Madaxtooyadda Somaliland Oo Ka Jawaabtay Eedo Iyo Afxumooyin Ka Soo Yeedhay Xisbiga WADDANI

0
564

Madaxtooyadda Somaliland Oo Ka Jawaabtay Eedo Iyo Afxumooyin Ka Soo Yeedhay Xisbiga WADDANI

Hargaysa (Warsugannews):- Afhayeenka Madaxtooyadda Somaliland Md. Axmed Saleebaan Dhuxul, ayaa jawaab ka bixiyay hadalo ka soo yeedhay xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, kuwaasi oo ku saabsanaa dhaliilo ay u jeediyeen xukuumadda iyo safarkii uu dhawaan madaxweynuhu ku tegay dalalka Ireland iyo Imaaraadka carabta.

Axmed Saleebaan Dhuxul, ayaa si gaar ah waxa uu uga hadlay af-xumooyin ka soo yeedhay af-hayeenka Waddani Ibraahim Mahdi Buubaa Waxaanu ku tilmaamay hadalka Buubaa in uu ahaa mid aanu qof masuul ahi ku hadli Karin.

Afhayeenka madaxtooyaddu, waxa kale oo uu ka hadlay khilaafka xisbiga Kulmiye ee la soo afjaray, wareejinta haamaha kaydka shiidaalka Berbera. Waxaanu ku tilmaamay hadalka Buubaa in uu ahaa mid aanu qof masuul ahi ku hadli Karin.
Mr. Dhuxul oo xalay telefoonka kula soo xidhiidhay DAWAN, waxa uu sheegay in xisbiyadda mucaaridka ahi ay isku dayeen in ay ka faa’iidaystaan murankii la soo afjaray ee xisbiga Kulmiye mudooyinkan ka dhex jiray, isla markaana dhaliilo aanay waxba ka jirin u jeediyeen xukuumadda talladda haysa.

“Mudooyinkan dambe xisbiyadda mucaaridka ahi waxay ka hadlayeen khilaafka xisbiga KULMIYE oo ay u arkayeen in aan laga heshiin Karin ama aan la isaga iman Karin. Waxaanay isku deyeen in ay ka faa’iidaystaan, iyagoo sidoo kale hadallo dhaliil ah u jeedinayay xukuumadda iyo qaabka ay u waddo hab-maamulka dalka. Waxaana ugu dambeeyay af-hayeenka xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI oo isagu shalay (doraad) aad u naqdiyay safarkii uu madaxweynaha Somaliland ku tegay dalalka Ireland, Britain iyo imaaraadka carabta. Xisbiga WADDANI waxaan leeyahay safarkii madaxweynuhu wuxuu ahaa mid aad u wanaagsan oo qaranka waxtar u ah, waxaanu ahaa safar rasmi ah, guulna ku soo dhammaaday,”Ayuu yidhi Afhayeenka madaxtooyaddu.

Afhayeenku isagoo la hadlayay xisbiga WADDANI waxa uu yidhi “Waxase la yaab leh in markii uu madaxweynuhu soo noqday, garoonka diyaaradaha ayuu ka hadlay, hadalkiisuna wuxuu la xidhiidhay sida caadiga ah marba munaasibadda la jooggo ayuun baa laga hadlaa, waxaanu madaxweynuhu ka hadlay safarkii uu ku soo maray dalalka Ireland, Britain iyo imaaraadka carabta. Af-hayeenka xisbiga Waddani wuxuu yidhi madaxweynuhu dadkii ayuu la hadli kari waayay, waa nasiib darro in mucaaridnimadda laga dhigo in wixii afkaaga ku soo dhacaba aad la sare joogsato.

Waxaanan leeyahay haddii aad u haysataan in madaxweynuhu uu xisbiga Kulmiye oo keliya madaxweyne u yahay, sidaas ma aha, ee waxa uu madaxweyne u yahay xisbiga Waddani ee aad ka hadlaysaan, xisbiga UCID ayuu madaxweyne u yahay, qaranka Somaliland oo dhan-na madaxweyne ayuu u yahay. Marka madaxweynaha lala hadlayana waa in lagula hadlaa af-asluub leh, oo waxtari karra. Waxaana halkaasi ka soo baxay, in nin weyn, oo masuul ah oo ka tirsan xisbiga Waddani erayadda ka soo baxayay ay la meeqaam noqdeen erayadii ilmo carruur ah.”

Axmed Saleebaan Dhuxul, oo hadalkiisa sii watay, waxa uu yidhi “Xisbiga Waddani waxaanu leenahay Kulmiye wuu heshiiyay, laakiin idinku barnaamijkiinii siyaasadeed ee aad ugu tallo gasheen in aad tartanka kaga qayb gashaan ummadda u soo bandhiga. Weli may dhicin in xisbiga Waddani barnaamijkiisa uu soo bandhigo, balse barnaamijkiisii wuxuu noqday naqdin iyo hadalo af-lagaado ah oo uu madaxweynaha iyo xukuumadiisa u jeediyo. Midda kale marka wax la dhaliilayo, waxaa la naqdiyaa nidaamka maamul, hase yeeshee shaqsi waxba lagama sheego, waayo waxay si fool xun wax uga sheegayeen madaxweynaha qaranka. Markaa waxaan leeyahay xisbiga Waddani dawladnimadu sidaas ku dhismi mayso, oo madaxweynaha qaranka Somaliland inta uu dalka maalin qudha u qabtay, haddii uu Waddani dhammaantii isku-wada tagtaan kuwiinan wax ka sheegayaa, weligiin u qaban maysaan.

Waxaanu leenahay xisbiyadda mucaaridka ah, sida aad wax u sheegaysaan iyo halka aad wax ka doonaysaan, waa meel khaldan. Tartan xalaal ah ayaa inoo dhexeeya oo wanaagsan, xaq-baanad u leedihiin in aad tartantaan, hase ahaatee madaxweynaha qaranka wax ka sheegiisu ma aha Guul. Madaxweynaha qaranku waa innoo wadda madaxweyne, madaxweynaha qaranku waa ka dalka horumarkani gaadhsiiyay, waxaan mar labaad leeyahay xisbiyadda qaranka dib ha isugu noqdaan.”

Dhinaca kale, Af-hayeenka madaxweynaha waxa uu ka hadlay haamaha shiidaalka Berbera oo ay dhawaan xukuumadu ku wareejisay shirkaddo ganacsi oo gaar loo leeyahay iyo sidoo kale xaaladda ka taagan magaaladda Berbera. Waxaanu yidhi “Waxaan aad iyo aad ula yaabanahay xildhibaan ka tirsan golaha Wakiiladda oo ka soo jeedda gobolka Saaxil, oo caawa (xalay) warbaahinta ka hadlayay oo yidhi xukuumadu nabadgeliyo darro ayay ka wadaa Saaxil, waxaan leeyahay xildhibaankaasi dawladu nabadgeliyo darro ma waddo, balse iyada ayaa nabadgeliyadda ilaalisa, haddii aad ummadda reer Saaxil wakiil ka tahay sida aad u turjumatay ma aha, waxa wanaagsan ee bulshadda Saaxil lala doonayo, iyo horumarka laga doonayo ayaad wax ku darsan lahayd.

Waana nasiib darro in ninkaasi xildhibaanka ahi, uu sidaas u hadlo, oo uu umadda sidaas u kala geeyo, oo uu reer Berbera kiciyo aad baan uga xumahay. Dawladuna awoodaha ay leedahay ayay shacabkeedda ugu talinaysaa, kuwaasi oo ah kuwii ay ugu hiiliyeen markii ay codka siiyeen. Kana tegi mayso ee hawlaha iyo waajibaadka ay u xil-saaran tahay way qabanaysaa. Taasi cidna waydiin mayso oo waa waxyaabaha uu dastuurku awoodaha u siiyay. Shacabkeedana way u tudhaysaa, wixii dalka iyo dadkeedaba cadow ku ahna way ka difaacaysaa.”

Xigasho SOMALILAND.ORG

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here