Madaxwayne Ku Xigeenka Somaliland (Champion) Iyo Gudida Wasiirada Ee Maamul Daadejinta Oo Yeeshay Kulan Koodii Sadex Bilood Laha Ahaa + SAWIRRO

0
431

Madaxwayne Ku Xigeenka Somaliland (Champion) Iyo Gudida Wasiirada Ee Maamul Daadejinta Oo Yeeshay Kulan Koodii Sadex Bilood Laha Ahaa + SAWIRRO

Hargeysa, (Warsugannews) —Madaxwayne ku xigeenka jamhuuriyada Somaliland Mudane Mudane. Abdirahman Abdilahi Ismail (Saylici ) iyo Gudida Wasiirada ee hirgalinta Siyaasada Maamul daadejinta ee loo soo gaabiyo (Inter-Ministerial Committee) ayaa yeeshay kulankoodii sadex bilood laha ahaa ee uu shir gudoominayo madaxwayne kuxigeenka.

Ujeedada shirkan oo daarnayd is waraysi iyo xog kala qaadasho ku saabsan halka ay marayso hirgalinta siyaasada maamul daadejinta oo sadexdii sano ee u danbaysay dalka laga hirgaliyay iyadoo dhamaan wasiirada/ wasiiro kuxigeenada/ wasiiru dawlayaasha ka soo qayb galay shirkan ay war bixin ka bixiyeen halka ay hawluhu u marayaan wasaaradahooda.

Qodobadii shirka

1. Warbixinta siyaasasda maamul daadejinta iyo ilaa hadda wixii la hirgaliyay

2. Dib u eegida shuruucda iyo xeerarka sectarada iyo wixii kasoo baxay

3. Awood kordhinta iyo dhisida tayada waaax yahay arimaha bulshada ee dawladaha hoose

4. Daadejinta maaliyada

5. Warbixin ku saabsan qiimayta Zaylac ee dhawan la sameeyay

Kulanka ayaa wax aka soo qayb galay gudida wasiirada ee maamul daadejinta oo ka kooban 9 waraaradood oo, Xafiiska hormuudka (champion office) agaasimaha wasaarada arimaha Gudaha iyo agaasimaha ururka dawladaha hoose,

Kulan ka oo ku bilaabmay jawi degan oo warbixino lagu kala dhagaysanayay ayaa ugu horayn saraakiisha Xafiiska madax wayne ku xigeenka ay soo jeediyeen warbixino ay ka mid yihin

• Warbixinta siyaasasda maamul daadejinta iyo ilaa hadda wixii la hirgaliyay

• Dib u eegida shuruucda iyo xeerarka sectarada iyo wixii kasoo baxay

• Awood kordhinta iyo dhisida tayada waaax yahay arimaha bulshada ee dawladaha hoose

Agaasimaha guud ee wasaarada arimaha Gudaha Mudane Amb. Abdifatah Said ahmed iyo Madaxa isku xidhka mashuuca JPLG iyo masuul ka socda haayada UNCDF ayaa iyaguna warbixino ka bixiyay Daadejinta maaliyada iyo Warbixin ku saabsan qiimayta Zaylac ee dhawan la sameeyay.

Intaa ka dib waxa dhamaan iyaguna halkaa warbixino jeediyay Gudida wasiirada iyada oo ugu horayn ay Wasiirada Deegaanka Marwo shukri haaji Ismacil baandare oo ka warbixsay wixii u qabsoomay sheegtayna inay wasaarada deeganku ku bilawday degmada Burco, waxay degmada Burco dhamaystiratay dhaman wixii tababaro ah eek u saab sanaa deegaanka waxaana loo sii daayay lacagihii ugu horeeyay ee ay ku bilabayeen shaqada.

Waxay sheegtay sidoo kale in ay gabilay qaadatay dhaman tabaradii ku saabsanaa hadana diyaar u yihiin in loo sii daayo wajiga lacagtii ugu horaysay, Degmada Berberana qiimayn ayaa lagu sameeyay iyadna way ku xigtaa oo qorshaha sanadkan ayay ka mid tahay.

Waxaa sidoo kale halka ka hadlay Wasiir ku xigeenka shaqada iyo Arimaha bulshada, Abdi Daahir Amuud, wasaarada arimaha bulshada ayaa iyadna kala fulinaysa mashuur ku saabsan caawinta dadka aan waxba haysan waxa afka qalaad lagu yihdaa (social protection grant) wuxuuna sheegay in ay hore gacanta ugu hayeen mashruuc noocan oo kale ahm, waxayna wasaaradu diyaar u tahay inay la shaqayso mashruuca JPLG.

Waxana iyana halkaa warbixino ka jeediyay wasiirada kala ah Wasiir ku xigeenka cafimaadka, ku xigeenka hawlaha guud, wasiiru dawlaha biyaha, ku xigeenka waxbarashada iyo wasiiru dawlaha maaliyada.

Ugu danbayn tii waxaa shirkaa soo xidhay madaxwayne ku xigenka oo gudoominayay shirkaas isaga dhiiri galin iyo dardaaranba u jeediyay xunbihii kasoo qayb galay shirkaas si dhamaan wasaaradaha iyo cidii ay kushayso ay ka go’naato hirgalinta siyaasada maamul daadejinta, wixii qalad ee dhacana ay noo noqoto cashar lagu saxo mustaqbalka.

Waxa uu sidoo kale madax wayne ku xigeenku carababay in ay wasaaradahu kala fahmaan Mashruuca JPLG inuu yahay mashruuc laakin iyo Siyaasada Qaranka ee maamul daadajinta isagoo sheegay in siyaasadu ka turjumayso Dastuurka qaranka, golaha wasiiraduna ay ansixiyeen fulinteeduna ay waajib tahay.

Ugu danbayn wuxuu Madaxwayne ku xigeenku u mahad celiyay dhamaan ka soo qayb galayaasha shirkan iyo warbixinada ya bixiyeen.

13479865_1187652027945865_359397461_n

13479865_1187652027945865_359397461_n

13487913_1187651991279202_2019856938_n

13499984_1187651117945956_533359336_o

13510588_1187651987945869_309378987_n

13510613_1187652051279196_541369748_n

13510664_1187651997945868_500423063_n

13511545_1187651977945870_1118886487_n

13515267_1187652021279199_1869473070_n

Wabilahi tawfiiq.