Maareeyaha Dekedda Berbera Eng Cali Xoor Xoor Oo Si Adag Uga Jawaabey Warar Lagu Sheegay In Dekedda La Wareejinayo

0
663

Maareeyaha Dekedda Berbera Eng Cali Xoor Xoor Oo Si Adag Uga Jawaabey Warar Lagu Sheegay In Dekedda La Wareejinayo

Berbera(Warsugannews) Maamulka Dekedda Berbera Waxa Ay Beeniyeen In Socdaalka Madaxweynaha iyo Waftiga Imaaraadku Ku Xidhiidhsan Yihiin Sida Loo Sheegay

Maareeyaha dekedda Weyn ee Berbera Eng Cali Cumar Maxaed(Cali Xoorxoor), iyo Kuxigeenkiisa Cumar Abokor ayaa si wada jira ah u beeniyay Warar Xisbiyada Mucaaridku ku Sheegeen in Socdaalka Madaxweynaha iyo Waftiga Imaaraadka Carabta ee Ku Sugan Berbera ujeedada Socdaalkoodu la xidhiidho ario ku sahabsan Dekedda iyo sida Warbaahinta ay ka Sheegeen Madada Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid u fadhiya Gobolka Saaxil.

Mareeyaha Dekedda Weyn ee Berbera Eng Cali Xoor oo ka hadlaya Ariahaasi waxa uu yidhi.

“Caawa waa habeen jimce ah oo waxaa weeye shaqadii dekedduna way socotaa oo maraakiibtu way ku wada xidhan tahay, sheekadaas yar ee raqiiska ah ee ay dadka qaarkii warbaahinta ka sheegeenna ayuun baanu is nidhi dadka u bayaamiya oo runta u sheega” sidaa ayuu yidhi Maareeyaha dekedda caalamiga ah ee Berbera Eng. Cali Cumar Maxamed (Xoorxoor) oo xalay habeen badh ku dhawaadkii warbaahinta kula hadlay dekedda dhexdeeda oo ay xilligaas hawlo dejin iyo dhoofin ahi ka socotay, waxaanu intaa ku daray Maareeyuhu, “ Dekedda anigaa ka masuul ah, cumarna [maareeye ku xigeenka] waa ku xigeenkaygii, run ahaanna wax qandaraas iyo barnaamijkaas la sheegayo [ ee wareejinta] dekedda ah oo meesha yaallaana ma jiraan. Madaxweynuhuna hawl dalku leeyahay uun buu uyimi ookormeer qaran buu u yimi oo uu Berbera u joogaa, annaguna socdaalkiisa waanu ka faa’iideysanaynaa oo mashaariicda sanadka soo socda aanu bilaabayno iyo kuwii dhammaadayba in uu nala arkaabaanu doonaynaa iyo xaaladda ay shaqada qaranku ku sugan tahay. Waxaa kale oo aanu doonaynaa barnaamijyo qaran oo aanu rabno in naloo ogolaado in aanu madaxweyneha tusno, runtiina in badan oo hore ayaan madaxweynaha ku idhi md. Madaxweyne noogu kaalay meesha [Dekedda], markaa barnaamijkani [hadallada mala’awaalka ah ee wareejinta dekedda] mid jira maaha” ayuu yidhi.

Dhinaca kale waxaa uu ka hadlay wefti carab ah oo iyaguna dalka ku sugan kuwaas oo mashaariic kala duwan oo indho indhayn iyo wada hadallo ah u jooga dekedda, weftigan oo ka socda dawladda wadanka Imaaraadka ayaa warar aan la hubin oo warbaahinta qaarkeed lagu faafiyey ay ku tilmaameen in ay yihiin shirkado ganacsi oo qayb ka ah warkaas hore ee maareeyuhu beeniyey, waxaana isaga oo amuurahaas ka hadlay uu yidhi Cali Xoorxoor “qolada carbeed ee joogta ee imaaraadka ka timi horta waa masuuliyiin dawladeed ee shirkad maaha ganacsi, annagana ka deked ahaan hawl badan iyo wada shaqayn dheer baa naga dhaxaysa, waxaanay doonayaan in ay wadanka soo degaan, degmada Sheekh bey tageen, waxay tageen buurta Gacan libaax, berbera way yimaadeen oo way sahamiyeen, run ahaanna wadankaas ay weftigu metalayaan ee Imaaraadkuna waxtar mooyee waxyeello somaliland ka fili mayso, in ay dawladdeena wixii ay ka caawin karaanna ay ka caawiyaan iyada lafteedu meesha way ku jirtaa . run ahaana waxaa nasiib darro ah in dadka qaarkood ay waqtiyadan dembe ay markay arkaan qof carab ah ama cadaan ah si khaldan u fikiraan oo ay yidhaahdaan wax kale ayaa la wadaa, taasna waxaan leeyahay runtii waa caqli xumo, waa horumar diid, masuuliyadda dalkuna ciduun bay saaran taahy, barnaamijka wadanka lagu horumarinayana qof hadlay loo joojin maayo oo loo deyn maayo” ayuu yidhi Maareeyaha dekedda Berbera Eng. Cali Cumar Maxamed (Xoorxoor). Sidoo kale waxaa isagauna goobta ka hadlay maareeye ku xigeenka dekedda Berbera Cumar Abokor

“annaga oo ah maarayntii sare ee maamulka dekedda Berbera, waxaanu halkan doonaynaa in aanu kaga hadalno barnaamij warbaahinta aad loo geliyey, masuuliyiinina ay ka hadashay oo ku saabsan safarka madaxweynaha iyo wufuud carab ah oo Berbera jooga oo ay leeyihiin dekedda ayaa lagu wareejinayaa , arrintaasi ayaanu rabnaa inaanu si cad u beenino, oo aanu dadka tusno in aanay sal iyo raad toona lahayn ee madaxweynuhuna shaqooyinkiisii caadiga ahaa ee qaranka uu gudanayo safarkiisuna kuwaas uun la xidhiidh” sidaas ayuuyidhi Maareeye ku xigeenka dekedda Berbera. Sida laga war qabo warbaahinta maxalliga ah ee Somaliland ayaa tan iyo markii Madaxweyne siilaanyo safarka shakhsiga ah ku tegey magaalo xeebeeda Berbera waxaa ay wax ka qorayeen warar lagu xidhiidhinayo wefti dalka imaaradka ka socda oo iyaguna berbera sii joogay kuwaas oo masuuliyiinta mucaaridka qaarkood ay naqdiyeen ujeedooyinka weftigaasi u yimaadeen dalka iyo safarka madaxweynaha, iyaga oo ku xidhiidhiyey qorsheyaal muddooyin dhawayd saxaadda siyaasadda ku jiray oo ku saabsanaa wareejinta Dekedda Berbera.

Warsugannews

Berbera/Office