qarankeena Waa ku Ceeb in Martida lagu dhexlaayo Dalkeena Nabad gelyadana Waxaa ka masuula Xukuumada W.Q Kaptanka

0
370

qarankeena Waa ku Ceeb in
Martida lagu dhexlaayo Dalkeena
Nabad gelyadana Waxaa ka masuula
Xukuumada W.Q Kaptanka

Qaranka Jamhuuriyadda Waxaa Ceeb inoogu filan in caasimadii dalka markii labaad mudo sadex bilooda lagu dilo nin u dhashay dalka aan jaarka nahay ee dowlad deegaanka Somalida Ethiopia ninkan oo lagu dilay garoonka kubadda cagta ee Hargeisa agtiisa habeen hore, iyadoo horena loogu dilay ninkale oo isna ka soo jeeda DDS Ethiopia xaafada calaamadaha dhaqtarka manhal agtiisa, Labada ninba Allah haw naxariistee waxa uu dilkoodu ku taxaluqa isla DDS iyagoo mucaarid iyo muxaafid isu dilaaya,

Hadaba doodaydu Saaka waxay tahay Hargeisa waa magaalo nabdoon ajaanib iyo muwaadinba waxa lasoo biday amaan wax la aqbali karo maaha in dad lagu dhexdilo si xaqdaro ah qarankeena oo maanta ay matasho xukuumada uu hogaamiyo Ahmed Siilaanyo ceeb ayay ku tahay in Hargeisa xero dhiig laysku dilo laga dhigto, oo waliba dowlado shisheeye isku dhex laayaan shacab waynaha degan Jamhuuriyadda Somaliland Gaar ahaan reer Hargeisana ceeb ayay ku tahay in martida la inagu dhexlaaya inaga oo difaaci kara,

Cidii danbi cad ka gasha dowladaha jaarka ah ee wadashaqayntu inaga dhaxayso waa in xukuumada lagala soo xidhiidha sidii loo qaban laha loona maxkamadayn laha lakiin NInka martidaada dilaa adigana wuu ku guudhsaday aniga oo aan ukala hiilinayn dadka isku haya dalalka aan jaarka nahay hadana uma dulqaadan doono in dhibic danbe oo dhiig xaqdaro ah lagu daadiyo dalkayaga Jamhuuriyadda Somaliland, ugu danbayntii waa in nabad gelyada lasii adkeeyaa ajaanibta aan sharci haysana hore wadanka u dhaafaan ama ay sifo sharciya dalka ku joogaan sida caalamka oo kale,

Allaa Mahad leh

Abdiqani Salaf (Kaptanka)