James Earl Ray.

Xiligaa kadib Mareynkanku wuxuu hirgeliyay dastuur Guud iyo Sharciyo mabnuucaya Midabtakoorka, iyadoo muwaadiniintu ay leeyihiin xuquuq siman.

Xildhibaankii u horeeyay ee Mareykanka madoow ah waxaa la odhan jiray [Edwar William Brooka] oo isagu ahaa ninkii u horeeyay ee Mareykan madoow ah ee Seneter ka noqda Kongareyska Mareykanka, isaga oo xubin ka noqday sanad-kii 1996-kii.

Wuxuu bartay Culuumta Social-ka waxaana Tiraba labo jeer loo doortay inuu noqdo Xeer-ilaaliyaha Gobolka Massacliusetts.

Hogaamiyahaas wuxuuna sabab u noqday in ay Seneter ka noqdaan maanta Kongresska Mareykanka ilaa 9-shaqsi oo Madoow ah iyo inuu nin Madoow oo asal ahaan kasoo jeeda dalka Kenya uu 2-jeer Ku guuleeysto Doorashada madaxweynaha dalka Mareykanka.

Run Ahaantii waxaa lagu tilmaami karaa Halgan miro dhal ah oo suurto geliyay in dadka cadaanka ah ay ogaadaan ninka madoow inuu leeyahay maskax iyo aqoon uu ku hogaamin karo Umada.

Wabilaahi Towfiiq

Qoraa: Ustaad Asad Muuse Kibaar
Email: asadmuuse03@hotmail.com
Telephone: +252-63-4453653 and +252-65-9294630
Borama – Somaliland