Maamulaha Kastamka Berbera Wuxuu Tusaale Fiican U yahay Jiilka Cusub Ee Somaliland Wuxuuna Ku Sifoobay Halyey Qaran Oo Kasoo Baxay Xilkii Uu Qaranka U Hayey”‏

0
371

Maamulaha Kastamka Ugu dakhliga badan ee Somaliland ee Berbera Maxamed Cabdi Gurxan waxaa kamid ah yahay madaxda fara kutiriska ah ee Somaliland markaad eegto kaalinta uu kaga jiro masuuliyada uu umada u hayo hadaba aan hoos uga yara dego waxyaabaha uu caanka ku yahay Maxamed Gurxan ,
Maamulaha kastamka magaalo Xeebeda Berbera MdMaxamed Cabdi Gurxan waxaa loo soo magaacabay xilkan uu hayo 6, June 2012kii Isagoo horena uga mid ahaa madaxda wasaarada Maaliyada Somaliland Wasiir Samaale Ayaa Wakhtigaasi Wasaarada Madax ka ahaa ,
Gurxan markii uu maalmo kadib xilkaasi la wareegay waxaa uu ahaa keenay is bedel iyo horumar balaadhan oo la xidhiidh shaqada cusub ee la wareegay wuxuu shirar isdaba joog ah la qaatay shaqaalaha waynaha kastamka Berbera si uu koq ugu qaado hanaanka shaqo ee kastamka Berbera
Is barasho iyo talooyin badan kadib waxaa mar qudha circa isku shareeray dakhligii Kastamka wuxuuna soo hooyay dhaqaale baaxad leh oo sababay in koq loo qaado Mushaharka ciidamada iyo shaqaalaha dawlada Somaliland Sanadkii 2013ka taasi oo si wayn looga dareemay guud ahaanba gayiga Somaliland waxa uu sidoo kale soo jiitay kadib markii hawlaha shaqo ee kastamka Iyo adeegyada uu qabtaa ay hagaageen Ganacsto kala duwan u hore badeecadahoodka ka cashuuran jiray Dekedo kale oo jaarka ah
Maamulaha kastamka Hadii aan kuu sifeeyo waxa weeye Ahel U Ah Cibaada Alle (SWT )Shakhsi Daacad ah Dulqaad Badan Dhaqan Wacan Waji Furan Oo Bulshada macaawil wanaagsan kula dhaqma ixtiraam badan kuna suntan shaqo wanaag iyo waliba tanaasul khaladaadka kaga imanaya Bulshada ku foogan cashuurada xoolahooda ama bushcuradahooda kazoo dega Dekeda caalamiga ah ee Berbera
Waxaa intaasi u dheere isku-duwaha Wasaarada Maaliyada Jsl waa Macalin (Bare) waxaa wax ka dhiga Dugsigyada sare ee Berbera isla markana ufaaideeya Ardayda danyarta ah ee wax ka barata dugsiyadaasi wuxuuna khadbiir ku yahay allena Hibo Usiiyey Madada xisaabta (Mathska) waxaanu mudo wax soo baraareyey arday tiro badan oo ka aflaxday guud ahaan iskuulada waxbarasho ee Berbera iyo Hargaysa gaar ahaan Berbera waxaa kor ukac aan la koobi Karin ku yimi dhinaca waxbarashada Dugsiga sare sadexdii sano ee ugu danbaysay waxayna ardaydu ay guulo kazoo hooyeen imtixaankii shahaadiga ahaa ee dalka soo maray mudadaasi ,
Waxaa uu sidoo kalena mudo dheer ku dhow labaatan sano ah kusoo dhex jiray mihnada macalinimada Somaliland gaar ahaana wuxuu mudo dheer bare (Macalin) kasoo ahaa magaalada caasimada ah ee Hargaysa oo si wayn looga yaqaano ,
Md gurxan wuxuu ku sifoobay astaamaha wanaag oo dhan marka la eego sida alle u abuuray oo ah dhamaan intaasi aynu kor kusoo xusnay hadii aan dib ugu soo laabano kaalinta uu kaga jiro Wasaarada Maaliyada Somaliland waa kaalinta ugu muhiimsan marakaynu si cilmaysan u eegno heerka Miisaaniyada qaranka ka qaato dakhliga kasoo baxa kastamka Berbera 79.7% inkastoo masuuliyadu tahay wax culus md Gurxan kaalinta kowaad ayuu ka galay ayaa la odhan karaa waxaanu Qaranka ka gayaa bilad sharaf iyo dhiirigelin maadama uu yahay halyey qaran oo ku suntan wadaniyad dhab ah
Kastamka magaalada Berbera ayaa ayaa hada ushaqeeya sida haayadaha cashuur qabashada caalamiga ah marka la eego qalabka cashuuraha lagu jaangooyo iyo tayada shaqaalaha u darban shaqada ay qaranka u ahayaan waxayna qaateen tababaro heer caalami ah oo khusheeya habka dakhli ururinta iyo la dhaqanka shacabka iyo gananstada Dekeda Berbera ku Xidhan
Waxaan kusoo afmeeri alahaa maqaalkan ila taraaray Md Maxamed Cabdi Gurxan oo ah Wiil dhalinyaro ah Waa Inaynu Dhiirigelinaa kuna dayanaa kaalinta uu Qaranka kaga jirro’’