Maanta: Halkan ka Akhri Wararkii Wargeyska Warsugan ee Cadadkii 78aad

0
441

“Inanka Shaqaalaha Ah Ee Lacag Dhan 150,000 Dolar Akownka Golaha Wakiillada  Kala Baxay Su’aal Baanu Doonaynaa Inaanu Waydiinno Oo Aanan Kaga Hadhayn”

Gudoomiyaha Guddiga Ilaalinta Iyo Dabagalka Musuqmaasuqa Ee Golaha Wakiiladda xil Obama

 

Hargeysa(Warsugan) Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi(Obama), guddoomiyihii guddida ilaalinta iyo dabagalka musuqmaasuqa golaha wakiillada Somaliland oo shalay guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro ka bedelay guddidaasi kana dhigay xubin ka tirsan guddi hoosaadka golaha wakiillada u qaabilsan arrimaha dibadda ayaa arrintaasi si adag uga soo horjeestay. Waxa uu xildhibaanku sheegay in arrintan ay keentay dabagal musuqmaasuq oo guddidiisu golaha wakiillada ku samaysay kuna ogaatay dhaqaale lunsi iyo musuqmaasuq dhinaca shaqaalaha ah.waxa uu sheegay inaanu guddida loo bedelay xubin ka noqon doonin, isagoo isku bedel xildhibaanno uu ku jiro lagu sameeyayna ku macneeyay mid loola jeeday sidii warbixintiisan dhalliisha golaha xambaarsan loo baajin lahaa.

Warbixin 40 bog ku dhaw oo guddidu diyaarisay ayuu sheegay in barri golaha laga hor akhriyi lahaa qayb ku saabsan golaha oo lagu sheegay musuqmaasuq, taasna uu la xidhiidhiyay in degdeg xilkiisa looga bedelo “Xidhiidho nalala soo sameeyay waxaa nalagu yidhi golihiina laftiisa dhalliilo badan baa ka jiree maxaad xukumadda uun u eegtaan ee golihiina laftiisa u baadhi weydeen?  Sharci noo diidaya inaanu anagu iskaga bilawnaana ma jiro, sidaas ayaanu ku bilawnay inaanu nidhaa golaha wakiillada maxaa ka khaldan? Maxaa  u qabsoomay? Sida aanu hay’addaha kaleba uga hadlayno, markaa 26 warbixinood oo golahayagu kow ka yahay ayaanu Samaynay,” ayuu yidhi Xildhibaan Obama oo shalay shir jaraa’id qabtay.

Isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu saxaafadda u soo bandhigay buug ay ku qoran tahay warbixinta ay ka diyaariyeen golaha wakiillada “Warbixinta golahayagu waa buuggaa dhan ee diyaarsan een ahayn wax maanta laga gaadhsiiyay. Waa warbixin golaha oo dhammi filayay oo barri(Maanta) la akhrin lahaa, waa warbixinta keentay in maanta(Shalay) golaha isbedel lagu sameeyo. Golahani waa gole 10 sanno fadhiyay, waa gole dadka iyo qarankuba ku soo tabcay, waa gole wax badan qabtay, wax badana laga saadaalinayay, waa gole maantana ay dhalliilo badani dulsaaran yihiin; dhalliilahaasi ama ha ka yimaadeen waxqabad la’aan ama dadka oo ay in badan hor fadhiyeen ama awoodda golaha oo difiictay,” ayuu yidhi Xildhibaanku.

Xildhibaan Obama waxa uu sheegay in guddidiisu warbixinta golaha ku soo gabogabaysay in musuqmaasuq golaha ka jiro in kale, jawaabtuna noqotay inuu musuqmaasuq jiro “Waxaanu warbixinta golaha ku soo gabogabaynay goluhu musuqmaasuq ma leeyahay mise ma laha sida hay’addaha kaleba u waydiinaynay? Waxaanu ku gunaanadnay oo golaha waxaa ka jira musuqmaasuq balaadhan oo xadhkaha goostay. Xaggeenu ka eegnay?  Shaqaalaha ayaanu a eegnay; shaqaalaha saddexdii sanno ee u dambeeyay waa la iska qoranayay, shakhsiyaad baa iska qoranayay, taasi waxay keentay in shaqaalaha golaha joogaa noqdo in ka badan 116 qof oo shaqaale ah. Halkaas waxaad ka arkaysaa in shaqaaluhu xildhibaannadii ka bateen. Su’aasha kale eenu is waydiinay waa maxay qabtaan? 10 sanno ayaanu fadhinay oo xildhibaanno iyo shaqaaleba waanu is naqaan, waxaa soo baxday caagleyaal ma noqon karaan? Waxaanu aragnay shaqaale kooban oo golaha ka shaqeeya,” ayuu yidhi xildhibaan Obama oo intaasi raaciyay in golaha wakiilladu diidan yahay in hay;adda shaqaaluhu eegto sharciyadda shaqaalaha golaha wakiillada.

Guddoomiyaha hore ee guddida ilaalinta hantida qaranku wuxuu sheegay inay ogaadeen inaan miisaaniyadda golaha sidii loogu talo galay loo isticmaalin “Miisaaniyadda golaha sidii loogu talo galay ma loo isticmaalaa? Maya iyadana looma isticmaalo; hay’addaha caalamiga ahi lacag ma na siiyaan mise nama siiyaan? Way  na siiyaan; wax kasta oo aanu sheegayno makhraatigeeda iyo caddaynteed ayaanu haynaa, warbixintan waxaa ku cad inaanu musuqmaasuq ka helnay, sidaas darteed waa in la baadho, waa in hanti dhawrka loo diro, waa in golaha dib u eegis lagu sameeyo anagoon cidna maagayn. Waxaanu halkan ku haynaa in lacagta golaha la siiyo shakhsiyaad gooni ah ku dhacdo magacyadooda; dadka halkaas ku qoran(Warbixinta) ayaanu doonaynaa in wax laga waydiiyo boqol iyo konton kun oo dolar($150,00) oo ay qasnada golaha kala baxeen oo aanay ahayn inay qaataan, oo aanay ahayn inay saxeexaan, oo aanay ahayn inay magacooda ku baxdo. Inanka shaqaalaha ah ee lacag dhan 150,000 dolar akownka kala baxay su’aal baanu doonaynaa inaanu waydiino oo aanan kaga hadhayn oo aanu golaha hor dhigaynno,” ayuu yidhi Xildhibaanku.

Xildhibaanka ayaa intaasi raaciyay in dhalliilahaasi golaha dul hogganayaa ay yihiin kuwa shirguddoonku u cuskaday isku bedelka xildhibaannada iyo in xilka guddoomiyaha guddida dabagalka musuqmaasuqa laga qaado xildhibaan Obama “Waxaa noo qoran dad caagleyaal ah magacyadooda iyo xilliga ay mushaharka qaataan, waxyaalahaasi waa waxyaabaha shir guddoonku ka hor dhaceen ee aanu u gudbin lahayn sida aanu wasaaraddaha kale iyo xukumaddaba u dhalliilayno ayay ka degdegeen oo ay is yidhaahdeen Maxamed Cali oo aad guddoomiyihii ka qaadaan heli maayo masrixii golaha ee uu warbixinta ka jeedin lahaa oo wuu ku aamusi doonaa

Ugu dambeyn guddoomiyihii hore ee guddida ilaalinta hantida qaranka iyo dabagalka musuqmaasuqu wuxuu sheegay in warbixinta guddidooda ku soo jeediyeen in dib u eegis iyo baadhis buuxda lagu sameeyo golaha wakiilada, habka lacagta golaha loo isticmaalo, hagaajinta shaqaalaha iyo guud ahaan nidaamka golaha. Waxa uu ku baaqay in hay’addaha caalamiga ah ee golaha wakiillada siiya lacagtu ay joojiyaan maadaama ay shakhsiyaad lacagtu ku dhacayso.

++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++

Falan Qayn: Maxaa laga Dhaxlay Magacaabistii Safiirka Imaaraadka Ee Somaliland Amb. Baashe Cawil?

Hargeysa(Warsugan) Qormadan waxa aynu ku soo qaadanaynaa Safiirka Somaliland u fadhiya Dalka Imaaraadka Carabta oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland u magacaabay Jun-30-2015-kii ka dib markii Madaxweynuhu u arkay in mudaawinkani uu xilkaa safiirnimada Imaaraadka qaban karo.

Wixii ka danbeeyey wakhtigaas Safiirku waxa uu la wareegay masuuliyadii qaranka Somaliland ee loo xilsaaray, isaga oo la mid ah safiirada Somaliland ee dalalka aduunka u qaabilsan Somaliland arrimaheeda, balse iswaydiinta ayaa ah maxaa laga dhaxlay Safiirnimadda Baashe Cawil Cumar Mudadii uu xilkaa hayey? Inta aynaan ka jawaabin su’aashaa aan dib ugu noqdo arrimo dhawra oo uu dalka iyo dadkaba ku soo kordhiyey muddadaas.

Amb. Bashe waxa uu markii u horaysay dalka keenay wefti heer caalami ah oo u socoday gurmadkii abaaraha ee sanadkii tegay 2015, isla sanadkaasi waxa uu dalka keenay wefti balaadhan oo dalka u yimi mashaariic horumarineed oo ay ka mid ahaayeen horumarinta biyaha, oo guud ahaan dalka oo dhan loo qaybiyey in laga qodo riigaga ama ceelal siiba meelaha ugu daran mar walba ay soo food saarto biyo yaraantu.

Sidoo kale waxa uu safiirku dalka keenay weftiyo kala duwan oo mashaariico kala gadisan ka fuliyey dalka miyi iyo magaalaba, waxa iyagana xusid mudan in markii u horaysay Berberi yeelato sariibad ama kawaan heer caalami ah oo xoolaha dalka lagu qali karo lana dhoofin karo iyagoo lagu qalay dalka gudihiisa, taas oo shaqo abuur balaadhan ay ka heli doonaan guud ahaan shacbiga Somaliland ee shaqo la’aantu hayso.

Dhanka kale waxa xusid mudan oo aan la hilmaami karin dhaamka weyn ee xumbo weyne oo isagu ah dhaamkii u horeeyey ee Somaliland laga hirgeliyo marka loo eego baaxadiisa kaas oo ay fulinayso dawladda Imaaraadku dedaalkeena uu leeyahay Madaxweynaha Qaranka Somaliland, dabagalkeeda iyo ka shaqaysiintana uu hormood ka yahay Amb. Baashe Cawil.

Ugu danbayna Jimcihii la soo dhaafay  waxa dalka soo gaadhay wefti balaadhan oo aan hore dalka u soo gaadhin kana socday dawlada Imaaraadka carabta kuwaas oo u socday mashaariic hor leh oo  haddii ay hirgasho noqonaysa mashriicdii u horeeyey ee mar keliya ay dawlada Somaliland ka wada hirgeliso, taas oo ah balaadhinta iyo tayeynta Idaacada Qur’aanka kariimka ah, Tababarka shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta, balaadhinta iyo qalabaynta qolka war laliska Idaacada, Kobcinta iyo kor u qaadida dhismeyaal ay ka hirgelinayaan jaamacada Hargeysa oo lagu tayeynayo qaybta daraasaadka islaamiga ah, waxay balanqaadeen dhisme balaadhan oo u dhigma ka Kuwait u dhistay agoomaha Hargeysa mid la mida oo loo binayn doono agoomaha xarunta Hargeysa iyo mashaariico kale oo hor leh, dhamaan hawlahaas oo dhan waxa ku suntan Safiir Baashe waana markii u horaysay ee Somaliland ay safiir ku yeelato imaaraadka, taasina waxay shacbiga tusaysaa in aynu ka gaabinay arrimaha carabta balse uu ku dhiiraday madaxweynaha wakhtigani in uu wakiil u magacaabo mid ka mida dawladaha carabta oo gacan muuqata siiyey Somaliland muddo gaaban.

Gunaanad ka faaladan ayeynu ku eegaynay dedaalka iyo horumarka uu shacbiga u soo jiiday magacaabista safiirka Somaliland u fadhiya dalka Imaaraadka. Intaas ayaan ku soo koobaynaa su’aasheenii ahayd  Maxaa laga Dhaxlay Magacaabistii Safiirka Imaaraadka, Baashe Cawil? Waxaad si kooban uga jawaabi kartaa akhristow muddo gaaban, dedaal dheeriya iyo wax lataaban karo ayaa laga dhaxlay.

 ++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++

Guddigii dhawaan madaxweynuhu u magacaabay ictiraaf raadinta Qaranka Somaliland oo kulankoodii koowaad ku yeeshay hargeysa iyo Arrimaha ayshirkaasi ku soo qaadeen.

 

Hargeysa(Warsugan)  Guddida heer qaran ee Madaxweynaha JSL Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) u magacaabay Ictiraaf Raadinta qaranka JSL ayaa kulankoodii ugu horreeyay ku yeeshay hudheelka Maansoor ee magaalada Hargeysa.

Kulankan oo uu guddoomiyay Wasiirka Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ah JSL Dr. Sacad Cali Shire ayaa ugu horayn gudidu uga mahadceliyeen Madaxweynaha JSL xilka iyo masuuliyadda uu u magacaabay, waxanay ku bogaadiyeen Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo guud ahaan  xukuumadda siyaasadda togan ee loo jeexay arrimaha dibadda iyo dadaalka ictiraaf raadinta ee laga wada qaybqaadanayo.

Gudidu waxay aad uga doodeen qorshaha istaraatijiyadeed iyo qaabka loo waajahayo dadaalka ictiraaf raadinta qaranka JSL,  qaab dhismeedka gudida, qaybsiga waajibaadka  gudida dhexdeeda, arrimaha bartilmaameedka u noqonaya qorshaha hawlgalka  ee  dadaalka ictiraaf raadinta  iyo sida loo waynaynayo xuska 25-Guurada ka soo wareegtay dib ula soo noqoshada madaxbanaanida JSL 18 May 2016. Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ah JSL Dr. Sacad Cali Shire wuxu u qaybiyay Gudida Nuqulka Rasmiga ah ee Siyaasadda Arrimaha Dibadda JSL iyo qodobo gundhig u ahaa ajandaha kulankan 1aad ee Gudida.

Gudidu waxay isku waafaqeen hannaanka hawlqabasho iyo shaqada gudida iyo sidii looga midho dhalin lahaa ujeedooyinka iyo waajibaadka xil ee loo aas’aasay Gudida Ictiraaf Raadinta Qaranka JSL, waxanay u ballameen kulankooda xiga maalinta salaasada 22nd March.

Gudida Ictiraaf Raadinta Qaranka JSL waxay ku baaqeen in xuska 18 May 2016 –  25-Guurada ka soo wareegtay dib ula soo noqoshada madaxbanaanida JSL loo oogo si weyn gudaha iyo dibadaba, lana gudbiyo farriinta Somaliland ee mutaysashada aqoonsi caalami ah iyo garawshiiyaha beesha caalamka ee qadiyadda shan iyo labaatan jirsatay ee madaxbanaanida Jamhuuriyadda Somaliland.

Xubnaha Gudida Ictiraaf Raadinta Qaranka ee ka soo qaybgalay shirka:

  1. Sacad Cali Shire, Wasiirka Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ah JSL
  2. Faysal Cali Waraabe, Guddoomiyaha Xisbiga UCID
  3. Xildhibaan Axmed Cabdillaahi Kijaandhe
  4. XIldhibaan Axmed Daahir Maxamuud
  5. Cabdullaahi Jaamac Cismaan Geel Jire
  6. Xuseen Cali Ducaale (Cawil)
  7. Edna Aadan Ismaaciil
  8. Maxamed Siciid Gees
  9. Raabbi Cabdi Maxamed
  10. Maxamuud Xuseen Faarax

Waxa sidoo kale ka soo qaybgalay shirka Guddoomiyaha Wakaaladda Qurbajoogga JSL Mudane Cabdi Cabdillaahi Xirsi oo warbixin ka siiyay Gudida  Dhismaha Gudiyada Ictiraaf Raadinta Qurbajoogga Somaliland iyo wadamada illaa haatan laga dhisay ee Europe; iyo Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Mudane Axmed Aden Ismaaciil (Kayse).

 +++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++

Guddoomiye Cirro Oo Isku Shaandheeyay Guddiyada Wakiilada iyo Magacyada Xildhibaannada La Isku Bedbedelay

Hargeysa(Warsugan) Kalfadhiga 30-aad ee golaha wakiillada Somaliland oo shalay si rasmi ah u furmay ayaa la horkeenay digreeto uu ku saxeexan yahay guddoomiyaha golaha Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro oo 8 mudane lagaga bedelay guddi hoosaadyada ay ka tirsanaayeen. Isbedelka lagu sameeyay mudaneyaashan ayaan lagu sheegin wax sabab ah oo loo kala bedelay.

Magacyada mudaneyaasha la kala bedelay iyo guddiyada ay ka kala tirsanaayeen iyo kuwa haatan loo bedelay:

No Magaca Mudanaha Guddida uu Ku Jiray Guddida Loo Bedelay
1. Xil. Cali Maxamed Aadan Guddida Gaadiidka iyo Waddooyinka Guddida dhaqaalaha
2. Xil. Farxaan Maxamed Cali Guddida Dhaqaalaha Guddida Joogtada ah
3. Xil.Maxamed Cumar Xashi Guddida Arrimaha dibadda Guddida ilaalinta Hantida qaranka
4. Xil. Maxamed Cali Xirsi Guddida ilaalinta hantida qaranka Gudd. Arrimaha dibadda
5. Xil.  Axmed Cali Kaahin Guddida arrimaha bulshada Guddida Shuruucda
6. Xil. Xaamud Cismaan Cigaal Guddida arrimaha dibadda Guddida gaadiidka
7. Xil. Maxamuud Ismaaciil Xasan Guddida gaadiidka Guddida nabad galyada
8. Xil. Jaamac Xasan Aadan Guddida joogtada ah Guddida Shuruucda

 +++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++

Culimada Gobolka Togdheer Oo Lacag Ugu Deeqay Dadka Abaaruhu Saameeyeen ee Gobollada Galbeedka Somaliland

Hargeysa(Warsugan) Culimada gobolka Togdheer ayaa lacag dhan shan iyo toban kun oo doolar ugu deeqday dadka abaaruhu saameeyeen ee gobollada Hawd, Gabiley iyo Awdal. Culimada iyo badhasaabka gobolka Togdheer ayaa deeqdan soo gaadhsiiyay masuuliyiinta gobolladaasi. Tabarucaadkan ayaa noqonaya kii labaad ee bulshada reer Togdheer ugu deeqdo dadka abaaruhu saameeyeen ee gobollada galbeedka Somaliland, iyagoo hore boqol gaadhi oo caws ah u geeyay Gabiley.

Munaasibad lagu wareejinayay lacagtaasi waxaa ka soo qayb galay Culimada tabarucaadkan siday, badhasaabka Togdheer, badhasaabka gobolka Hawd, badhasaabka Gabilay iyo qaar ka mid ah guddiyada abaaraha gobolladaasi, waxaana si balaadhan looga mahadceliyay tabarucaadka wakhtigan aadka loogu baahan yahay ee ay sideen culimada gobolka Togdheer, kaasi oo la tilmaamay inuu wax ka tari doono abaarta ba’an ee ka jirta galbeedka Somaliland.

Sheekh Cali Warsame oo culimada hoggaaminayay ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay tabarucaadka ay sidaan “Waxani waa wax yar oo is dhul dhig ah laakiin, wuxuu nabbigu(SCW) yidhi “Sadaqo waxaa ugu fiican, ninka hantida yari wuxuu naftiisa ka jaro,” waxaa ugu ajar badan nin hanti yarrow ahi wuxuu naftiisa ka jaro. Waxa weeye waddan dhibaato iska jirto oo meel walba ka taagan tahay, waxana aad iyo aad bay u yar yihiin haddana marka loo eego dadaalka la sameeyay in la istiilo oo qolo waliba dhaqdhaqaaq samayso weeye,” ayuu yidhi Sheekh Cali Warsame.

Badhasaabka gobolka Togdheer Maxamed Aadan Ibraahin(Qabo), ayaa isna madasha ka sheegay inay lacagtani tahay deeqdii labaad ee bulshada Togdheer kaga qayb qaadato gargaarka abaaraha “Waa deeqdii labaad ee aanu guddoonsiinno walaalahayaga abaartu ay hayso. Waa ogaydeen oo waxaan hore loo arag oo ku cusub saaxadda oo caws ah ayaanu keenay gobolka Gabiley oo markaa abaartu ugu badnayd, maantana waxaanu caawinaynaa saddexda gobol ee aadka loo eegayo, Gabiley, Awdal iyo Hawd.

Xamse Maxamed Cabdi, badhasaabka gobolka Gabiley iyo badhasaabka Hawd Ibraahin Xaaji Cali Xasan ayaa deeqdaasi ka guddoomay badhasaabka gobolka Togdheer, waxaanay ka mahadceliyeen deeqda bulshada reer Togdheer soo gaadhsiisay bulshada abaaruhu saameeyeen ee gobollada galbeedka, iyagoo tilmaamay inay wax ka tari doonto dadaallada loogu jiro in dadka la taakuleeyo. Abaarta oo ugu sii balaadhan gobolka Awdal ayaa sababtay dhimashada dad tobaneeyo ku dhaw oo harraad iyo gaajo u dhintay. Bulshada Somalilad ayaa dadaal xooggan ugu jirta sidii wixii karaankooda ah ay ugu caawin lahaayeen dadkaasi, iyadoo arrintanna noqonaysa mid ku dayasho mudan.

+++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++ 

Wasiirka Shaqadda iyo Arrimaha Bulshadda Somaliland Oo Gaadhigiisa Bixiyay Si Bulshadda Abaartu Ku Habsatay Ee Gobolka Awdal Loogu Shaqeeyo

Boorama(Warsugan) Wasiir Cali Maxamuud Axmed(Cali Sandulle), ayaa shalay xafiiska wasaaraddiisa ee gobolka Awdal xadhiga ka jaray, isagoo markii uu xaaladda gobolkaasi arkayna masuulka wasaaraddiisa gobolka Awdal u qaabilsan ku wareejiyay gaadhiga uu wasiir ahaan isticmaali jiray, kuna amray in abaaraha gobolka loogu shaqeeyo. Waxa uu sheegay in wakhtiga iyo duruufaha gobolkaasi dartood uu go’aankaasi gaadhay, waxaanay waxgaradka iyo madaxda gobolkaasi ku tilmaantay arrintaasi mid ku dayasho mudan.

Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Somaliland oo munaasibadda uu ku wareejinayay furaha gaadhiga hadal kooban ka jeediyay ayaa yidhi “Maadaama aanu xafiiskii gobolka maanta xadhiga ka jarnay, maadaama gobolkan iyo gobolka ku xigaba abaar ku jiraan oo gurmad u baahan yihiin, guddoomiyuhu u baahan yahay wax la shaqeeya, guddoomiyuhuna u cawday in xafiisyada gobolkiisa oo dhan isu duwa kasta gaadhi u helo, lana rabo in wasiiradu keenan, maadaama aan ku soo aaday wakhti adag oo abaar ah oo gurmad looga baahan yahay dhul buuralay ah, si gaadhigani gurmadka ula fidiyo ulana hagaajiyo guddoomiyaha gobolka, isu duwahayga waxaan ku wareejinayaa oo ay tahay inay hawlahan oo kale kala shaqayso guddoomiyaha gobolka, maadaama wasaaraddii shaqada iyo arrimaha bulshada tahay dadkuna aad u baahan yahay gaadhigaygii anigu aan lahaa ee wasiirnimo ayaan ku wareejiyay,” ayuu yidhi wasiirku.

Madaxda dhaqanka iyo masuuliyiinta gobolka ayaa aad ugu mahadceliyay wasiir Cali Sandulle, kuna baaqay in wasiirada kale ku daydaan “Waxaan aad iyo aad ugu mahadnaqayaa wasiir Cali oo muujiyay shucuurta dareenka waddankiisa ka taagan, oo isagoo furitaanka xafiiska u socday markii uu abaaraha la kulmay, wixii kali ahaa ee uu hayay oo ahaa gaadhigii uu saarnaa ee wasaaradda ugu shaqaynayay uu halkaas ku bixiyay. Aad iyo aad baanu wasiir kaaga guddoonay, dareenka iyo maskaxda saliimka ah eed muujisayna aad baanu kuugu mahadnaqaynaa, waxaanu rajayn dadkeena in Illaahay xilkaskaa ka wada dhigo, waxaanu rajayn in wasiirada kale ee hore loogu iclaamiyay ee xafiisyadooda baabuurtu ka maqan tahayna inay sidan oo kale yeeli doonaan,” ayuu yidhi mid ka mid ah hoggaanka dhaqanka Awdal.

Talaabadan wasiir Cali Sandulle qaaday ayaa imanaysa maalmo uun kadib markii guddoomiyaha gobolka Awdal Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax gobolka galiyay xaalad degdeg ah, kuna baaqay in hay’addaha dawladda ee gobolka iyo shaqaalaha dawladdu ka shaqeeyaan gargaarka dadka abaaruhu saameeyeen, sidoo kalena xafiisyada laamaha dawladda ugu baaqay inay yeeshaan baabuur gurmadka abaaraha ka shaqaysa.

++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++

Taliyaha Cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Sanaag Oo Xilka La Wareegay iyo Taliyihii Hore Oo Aan Xil Wareejinta Joogin

Ceerigaabo(Warsugan) Taliyaha cusub ee loo magacaabay booliska gobolka Sanaag ayaa shalay xilka la wareegay kadib markii taliyihii hore ee gobolkaasi xilka looga qaaday sababo aan la shaacin. Taliyaha hore ee xilka laga qaaday ayaan ka soo xaadirin xil wareejinta, waxaana xilkaasi wareejiyay ku xigeenkiisii oo ku simaha taliyaha ahaa. Xil wareejinta ayaa ka dhacday xarunta ciidanka booliska ee Ceerigaabo.

Daahir Cali Wacays, taliye xigeenka saddexaad ee ciidamada booliska Somaliland oo xilka u kala wareejiyay taliyaha cusub iyo taliye xigeenka ayaa xilka qaadista ku tilmaamay mid iska caadi ah “Waxa weeye isbedel laba taliye oo taliye xigeenka iyo taliyaha cusub ay xilkii la kala wareegayaan anaguna aanu goob joog ka ahaanno.  Bedelkuna waa wax caadi ah oo maamulka dawladda ayuu ka mid yahay in qofku kolba meel ka soo shaqeeyo, sarkaalkan la bedelay mudduu halkan joogay oo meel kale ayaa loo bedelay, sarkaalkanna waxaa laga soo bedelay caasimadda,” ayuu yidhi taliye xigeen Daahir

Axmed Cabdi Meecaad taliye xigeenka gobolka Sanaag, ahna kusimaha xilka wareejinayay ayaa isna munaasibaddaasi ka hadlay “Munaasibaddani waxay daarran tahay xil wareejin aan wareejinayo xilka taliyaha qaybta ee gobolka Sanaag oo aan kusime ka ahaa oon ku wareejinayo gashaanle Cabdicasiis. Kollay bedelku waa wax ciidanka u joogto ah, dawladdana joogto ayay u tahay. Gobolka waxaan joogay dhawr bilood, taliye Mahad Shaqale ayaanu wada joognay, waxaanu ugu nimid dad wanaagsan hawl fiicanna waanu qabanay, dhibna gobolku naga sheegan maayo anaguna ka sheegan mayno oo dad wanaagsan oo sooryo fiican baanu ugu nimid. Taliyihii halkan ka tagay ee Mahad Shaqale dhismo badan buu sameeyay, mushaharkiisa ayaanu ku kabay,” ayuu yidhi taliye xigeenku.

Gaashaanle Cabdicasiis Sheekh Ismaaciil Xasan, taliyaha cusub ee qaybta booliska gobolka Sanaag, ayaa wada shaqayn ka dalbaday bulshada reer Sanaag, tilmaamayna inuu daacadnimo ku shaqaynayo “Waxaan leeyahay Alle ha igu asturo xilkaas la igu wareejiyay,, waxaanan leeyahay dadweynaha reer Sanaag  ee xalaasha ah boolisku waa innamadiinii, waa innamadii Somaliland, waxay 24-ka saac u taagan yihiin inay ilaaliyaan amnigiina, maalkiina iyo naftiina. Boolisku aad buu idiin jecel yahay idina waa inaad aad u jeclaataan. Anigu taliye ahaan waxaan ballanqaadayaa inaan gobolka Sanaag ugu shaqeeyo si daacad ah, kalsooni ku jirto, sinnaan ah oo aanan kala dhawaysan. Anigu kaligay waxba ma qaban karo,  haddaanay shacabka reer sanaag wax ila qaban,” ayuu yidhi Gashaanle Cabdicasiis.

 ++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++

Ciidanka Ilaaladda  Madaxtooyada JSL  Oo Gacanta  Ku Dhigay  240-Litir Oo Khamri ah, kuna wareejiyey Ciidamda Booliska

 

Tog-wajaale(Warsugan)Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Somaliland ee fadhigoodu yahay Degmada Tog-wajaale ayaa qabtay  khamri aad u badan xili habeenimo ah,  waxaana qabashada khamrigaasi ka hawl galay Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada somaliland ku waasi oo ku guulaystay soo qabashada iyo gacan ku dhigista  Mukhaadaraadkaasi.

Khamrigan ay gacanta ku dhigeen Ciidanka Madaxtooyadu ayaa gaadhaya Sideed Jirikaan oo noqonaya marka laysku geeyo 240 Litir oo Khamri ah, kaas oo ay gacanta ku dhigeen xili ay qaadeen hawlgal saacadu mar ay ahayd kowdii iyo badhkii habeenimo ka dib dareen ay qaateen, waxaana soo qabashada khamrigaasi ku amaanay  Maamulka Degmada Tog-wajaale iyadoo ciidanka ugu hanbalyeeyey inay qabtaan Khamri miisaankaa leh iyagoo aan geysan wax khasaare ah.

Gudoomiyaha Degmada Wajaale Cabdi Saleebaan oo halkaasi ka hadlay ayaa ugu horaynba u mahad naqay Ciidanka Madaxtooyada Somaliland sida ay gacanta ugu soo dhigaan khamrigaasi isagoo arrimahaasi ka hadlaayana wuxuu yidhi” Waxaa jirtay inaan Ciidanka ku canaanay inay wax qabad la’aan way ka jawaabeen runtii raadcadii ay galeena way kusoo guulaysteen, waxaa kow ka ah talaabada ay qaadeen ee horumarka leh khamrigaa ay maanta soo qabteen  waxaa kaloo jirta tahriibta iyo oromada oo imika magaaladii iska soo baxnay qadowga islamarayno inay qeyb libaax ka qaateen oo talaabooyin badan taana ka qaadeen aad iyo aadna waanu ugu amaanaynaa halkan waxaa yaala Sideedaa Jirikaan ee Khamrigaa labadii Dameer ee lagu siday ninkii watay habeen bay noqotoo wuu baxsaday, markuu cararayna inay xabad ku ridaan way ka daayeen waxaanu leenahay waad mahadsan tihiin halkaa kasii wada wixii dalkan iyo dadkan dhib u keenayana masuuliyad baa idinka saaran”.

Taliyaha qeybta Gobolka Degmada Wajaale oo isna halkaasi hadal kasoo jeediyey ayaa yidhi” Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada qeybtan beeraha wajaale oo ku guulaystay inay qabtaan Khamrigan Tiradan Leeg aad iyo aad baan ugu mahad naqaynaa”.

waxa isna ka warbixiyey sida ay u qabteen khamrigan tirada badan taliyaha ciidanka Beerta wajaale ee ilaalada madaxtooyadu ku leedahay banka wajaale Taliye Cumar Afweyne oo sheegay in aanay ku eekayn uun beerta ama magaca madaxtooyada balse ay wakhtigooda uga faaiidaynayaan Qaranka Somaliland wixii wiiqayana ay gacan bir ah ku qaban doonaan.

Si kastaba ha ahaatee Magaalada Togwajaale oo ah Magaalo xuduudeed isku xidha Labada Wadan ee Somaliland iyo Itoobiya ayaa ayaa inta badan marin u ah khamriga iyo mukhaadaraadka sidoo kalena waxaa ay marin u tahay  dadka tahriibayaasha ah ee ka taga labada dhinac.

+++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++

Ganacsade Maxamed Jabuutaawi Oo Gobolka Sool Si Balaadhan Loogu Soo Dhaweeey Ka Dib Safar Uu Ugu Maqnaa Dalka China Iyo Bushaaro Uu Sheegay Reer  Laascaanood

Laascaanood (Warsugan) Ganacsade Maxamed Jabuutaawi oo kamida maal qabeenada Gobolka sool ayaa si balaadhan loogu soo dhaweeyey qaar kamida deegaanada  gobolka sool , Ganacsadahan ayaa beryihii ugu danbeeyey safar ugu maqnaa wadanka China halkaasi oo uu heshiisyo kula soo galay qaar kamida shirkadaha waa weyn ee  dalkaasi.

Maxamed Jabuutaawi ayaa hore kulan ay wada yeesheen haldoorka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada wuxuu balan qaaday inuu keeni doono islamarkaana uu geli doono dedaalka sidii Gobolka Sool looga heli lahaa laydh jaban oo ay dadku isticmaalaan, ka dib markii uu dalka kusoo laabtay ganacsadahani waxaa bulshada reer sool kaga horteen goob Magaalada Laascaanood u jirta 90KM, halkaasi oo si balaadhan loogu soo dhaweeyey, Sidoo kalena wuxuu kulamo la soo qaatay dadka ku dhaqan Deegaanada Yagoori iyo Adhicadeeye isagoo balan qaaday inuu dhisi Doono Dugsiyada Dhexe iyo Sare ee Magaalada Yagoori.

Mr Jabuutaawi oo soo dhawaynta ka dib kulan balaadhan bulshada ku qabilay hotel xamdi ee magaalada laascaanood ayaa ayaa ugu horaynba sharaxaad ka bixiyey  safarkiisii wuxuuna yidhi ganacsaduhu “ Dhamaan hora waan idin wada salaamayaa waanan ka mahad celinayaa sidaad iisoo dhawayseen anigu waan idiin maqnaa Chinan ka mida had ka hor waxaan isla soo qaaday inaan habka soolarta iyo laydh jaban oo caalamka waliba ka jaban aynu keeno arintii horta waan ku guuleystoo waan keenay alaabtii badhna waan wadaa hadeer ina waa danbaysaa, rig baan kusoo daray riigaa waxaan u sheegayaa umada reer sool qof walba oo ku intifaacsanaya oo horumarka gobolka sool ka shaqaynaya oo beer u qodanaya waa waqaf” .

Mudane Maxamed Jabuutaawi oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi  “ Ummadda reer sool waxaan u sheegayaa horumarka gobolak hadaynaan ka wada shaqyan anigu kama shaqayn karo , waxaan doonayaa inaad kala ogaataan qofka horumarkiina diidan iyo qofka horumarkiina ogol waxaan doonayaa inaad miirsataan qofka horumarkiina diidan aad ogaataan inteenan oo isku duuban cid ina hor istaagi kartaa ma jirto, gobolkan cid wax u waydiin maayo mid soo hadla iyo  mid maqan toona qabyaaladana aynu iska dayno oo aan isku duubnaanoo hal mid noqono waxaad ogataan keliya qofka horumarkiina kasoo horjeeda , qurba joog baryi mayno haayadana baryimayno umadkalena baryi mayno inagaa wax qabsan karayna” .

Dhamaan bulshadii kala duwanayd ee kasoo qeyb gashay madashaasi ayaa si weyn u qiray inuu ganacsade Jabuutaawi yahay qofka koobaad ee daneeya horumarka gobolka sool waxaana ay uga mahad celiyaan siduu markasta heegan ugu jiro horumarka gobolka iyo bulshadiisa ku dhaqan Sool.

++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++

Guddida Doorashooyinka Oo Soo Afmeeray Wajigii Koowaad Ee Diiwaangalinta Gobolka Saaxil, Gabiilay iyo Baligubadle

Hargeysa(Warsugannews)Xubno ka socday guddida komishanka qaranka oo ay horkacayaan komishaneer Maxamed Jamac iyo Komishineer Kaltuun Sheekh Xasan, xubnaha komishan ka qaranka ee gobalka Saaxil, Maayarka Degmeda Berbera, Gudoomiyaha Gobalka,  saddexda xisbi qaran iyo masuuliyiinka kala socday bulshada qaybaheeda kala duwan oo shir jaraa’id si wadajir ah ugu qabtayJaamacada Bada ee Berbera shalay ayaa shaaciyay in wajigii koobaad ee diwaangalinta Saaxil, Gabiley iyo Hawd la soo gabogabeeyay.

Ugu horeyn waxa ay guddida Doorashooyinka Qaranka oo uu afkooda ku hadlayay Komishaneer Maxamed Jaamac Ilaahay uga beryeen in uu kaqaado Alle abaaraha haysta wadanka unna shubo Raxmaad khayr qaba.

Masuuliyiintii goobtaas ka hadlay oo dhamaan soo dhaweeyay sida wanaagsan ee ay ku soo dhamaatay wajigaas kowaad oo mudotodobaad ah sidhameystiran uga socday goobihii loo asteeyay.Sidoo kale waxa ay masuuliyiintu uga mahadceliyeen shaqaalihii ka hawlgalay diiwaanggalinta iyo intii ku gacansiisa yhabsami u socodka hawshan baaxada leh.

Mahadnaq iyo hogatusaaleynba ka bacdi waxa labada Komishaneer si waadix ah ugu sheegeen bulshada sida wajiga labaad ee diiwaangalintu uga sii socon doonto gobalka iyo labada degmaba. Waxayna ku dhiirigaliyeen bulshadu in ay kafaa’iideestaan fursadaas qaaliga ah una soo baxaan is diiwaangalinta.

Gabagabadii waxas idiiran ugu mahadnaqay komishanka qaranka iyo shaqaalaha komishankaba maayarka Degmeda Berbera iyo Gudoomiyaha gobalka iyagaoo ku amaanay hanaanka wanaagsan ay hawsha u wadaan, sidoo kalana ku astaameeyay komishan aqooniyo kartiba u leh hawshan baaxadaleh ee ay ummada u hayaan Ilaahayna uga baryay in uu ku guuleysiiyo hawshaas ay hayaan.

+++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++

Jabuuti  oo qiratay inay ku Xadgudubtay Gudaha Biyaha Somaliland xaala ka bixisay weerarkii Askarigu ku dhintay, Ka dib jawaabtii Madaxweynaha somaliland.



Jabuuti (Warsugan)- War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa u dhignaa sidan: Shirar googoosa  oo muddo   sadex cisho  ah  qaatay  oo  la iskugu  gar  dhiganayey  kadib  waxaa labada dawladood ee Somaliland iyo  Jabuuti  ay  maanta(shalay) isla qaateen  heshiis laba  dhinaca  kaasi  oo  dawlada jabuuti  ku  qiratay  khaladkeedeeda gardarada ahaa ee ay  ku  qaaday  ciidamada  badda Somaliland  oo  ku  sugan  xuduuda baddooda.

Dawlada jabuutii  oo  hore u  dafirtay  inay   gaf ka  gashay  Somaliland ayaa  kadib  markii  la isla eegay  halka  ay  ku  weerareen ciidamada somaliland  ayaa  ay  qirteen  inay  ku  xad gudbeen  biyaha Somaliland .

Sidoo  kale dawlada  jabuuti waxaa ay  dhabarka u  ridatay   dhimashadii  iyo  dhamaanba khasaarihii  halkaasi  ka dhashay  iyada oo  xaalna ka bixisay  xad gudubka ay  ku  kaceen ciidamadoodu.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland  mudane  cali  warancadde  oo  hogaaminaya  waftida  dhinaca Somaliland ka socota  ayaa si  adag  ula hadlay   masuuliyiinta dawlada jabuuti  intii ay   socdeen  shirar doceedyada garnaqsigu.

Shirkan   heshiiska  labada  dhinac ayaa maanta ka  qabsoomay  xarrunta ciidanka bada  ee Jabuuti   halkaasi  oo dawlada jabuuti   uu  matalayey   wasiirka  kaluumaysida  maxamed Somali  iyo  taliyaha ciidamada bada  cabdiraxmaan  shiir.

Dhinaca Somaliland-na waxaa  hogaaminaayey Wasiirka

Arrimaha gudaha  mudane cali  maxamed warancadde, wasiirka kalluumaysida   cali buured taliyaha ciidamada badda maxamed xuseen xiirane   safiirka Somaliland u  fadhiyada jabuuti  afhayeenka wasaarada arrimaha gudaha iyo  taliyaha  aaga  galbeed ee ciidamada badda.

Shirkani  oo  warbaahintu  dabada ka jiigtay  ayaa markii  uu  soo  dhamaaday waxaa warbaahinta la hadlay  wasiirka arrimaha gudaha Somaliland mudane  cali warancade, wasiirada  Kalluumaysida  ee jabuti  iyo Somaliland

Waxaana  heshiiska  ka sokow ay  sheegen  in  la  samayn doono  guddi  laba  dhinaca  oo  ka shaqayn doonta  xidhiidhka saaxiibtinimo ee labada dal.

Jawaabtan ka soo yeedhay maamulka jabuuti ayaa ku soo beegan tahay wakhti uu madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo muujiyey mawqifkiisa madaxweynenimo ee xuduudaha Somaliland, waxaana la odhan karaa taasi aya asoo dedejisay inay jabuuti raaligelin buuxda ka bixiso falkaas.

+++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++

 

Turki-ga: Afar Qof Qarax Lagu Dilay iyo 36 Qof Oo Dhaawac Ah

Qof is qarxiyay oo weerraray goob mashquul badan oo laga dukaamaysto oo ku taal magaaladda Istanbul ee dalka Turkiga ayaa waxa uu dilay ugu yaraan afar qof, sida ay mas’uuliyiintu sheegeen.

36 qof oo kale ayaa ku dhaawacmay, kuwaasi oo 12 ka mid ah ay ajaanib yihiin. Bamka ayaa ku qarxay meel u dhaw dhisme dowladeed oo ku yaal wadada Istiklal.

Axaddii la soo dhaafay, qarax ka dhacay caasimadda Turkiga ee Ankara, ayaa waxaa ku dhintay 37 qof. Kooxda hubeysan ee maleeshiyada Kurdiyiinta ee TAK ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka.

Kooxda TAK, oo ka go’day kooxda la mamnuucay  ee Kurdiyiinta PKK, ayaa sheegtay in weerarkaasi ay uu ahaa aargoosi ku aaddan howlgallada milateri ee uu Turkigu ka wado deegaanada ay ku badan yihiin Kuridiyiinta ee koonfur bari dalkaasi.

Bishii la soo dhaafay, weerar bambaano oo lagu qaaday kolonyo milateri oo ka dhacay magaalada Ankara ayaa waxaa ku dhintay 28 qof waxaana ku dhaawacmay tobaneeyo qof oo kale.

Oktoobartii horana, in ka badan 100 qof ayaa waxa ay ku dhinteen laba qarax oo lala beegsaday isu soo bax nabadeed oo ka dhacayay magaalada Ankara.

Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in kooxaha argagixisada ay bartilmaameed-sanayaan dadka rayidka ah sababta oo ah waxa ay ku guuldaraysteen halganka ay kula jiraan ciidammada ammaanka ee Turkiga.

Waxa uu sheegay in weerrarada noocaas ah ay sii kordhinayaan” sida ay inooga go’an tahay in aannu la dagaallano argagixisada”.

Dowladda Turkiga ayaa hore ugu eedaysay Kurdiyiinta Suuriya in ay ka dambeeyaan qaraxyadda waxayna ku qaadday weerraro cirka ah oo aargoosi ah.