Madax-dhaqameedyada Beelaha Sanaag Oo Diidmo Qayaxan Ka Muujiyey Go’aannadii Wasiirrada Somaliland Kasoo Saareen Isusocodka Iyo Isticmaalka Warqadaha Aqoonsiga

0
321

Madax-dhaqameedyada Beelaha Sanaag Oo Diidmo Qayaxan Ka Muujiyey Go’aannadii Wasiirrada Somaliland Kasoo Saareen Isusocodka Iyo Isticmaalka Warqadaha Aqoonsiga

“Annagu Kaadhadhkaas Dhalashada Ma Haysanno Dadkayaguna Ma Haysto Go’aannada Lagasoo Saarayna Waannu Kasoo Horjeednaa”

Ceerigaabo(Warsugan) Qaar Kamid ah Madax-dhaqameedyada Beelaha Sanaag oo Saxaafadda kula hadlay magaalada Ceerigaabo ayaa waxay diidmo cad ka muujiyeen kuna tilmaameen wax aan suurtagal ahayn Go’aannada ku saabsan Arrimaha Isusocodka iyo isticmaalka warqadaha aqoonsiga oo Toddobaadkii hore Golaha Wasiirrada Somaliland kazoo saareen shirkii Madaxweyne Siilaanyo guddoominayey. Waxayna Madax-dhaqameedkaasi Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisa ugu baaqeen in arrrintaas dib looga fiirsado.

“Waxannu leenahay Dawladdu xuduudahaanay gacanta ku hayn wax kalaanay gacanta ku hayne Dawlada Iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha yaanay Go’aanno Iska gaadhine horta shacbiyaddeeda ay go’aannada ku gaadhayaan ha u warhayso oo ha ogaato waxa kaadhadhka dhalashada haysta iyo waxa aan haysan” Sidaas waxa hadalkiisa ku bilaabay Boqor-Maxamed Nuux Aadan oo kamid ah madax-dhaqameedyada beelaha Sanaag.

Wuxuna intaas kusii daray “Arrintaasi nama khusayso waannuna kazoo horjeednaa nalakumana dhaqan gelin karo mana haysanno annagu kaadhadhkaas dhalashada dadkayaguna mahaysto, iska daa meel kale Ceerigaabo gudeheeda laguma wada haysto anigaygan boqorka ahi ma haysto cid kalena iska daa”.

“Annagaa jecel in sharcigu socdo iyo in ammanku sugnoba laakiin su’aashu waxay tahay dalka Somaliland ma la aqoonsan yahay baasaboorkeenna dalalka kale ma lagu gelayaa xuduuduhuse ma sugan yihiin”. Sidaas waxa yidhi Boqorka Beelaha Habar-magaado Boqor-Maxamuud Cali Carrab.

Isagoo hadalkiisa sii watana wuxu yidhi “Gobolka Sanaag markaan ka hadlo meel baasaboor lagu bixiyaa majirto meel fiise lagu bixiyaana majirto ganacsigiisa inta badanina wuxu ku xidhan yahay Bossaso/Puntland markaa dadku ma awoodi karaan inta ay Hargeysa tagaan inay baasaboor iyo fiise kazoo qaataan”. “Xukuumadda waxan leeyahay markay go’aan soo saarayso waa inay horta u samaysataa qalabkeedii”.

Wuxuna Boqorka Beelaha Magaado intaas kusii daray “Arrintu yay noqon habartii duggeediyo degelkeeda roob helay dadba wada hel mooddoo daad-wararac bay tidhi”. “Wasiirradu haddii ay dhoofayaan oo baasabboorradooda iyo akoonnadoodu hagaagsan yihiin dadku lama mid aha mana awoodi karo”. “Waxannu leenahay Wasiirrada iyo Madaxweynaha iyo xukuumaddoodu dib ha isugu noqoto dadkana yaan la kallifin”.