Madaxdhaqameedka SUBEER AWAL Oo Ku Baaqay In Dib Loo Dhigo Shirka KULMIYE, Fariina Udiray Madaxweyne SIILAANYO.

0
441

Madaxdhaqameedka SUBEER AWAL Oo Ku Baaqay In Dib Loo Dhigo Shirka KULMIYE, Fariina Udiray Madaxweyne SIILAANYO.

Hargeysa(Warsugannews) Qaar kamid ah madaxdhaqameedka Cuqaasha iyo aqoonyahanka Beelaha Subeer awal oo shir’jaraa’id ku qabtay Hotel Crown ee magaalada Hargeysa ayaa madaxweyne SIILAANYO ugu baaqay in uu dib udhigo shirka golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE si loo badbaadiyo masiirka iyo mustaqbalka dambe ee xisbigaasi, Madaxdhaqameedkani waxay kadigeen in nidaam milateri iyo digteetar keligii taliye ah gacanta loo geliyo talada Iyo masiirka Somaliland, siday hadalkooda udhigeen

Oday Xasan Habane Gadhweyne oo halkaasi ka hadlay ayaa Yidhi ”Keligii talisku ha dhaco, digtaatooriyadu ha dhacdo cadaalado ha noolaato maanta inakoo askari Siyaad barre soo marnay si wax loo dilo iyo si wax loo canaado mooye wax kale aan aqoon uma baahna Somaliland, waxay ubaahantahay nin udhibriya caruurta agoonta ah iyo umadda isku haya ee nin afka taagaya amar askari mooye wax kale aqoonin somaliland maanta itaal uma haysee, ilaahay haynaga qabto.”
Sidoo kalena Siyaasi Baashe Cabdi Gaboobe oo kamid ahaa asaasayaashi Xisbiga KULMIYE oo isaguna munaasibadan ka hadlay ayaa ku baaqay in si cadaalad iyo hufnaani ku jirto loogu tartamo xisbiga KULMIYE.

”Madaxweynaha ayaynu la hadlayna, Cida kulmiye maanta mindida daabkeeda haysa ee waxna dooranaysa iyo kuwa hanka leh baynu la hadlaynaa, waa in si cadaalad iyo hufnaani ku jirto loo tartamo oo cidii guuleysata loo quudho siday somaliland weligeed ku caana maashay” ayuu Yidhi Baashe

Aqooyahan Cabdi maraykan oo isaguna xafladaasi ka hadlay ayaa sheegay inaan jujuub iyo afduub lagu qaban talada Madaxweyne nimo sidoo kalena Mr maraykan wuxu ku baaqay in dib loo dhigo shirka xisbigaasi KULMIYE

”marku qofku usoo badheedho in uu madaxweyne Noqdo oo is sharaxo, jujuub laguma noqdo, anigaa lehda waa wax laga xishoodo waxanuna leenahay ninka caynkaaso ka noqo anigaa dabaakhii ah anigaa karinaya anigaana maqalkii fadhiya, taasi kaa socon mayso madaxweyne Shirka golaha dhexe Dib udhig adigaanu kula hadlaynaa ee”

Madaxdhaqameed aqoon yahano iyo xubno kale oo tiro badan oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa isku mid ah madaxweyne SIILAANYO ugu baaqay in dib loo dhigo shirka golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here