Maan diidin in dad baahan la caawiyo ee waxan diiday in magaca Beesha Warsan-gali gaadhi raasin ah la siisto “ Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Ee Gobolka Sanaag Maxamed Jaamac Daadey

0
484

“Maan diidin in dad baahan la caawiyo ee waxan diiday in magaca Beesha Warsan-gali gaadhi raasin ah la siisto “ Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Ee Gobolka Sanaag Maxamed Jaamac Daadey

Hargeysa(Warsugannews)- Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Ee Gobolka Sanaag Maxamed Jaamac Daadey oo maanta warbaahinta kula hadlaayey Caasimada Hargeysa oo uu safar shaqo ku joogo ayaa waxa uu eedo kulul usoo jeediyey Gudoomiyaha Gobolka Sanaag oo uu sheegay inuu ku fashilmay Shaqadiisii uu gobolka iyo Qarankaba u hayey isagoo isla markaasina ku eedeeyey Gudoomiyaha inuu eex iyo qabyaalad iyo kala qoqob ku dhex wado beelaha wada dega Gobolka

Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Ee Gobolka Sanaag Maxamed Jaamac Daadey oo arimahaasi ka hadlaaya ayaa waxa uu yidhi”waxan manta halkan ugu cadaynayaa ummadda reer Somaliland iy gaar ahaan bulshada ku dhaqan gobolka Sanaag hadalo been abuura oo uu warbaahinta usheegay Gudoomiyaha Fashilmay ee Gobolkaasi Sanaag mr.falay kaas oo sheegayey inan beesha warsan gali caawimo la siinaayey u diiday hadaba waxan leeyahay reer Sanaagoow maan diidin in dad baahan la caawiyo ee waxan diiday in magaca Beesha Warsangali oo ah beelaha ugu miisanka iyo milgaha badan Somaliland lagu lagu adeegto oo lagu dilo gaadhi raashin ah “

Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Ee Gobolka Sanaag Maxamed Jaamac Daadey oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yidhi” way fududahay in dadka jooga fadhigaab iyo gar adag la uruuriyo oo gaadhi raashin ah loo geeyo oo la yidhaahdo hadla balse badhasaabku hadii uu abaaro wax ka qabanaayo ha tago oo ha geeyey caawimo dhulka bariga fog ee Gobolka Sanaag oo abaaro ba’ani ka jiraan”

Sidoo kale Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Ee Gobolka Sanaag Maxamed Jaamac Daadey ayaa waxa uu ku eedeeyey Badhasaabka Sanaag inuu had iyo jeer ka war hayo uun deegaanada uu kasoo jeed isla markaasina aanu kaba war hayn Deegaanada ay degan yihiin Beelaha kale

Dhinaca kale Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Ee Gobolka Sanaag Maxamed Jaamac Daadey waxa uu ku eedeeyey Badhasaabka Sanaag inuu ka gaabsaday Sun dhawaan lagu arkay qaybo kamida G.Sanaag isagoo arintaasi ka hadlaaya waxa uu yidhi”Badhasaabka Gobolku kamuu hadlin Sunta kazoo caariday degmada Laasa Surad manuu tagin kamanuu warbixin suntaas soo caariday oo gobolka oo dhan khatar ku ah cid uu warbixin kasiiyeyna ma jirto markaa waxan leeyahay waxba yuu ku leexleexan dad deegaankoodii jooga oo intuu gaadhi raashin ah u geeyo hadla odhanine ha kazoo baxo waajibaadka loo igmaday hadii kale wuu ku fashilmee xilka ha iskaga tago”

Gabagabadiina Sidoo kale Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Ee Gobolka Sanaag Maxamed Jaamac Daadey waxa uu ka hadlay Cuqaal uu dhawaan soo abaabulay Badhasaab falay oo warbaaahinta xaal kasiiyey Badhasaabka isagoo arintaasi ka hadlaayana waxa uu yidhi”waxaan maqlaayey Cuqaal uu soo uruuriyey badhasaabku oo leh Deegaankaas ayaanu kasoo jeednaa oo sheegayey inay xaal siinayaan Falay ,Odayaashaasna waxan leeyahay ha dilina magaca iyo karaamada Beesha aad magaceeda sheeganaysaan oo ah Beel karaamo iyo sharaf weyn ku leh guud ahaan Somaliland gaar ahaana Xisbiga Waddani hana siisanina gaadhi raashin ah oo beesha magaceeda ha ku dilina”