Maanso Cusub oo la magac baxday Hogaan oo uu tiriyey hal-abuur Xamse Cali Xuseen (Xamse Jeesto)

0
744

Maanso Cusub oo la magac baxday Hogaan oo uu tiriyey hal-abuur Xamse Cali Xuseen (Xamse Jeesto)
Hogaan
hal-abuur Xamse Cali Xuseen (Xamse Jeesto)
Markii iigu horaysay ee aan wax isku dayay ama aan ogaaday in aan wax curin karo ayay midhahani ahaayeen
maansadan Hogaan waxa ay soo baxaday dhamaadkii sanadkii 2009 Wakhtigaas oo xaalda wadanku aad xaasaasi u noqotay ayna gaadhay in albaabada loo xidho golaha wakiilada Somaliland Waa Markii Koowaad Ee Golaha Wakiilada Ay Alabaada Ka Xidho Xukumadii Daahir Riyaale .
Waxayna Maansadu Ku Bilaabantay Sidan :-

Anoo gabay haadin
Hankayga ku daalin
Habayta la kaashan
Halyay ku abaarin
Hankiisana dhaafin
Higaadu siday tay
Hadaan la ilaalin
Buruudku ma hiishee
Hankii gabaygay dheh
Hadraawi-Hadraawi
Hadaad eray gaaban
Haaneedayd hulkaaga
Halyay hubka qaata
Haduu ku xoroobay
Siyaasi hangaaban

Siyaasi hun-goobay
Haduuna hal-seejin
Haybow kuma eegto
Hadaan ugu hiilin
Nimaan hubo siinin
Hankaygu ha guuro
Hab-sooc khadarow
Adaa haykal wayne
Siyaasi hal-gaaban
Halkuu ku dambeeyo
Cidee hananee
Hogaanka u dhiiban
Ayay noqon huun

Waaryaahe hangaarle
Halkaad ku habsaantay
Naftaada u hiiftay
Halkuu ku dambeeyay
Ragii qorbe heeray
Dhulkooda ka hiishay
Hadayna habaysteen
hogaanka u dhiibnay
Adaa halgamaaye
Hawraata sifeyso

Abtoow hasan Xaaji
Haldoor nabadshow
Darkaad hadalkaagiyo
Qudhaada u heertay
Qabiilka hugiisiyo
Hadhkiisa u diiday
Haduu nin hodaaya
Dantiisa ka huuftay
Hankaagii fogaaday
Maxaa hala-keeyey
Haadkaaga cadayso
Humaaga siyaasad
Dadkaaga ka haysta
Maxaad u halseegtay
Adaa hanad haaye
Dadkeenan hugmaaya
Haaneedka siyaasad
Huq-deed ku haboon
Hayaanka u sheegtid