Maamulka Ciidanka Dabdemiska Ayaa Kulan La Qaatay Guddida Joogtada Ah Ee Golaha Guurtida

0
413

Maamulka Ciidanka Dabdemiska Ayaa Kulan La Qaatay Guddida Joogtada Ah Ee Golaha Guurtida.

Maamulka Ciidanka Dabdemiska ayaa kulan gaaara la yeeshay guddida joogtada ee golaha Guurtida Jamhuuriyada Somaliland.

Kulankan oo ujeedadiisu ahayd in warbixin Maamulka Ciidanka Dabdemisku warbixin ka siiyaan golaha Guurtida ayaa waxaa kulankaasi ka soo qayb galay Taliyaha ciidanka Dabdemiska Axmed Maxamed Sawaaxili,Agaasimaha Fulinta Ciidanka Dabdemiska Cabdiqaadir Cumar Xaashi iyo Suldaan Axmed Daahir Muuse oo ka mida guddida ciidanka dabdemiska iyo guddida golaha guurtida oo halkaa dhamaantood xaadir ku ahaa.

Waxaana ugu horayn halkaa warbixin waafiya siiyay guddida Agaasimaha Fulinta Cabdiqaadir Cumar Xaashi waxaanu sheegay in muddadii ciidanka dabdemsiku jiray oo ahayd muddo koobnayd qabtay waxyaabo aad iyo aad ubadan haday noqoto dhanka maamulka iyo horumarka kale ee ciidanku sameeyay,sidoo kalena waxaa Agaasimuhu sheegay in ciidanka lagu bilaabay askar aad u kooban imikana ay marayaan dhawr boqol oo sarkaal. Sidoo kalena wuxuu agaasimuhu sheegay in ciidanka dabdemiska lagu sameeyay ballaadhin lana gaadhsiiyay magaalooyinka Burco iyo magaalo xeebeedka Berbera iyadoo ay wali tahay barbilow.

Dhanka kale waxaa agaasimuhu sheegay in la tayeeyay askarta ciidanka dabdemiska markastana la siiyo Tababaro ku saabsan shaqada ay qaranka u hayaan iyadoo buu agaasimuhu yidhi ciidanku aanay dab kaliya ka hortagin balse shaqo kasta oo qaranka ah oo loo igmado ay si hawl karinimo ku jirto uga soo baxaan.

Suldaan Axmed Daahir Muuse oo ka mida Guddida sare ee ciidanka Dabdemiska ayaa sheegay in muddadii ciidanku jiray qabtay kuna talaabsaday horumar la taaban karo iyadoo qorshayaasha dhawna ciidanka lagu wado in hore looga sii qaado meesha uu maanta joogo.

Taliyaha Ciidanka Dabdemiska Qaranka Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili ayaa dhankiisa isaguna sheegay in dhibaato weyn ciidanku kala kulmo marka waddoyinka ay marayaan gaadiidka gurmadka ku jira ee ciidanka dabdemisku iyadoo wadayaasha baabuurtu aanay isla markiiba u bannayn gaadiidka ku jira gurmadka,sidoo kalena dadweynaha Caasimadaahargeysa ku nool oo iyaguna ku soo xooma ciidanka marka hawlgal jiro iyagoo jajabiya baabuurta gurmadka jira, waxaanu taliyuhu sheegay in wax lagala qabto ciidanka arimhaasi iyadoo caqab ku noqon karta in si fudud loo gaadho goobtii loo gurmanayay.

Sidoo kale taliye axmed maxamed xasan(sawaaxili) ayaa ka hadlay waxqabadadii iyo guulihii uu gaadhay waxaanu taliyuhu sheegay in aanan maalin iyo laba toona lagu soo koobi karayn waxqabadkaa baaxada leh ee ciidanku fuliyay muddadaasi.

Ugu dambayn Guddida joogtada ah ee Golaha Guurtida ayaa markii ay warbixinahasi dhagaysteen ku qancay isla markaasina suaalo waydiiyay maamulka Dabdemiska iyadoo maamulkuna si wanaagsan oo faahfaahsan uga jawaabay suaalahaasi dhamaantood.

Xafiiska Xidhiidhka Dadweynaha Iyo Saxaafada Ee Dabdemiska

Hargeysa/Somaliland.

Emergency Call: 990

hargeisafire@gmail.com