Madaxwaynaha Somaliland Oo Kulan La Yeeshay Madaxa Mashaariicda Imaaraadku Ka Fuliyo Waddamada Afrika Ee Saxaraha Ka Hooseeya

0
535

Madaxwaynaha Somaliland Oo Kulan La Yeeshay Madaxa Mashaariicda Imaaraadku Ka Fuliyo Waddamada Afrika Ee Saxaraha Ka Hooseeya

Hargeysa(Warsugannews) – Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), Madaxweynaha Somaliland, ayaa Maanta kulan Saacado qaatay kula yeeshay Qasriga Madaxtooyada wefti ka socda dawladda isu-tagga Imaaraadka Carabta, kaasi oo uu hoggaaminayo Sheekh Falaax Al-axbaabi Abu-Sultan oo ah Madaxa Mashaariicda horumarinta u qaabilsan UAE wadamada Afrika ee Saxaraha ka hooseeya.

Kulankaasi oo ujeeddadiisu ahayd hirgelinta mashaariic tiro badan oo dawladda Imaaraatdku ka waddo Somaliland kuwaaso intooda badani qayb ka ah balanqaadyadii Safarkii taariikhiga ahaa ee Madaxweynaha Somaliland ku tegay imaaraadka.

Waxaa Madaxweynuhu Dawladda Imaaraadka ku bogaadiyey taakulaynta iyo gacan siinta Somaliland oo uu ku tilmaamay mid la kowsatay weji cusub oo aan hore fursaddiisu u soo marin umadda reer Somaliland, Sidoo kale waxaa madaxweynuhu Dawladda Imaaraadka ku bogaadiyey jawaabta deg-dega ah ee ay ka bixiyaan duruufaha adag ee soo wajaha Somaliland oo uu tilmaamay in dawladda Imaaraadku tahay dawladda keliya ee sida ugu dhakhsaha badan ugu soo gurmata, waxaanu Madaxweynuhu tusaale u soo qaatay kaalmadii ugu dambaysay ee gurmadkii abaaraha galbeedka Somaliland, isagoo xusay in dawladda Imaaraadku noqotay tii ugu horeysay ee muddo afar maalmood gudahood ah gurmadkii ugu cuslaa la soo gaadhay walaalahooda reer Somaliland.

Waxaa kale oo Madaxweynuhu kulankaasi dawladda Imaaraatka Carabta ku bogaadiyey Mashaariicdii ugu badnayd ee abid dawladaha khaliijku uga yimaadda Somaliland kuwaasi oo Imaaraadku ka wado Somaliland, kuwaasi oo ka kooban dhinacyada biyaha, Caafimaadka, korontada iyo weliba mashaariicyo tiro badan oo iyagana dhawaan dadka ka bilaabmi doona.
Sheekh Falaax Al-axbaabi Abu-Sultan ayaa isaguna dhankiisa si weyn bulshada reer Somaliland iyo xukuumadaba ugu amaanay isku duubnida iyo dedaalka horumarinta ay ugu wada jiraan, isagoo xusay in Somaliland ay tahay meel ku dayasho ugu filan mandaqadda Geeska Afrika.
Abu Sultan wuxuu Madaxweynaha iyo xukuumaddiisa ku bogaadiyey sida ay xiligan ugu heelan yihiin in bulshada looga faa’iideeyo mashaariicda faraha badan ee dawladoodu ugu deeqay waxaanu balanqaaday in muddo aan sanad ka badanayn meesha uu ka bixi doono Haraadka iyo biyo la’aan ta ka taagan magaalooyinka ay ugu horeeyaan Caasimadda Hargeysa iyo magaalo madaxda gobolka Sool ee Laascaanood.

Warka Madaxwaynaha
Waxaa kale oo Falaax Abu-Sultan uu Madaxweynaha iyo shacabka reer Somalilandba ugu bushaareeyey in Xafiiska Dublamaasiyadeed ee markii u horeysay Somaliland ku yeelatay UAE uu yahay fursad taariikhiga oo mudan ka faa’iidaysigeeda.

warsugannews

warsuganmedia@gmail.com

xigasho Somalilandtoday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here