Maamulka Galmudug Oo Qaadacay Mooshinka Ka Dhanka Ah Madaxweynaha Somalia

0
456

Maamulka Galmudug Oo Qaadacay Mooshinka Ka Dhanka Ah Madaxweynaha Somalia

Cadaado (Warsugannews) Madaxweynaha Maamulka Gamudug Cabdikariim Xuseen Guuleed oo u waramay idaacadda VOA, ayaa sheegay in wakhtigan aanay munaasib ahayn in Mooshin laga keeno Madaxweynaha Somaliland Xasan Sheekh Maxamuud.

“Koley, Waxaan Is-leeyahay Dowladda Somalia ee hadda jirta howsheeda Sannad ayaa ka hardhay, sanadkaasna waa sannadka 2016-ka oo la asteyn lahaa dhanka uu dalku u dhaqaaqi lahaa… Inkastoo Xildhibaannada Baarlamaanka ay u madax-bannaan yihiin hawlahooda, haddana aysan xilligan habboonayn in jahwareer siyaasadeed iyo wax qas dalka gelin kara, keeni karana dib u dhacna ku keeni kara geeddi-socodka siyaasadeed, waxaan is-leeyahay baarlamaanka Soomaaliya iyo hay’adaha kale ee dowladda inay arrintan maareyn karaan.” Ayuu yidhi Cabdikariim Xuseen Guuleed

Warsugannews

Warsuganmedia@gmail.com

Hargeysa/Office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here