Maamulka Hadhwanaagnews Oo ka Hadlay Siday U Arkaan Talaabada Somcable Ku Ku Xayirtay

0
538

Maamulka Hadhwanaagnews Oo ka Hadlay Siday U Arkaan Talaabada Somcable Ku Ku Xayirtay

Hargeysa(WSN):-Maamulka shabakada Hadhwanaagnews ayaa war saxaafadeed ka soo saaray sida ay u arkaan talaabada ay shirkada Somcable iyo mulkiilaheeda Maxamed Siciid Geedi dadweynaha somaliland xayiraada kaga saareen inay booqdaan shabakada Hadhwanaagnews.

Warsaxaafadeedka ka soo baxay maamulka shabakada Hadhwanaagnews ayaa u dhignaa sidan:-

“Marka ugu horaysa waxaanu bogaadinaynaa wada shaqaynta fiican ee naga dhaxaysa shirkadaha bixiya adeega internet-ka ee Telesom iyo Somtel iyo sida hagar la,aanta ah ee ugu adeegayaan bulshada somaliland ee isticmaalaysa adeegooda. Shirkadahaas oo aanu ku amaanayno inay ka madhan yihiin qof jeclaysi , qabyaalad iyo inay si toos ah ugu dhex milmaan siyaasada somaliland.

Talaabada ay shirkada adeega Internet-ka ee Somcable ay bulshada somaliland ee adeegeeda isticmaasha kaga hor istaagtay inay booqdaan shabakada Hadhwanaagnews waxaanu u aragnaa mid lagu cabudhinayo saxaafada somaliland, taas oo maalin kalana ay filan karaan hay’addaha kale ee warbaahintu, waxaanay laf jab ku noqon doonta nidaamka dimuqraadiyadeed iyo dawladnimo ee shacabka somaliland qaatay,

Waxaanu balan qaadaynaa inaan talaabooyinka cabudhinta iyo cago juglaynta iyo xayiraada iskugu jira ee shabakada Hadhwanaagnews uga imanaya Somcable aanay marna ka hor istaagi doonin baahinta wararka xaqiiqada ku salaysan ee ay u soo bandhigayso bulshada somaliland iyo inay si dhex dhexaadnimo ah ugu adeegto daneeyayaasha siyaasada somaliland.

Waxaanu xasuusinaynaa Ganacsade Ina Aw Siciid Iyo maamulayaasha shirkadiisa in dastuurka somaliland uu damaanad qaaday madax banaanida saxaafada, isla markaana mamnuucay wax kasta oo lagu cabudhinayo sida ku cad qodobka 32aad ee dastuurka, waxa kale oo dastuurku mamnuucay fara galinta xidhiidhada gaarka ah.

Waxaanu ku war gelinaynaa guud ahaan hay’addaha u dooda xoriyada hadalka inay si adag uga hawl galaan cabudhinta lagu hayo warbaahinta madaxa banaan ee somaliland ee ka imanaysa shirkada Somcable iyo mulkiilaheeda.

Agaasimaha Shabakada Hadhwanaagnews

Cabdirisaaq Good Nuur