Madax Dhaqameedka Deegaanka Koonfurta, Bariga Iyo Badhtamaha Hargaysa Oo Taageeray Heshiiskii Xukuumadda ee DP World +Sawiro

0
754

Madax Dhaqameedka Deegaanka Koonfurta, Bariga Iyo Badhtamaha Hargaysa Oo Taageeray Heshiiskii Xukuumadda Somaliland Ay La Gashay DP World Ee Lagu Horumarinayo Dekedda Berbera

Hargaysa(Warsugannews)- Madax Dhaqameedka Ka soo Jeeda Beelaha Dega Koonfurta, Bariga Iyo Badhtamaha Hargaysa (Ciidagale) ayaa maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargaysa .

Ujeeddada Shirkan Jaraa’id ayaa daarnaa sidii ay ay taageeri lahaayeen Heshiiska xukuumadda Somaliland ay la gashay Shirkadda DP World ee ay kula wareegayso Dekedda Berbera .

Madax Dhaqameedkan oo ay ka mid ahaayeen Chief Caaqil C/risaaq Maxamed Askar, Garaad Mustafe Maxamed Cumar , Chief Caaqil Xasan Badmaax, Caaqil Faysal Axmed Guun, Chief Caaqil Rashiid Faajeer, Oday Cabdi Aw Maxamuud Ismaaciil Laangadhe, Oday Aabi Xujaale, Suldaan Cawil Fiiqle iyo Madax Dhaqameed kale .

Ugu horeen waxaa Halkaasi ka hadlay Caaqil C/risaaq Maxamed Askar oo faahfaahiyay ujeeddada ay shirkan jaraa’id u qabteen .

“ Shirkan jaraa’id ayaa waxaa aanu u qabannay in aanu ku taageerno Heshiiskii ay dawladda Somaliland la gashay imaaraadka Carabta ee ahayd in dekedda dib u habayn lagu sameeyo la dhiso la hagaajiyo, waxaanu u taageeraynaa, waxaa weeye dekeduhu way tartamayaan, jabuuti waynu ognahoo Dekedeenan mid laba laabkeed ah ayaaa laga dhisay, xamar-na Turki ayaa la wareegay, Dekeddeenu haddaanay Dekedaha Geeska Africa ku yaalla aanay la jaan qaadin de ma shaqeenayso ..” Ayuu Yidhi Caaqil C/risaaq Maxamed Askar .

Caaqilka oo si watta hadalkiisa ayaa sheegay in aanay habooneen in reeraha qaar ay ka hor yimaaddaan horumarinta Dekedda .

“ Cid gaar ahi in ay tidhaahdo heshiiska waanu diidannahay iyo in reer ka hadlaa laga qurux badan, horta cid wax diida oo Madaarada diida annaga ugu horeenne Reerkayga Halkan fadhiya, de wixii ka dhacayna waa la ogaa, maanta Madaarkii Hargaysa waa Madaar caalami ah, annagu ma xukunno, kama hadalno, immika haddi la wareejiyo annagu raali ayaanu ka nahay, waxaanu aminsanahay in Dekedduna la mid tahay, Reerka aanu walaalaha nahay waxaanu leenahay haddi Madaarrada iyo Dekedaha la kala yeesho de Dawlad noqon mayno ..” Ayuu Yidhi Caaqil C/risaaq Maxamed Askar .

Waxaa isna Halkaasi ka hadlay Garaad Mustafe Maxamed Cumar waxaanu sheegay in ay madaxweynaha ku taageersanyihiin Heshiiskaasi .

“ Madaxweynah aynu doorannay hadi aanu heshiisba gali Karin de in aynu nidhaahno waa Madaxweyne waa laga wanaagsanyahay ..” Ayuu Yidhi Garaad Mustafe Maxamed Cumar .

Waxaa Iyaguna Halkaasi Ka Hadlay Caaqil Rashiid Faajeer iyo Caaqil Faysal Axmed Guun waxaanay si isku mid ah u taageereen Heshiiska Xukuumadda ay la gashay Shirkadda DP World ee lagu horumarinayo Dekedda Berbera .

Oday Cabdi Laandhgadhe iyo Caaqil Xasan Badmaax oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay taageersanyihiin Heshiiskaasi, maadaama uu yahay ba yidhaahdeen Heshiis Horumar Horseedayaa .

Suldaan Cawil Fiiqle oo ugu danbeentii Halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay xukuumadda ka filayeen Mashaariic Horumarineed, immikana ay Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisaba ay ku taageersanyihiin Heshiiskaasi lagu horumarinayo Dekedda Berbera .

Waxaa Xusid Mudan in Madax Dhaqameedkani ay sidoo kale ay naqdiyeen Meeqaamkii Ay jabuuti ku qaabishay Madaxweyne Siilaanyo markii uu ka qeyb galay Caleemo saarkii Madaxweyne Geelle .
DSC01585

DSC01586

DSC01588

DSC01590

DSC01595

DSC01600

DSC01602

DSC01603

DSC01606

DSC01607

DSC01615