Madaxtooyadda Somaliland Oo Beenisay In Madaxweynuhu Garab Siinayo Mid mid ah Murrashaxiinta KULMIYE

0
344

Madaxtooyadda Somaliland Oo Beenisay In Madaxweynuhu Garab Siinayo Mid mid ah Murrashaxiinta KULMIYE

Dhuxul11“Madaxweynuhu Murrashax Gaar ah oo Uu Garab Saarayaa Ma Jirto, Musharraxiintana Waa u Wada Dhex”

Hargeysa (Warsugannews)-Afhayeenka madaxtooyadda Somaliland Axmed Saleebaan Dhuxul, ayaa beeniyay in Madaxweynuhu xalay taageeradiisa siiyay mid mid ah Murrashixiinta madaxweynenimadda xisbiga tallada haya ee KULMIYE, waxaanu ku dooday inaanay arrintaasi waxba ka jirin oo madaxweynuhuna dhex u yahay murrashaxiinta xisbigiisa oo dhan.

Sidaasna afhayeenku waxa uu ku sheegay mar uu maanta u waramayay shabakadda Gudgudenews.com. waxa kale oo uu sheegay inay doonayaan in xisbiga KULMIYE sii ahaado xisbiga tallada haya afartanka sannadood ee soo socda.

Afhayeenka Madaxtooyadda oo la weydiiyay waxa ka jira in madaxweynuhu uu xalay Kulan la yeeshay mid ka mid ah murrashaxiinta madaxtinimadda KULMIYE oo uu taageeradiisii siiyay, waxaanu yidhi “Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, waa odayga KULMIYE, waa aasaasihii xisbiga halkan soo gaadhsiiyay. Waxaanu ka shaqaynayaa qaranka Somaliland horumarintiisa. Madaxweynaha Somaliland markii uu ka soo degay madaarka Hargeysa waxa uu caddeeyay maadama oo ragga tartamayaa ay raggiisii yihiin oo ay garabadiisii yihiin uu dhex u yahay oo xisbiga si dimuqraadi ah loogu tartami doono ayuu sheegay. Madaxweynaha mowqifkiisu waa kaas xisbigana waa u dhex, murrashaxiintuna dhammaantood waa raggii la soo shaqeeyay.”

“Saxaafadda waxaan u soo jeedinayaa inay ka daayaan hororsiga iyo wixii xisbiga dhexdiisa khilaaf ka dhex dhalinaya. Xisbiga KULMIYE Waa kii Arbacadii heshiiyay heshiis fiican baa xisbiga dhexdiisa ka dhacay, waxa la saaray cidii hawsha shirka wadi lahayd, iyadoo Madaxweynaha Somaliland uu ka odayeeyay,”Ayuu yidhi Axmed Saleebaan Dhuxul.

Afhayeenku isagoo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi “Madaxweynuhu murrashax gaar ah oo uu garab saarayaa ma jirto, musharraxiintana waa u wada dhex, waxaanay xisbiga dhexdiisa ugu tartami doonaan si dimuqraadiyad ah oo karaamo leh. Saxaafaddana waxaan leeyahay ka daaya warka beenta ah ee ah waa la is qabtay iyo cid baa la taageeray. Musharraxiinta tartamaya oo mid waliba xaq uu u leeyahay inuu tartamo kii soo baxa ayaa lala shaqaynayaa iyadoo la isku duuban yahay.”

Afhayeenka Madaxtooyaddu waxa uu sheegay inay doonayaan in xisbiga KULMIYE uu taagnaado oo uu afartanka sannadood ee soo socda xisbul-xaakim ahaado, waxaanu yidhi “Xisbiga KULMIYE xisbiyo kale ayaa la tartami doona oo doorashooyin ayaa la geli doonaa, markaa midnimadda KULMIYE waa guusha dambe ee xisbiga. Maantana uma baahnin wax khilaaf innagu keenaya. Xisbiguna waa laf-dhabartii dalkan, waa xisbul xaakimkii. Madaxweyne Siilaanyo waxqabadkaas uu qabtay la ilaaliyo oo halkaas laga sii wado ayaa loo baahan yahay. Waxaan doonaynaa in xisbiga KULMIYE uu afartanka sannadood ee soo socda uu taagnaado oo uu xisbul xaakim aheado. Wax khilaaf ahina xisbiga kama dhex jiro.”

Somaliland/Hargeysa

Xigasho Gudgudenews.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here