Maayarkii Degmada Xariirada oo Daad qaaday iyo Madaxweynaha oo tacsi u diray ehelkii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay marxuumku

0
510

Hargeysa(WSN)TACSI MADAXWEYNE: IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN,
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa masuuliyiinta qaranka, waxgaradka, waayeelka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Abokor Xasan Guuleed oo ahaa Maayarkii degmada Xariirad oo uu galabta (15.05.2017) qaaday dooxa lagu magacaabo sac-waraabis ee u dhexeeya degmooyinka Boon iyo Qulujeed, ka dib markii ay roobab ka da’a een jiidahaasi, isagoo Marxuumku ka mid ahaa wefti ka kooban wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha iyo saddex qof oo kale, socdaalna ku marayey dhulkaas.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey masuul hawlkar ah oo taariikhdu xusi doonto, qarankana kaga jiray kaalin muuqata, isagoo shaqadii qaranka ee loo igmaday gudanayana geeriyooday.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, masuuliyiinta qaranka, waxgaradka, waayeelka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Xuseen Aadan Cige (Deyr)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.