Madaxwaynha Jamhuuriyada Somaliland oo ah hogaamiye sama talisa ayaa dhiirigaliyay maalgashi dalkani ay ku sameeyaan dawladaha horumaray waxannu Madaxwayne Siilaanyo sheegay in maalgashiga dalkeena lagu sameeyaa ka sareeyo tuugsiga iyo baryada khayrkeen

0
575
????????????????????????????????????

Madaxwaynha Jamhuuriyada Somaliland oo ah hogaamiye sama talisa ayaa dhiirigaliyay maalgashi dalkani ay ku sameeyaan dawladaha horumaray waxannu Madaxwayne Siilaanyo sheegay in maalgashiga dalkeena lagu sameeyaa ka sareeyo tuugsiga iyo baryada khayrkeen .

Madaxwaynha Somaliland oo ah hogaamiye kudhawaad 60 sanadood ummadiisa u adeegayay maalina aan dantiisa gaarka ah ka hormarin danta guud ee qaranka ,iyadoo madaxwayne Axmed Siilaanyo lagu tilmaamo hogaamiyaha kaliya ee aan waligii lagu xaman musuq maasuq iyo bilalaqaysiga hantida lagu aamino ayaa si wayeelnimo ,si naxariiseed ,si masuulinimo ku jirto ugu hogo tusaaleeyay bulshadiisa muhiimada ay leedahay in la maalgashado dalkeena Somaliland oo leh khayraad fara badan oo aynu uga faaidayn karnio dunida inaguna ka faadidaysan karno .

Madaxwaynha jamhuuriyadeena oo ka hadlaya Maalgalinta dekeda berbera waxa uu yidhi “Waxaan aaminsanahay oo aqoon ahaan la igu soo ababshay in uu yahay hoggaamiyaha wanaagsani ka lagu hirto ee leh hal abuur iyo himilo fog oo uu dalkiisa Hooyo ku horumariyo.
Tan iyo intii aan hano-qaaday, kontonkii sannadood ee la soo dhaafay, waxaan haaneedka iyo hareerta hayey hawl ummaddaydu leedahay.

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

Xaashee, habeen kuma seexan in aan ka horumariyo dantayda gaar ahaaneed maslaxada guud ee dalkayga iyo dadkayga.

Dabcigaa iyo dareenkaasi waxay igu kelifeen in aan hadh-galay ka hor imaaddo Dawladdii Milateriga ahayd ee aan ka midka ahaa, ka dib markii aan yaqiinsaday in la marin habaabiyey Hoggaankii iyo Hayaankii Bulshada Soomaaliyeed.

Ka midho-dhalinta mabda’an aan ku doojinayey mustaqbalka dadkayga waxaan u soo maray dagaal qadhaadh iyo duruufo adag, waxaanan diyaar u ahay in aan u dulqaato tan iyo inta aan ku god-gelayo.
Markii la ii doortay inaan dalkan ka noqdo Madaxweyne, wuxuu maamulkaygu bilaabay in uu hirgeliyo horumar balaadhan iyo isbeddel laxaad leh, kaas oo salka ku hayey hamigii iyo hiigsigii aan muddada dheer hilaadinayey.

Mashaariic waaweyn oo wax ku ool ah ayaannu ku dhiirannay, kuwaas oo leh wax dhammaaday iyo wax socda.
Si gaar ah waxaan isha ugu hayey dib-u-dhiska Dekedda Berbera oo ah marso ganacsi oo muhiim u ah Mandaqada Geeska Afrika iyo Marin Biyoodka Badda Cas.
Aniga oo ah Wasiir ka tirsan Dawladdii Maxamed Siyaad Barre, ayaan ku dagaalamay fulinta iyo meel-marinta balaadhinta Dekedda Berbera lagu sameeyey 35-sanno ka hor iyo mashruucii Warshada Sibidhka.

Haddaba, maanta oo aan Somaliland Madaxweyne ka ahay, Dekedda Berberina dib-u-dhis uga baahi badan tahay maalintaa hore, waxaa isweydiin leh waa maxay waajibka igala gudboon casriyeynta iyo balaadhinta Dekedda Berbera? maxaase la filayaa in lagu xasuusto xukuumadayda? waxaan leeyahay Nin Ragi Wuu Garanaya Nacasna loo Sheegi Maayo.

Sidaa darteed, Dib-u-dhiska Dekedda Berbera waxay u ahayd bar-tilmaameed barnaamijka Wax-qabadka Xukuumaddayda.
Baryo joogta ah oo aad asaagaa gacmaha hoos dhigato maalin kasta, laguma baahi baxo, burjina laguma yeesho, balse waxay ummad gob ahi horumar ku gaadhaa dedaal, isku-duubni, is-aamin iyo isku tashi.

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa “Biyo Sacabadaada ayuun baa lagaga dhargaa”.
Ma aaminsani in maanta dalkeena aynu ku dhisi karno deeq iyo deyn aynu ka sugno dalal shisheeye. Hase yeeshee, markaan eego waaya-aragnimada iyo aqoonta aan u leeyahay hab-dhaqanka dunida iyo cilmiga dhaqaalaha ee aan ku takhakhusay, waxaan aaminsanahay in maanta dariiqa ugu habboon ee aynu ku dhisi karno dalkeena hooyo uu yahay in aynu la nimaadno Siyaasad Ganacsi furfuran oo xor ah oo aynu ku soo jiidanno maalgashi caalami ah oo ku dhisan dano wadaag.

Aniga oo ka duulaya aragtidan, waxaan Guddi Wasiirro ah u magacaabay maalgelinta Marsada Caalamiga ah ee Berbera.
Muddo aan ka yarayn 3-sanno ayaa sahan iyo baadi doon loogu jiray sidii loo heli lahaa maalgelin munaasib ah oo ka turjumaysa maslaxaddeena. Nasiib wanaag, waxaan dhawaan la galnay heshiis maalgashi iyo iskaashi ganacsi shirkadda DP WORLD ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabka.

Heshiiskan waxaannu dhakhso u horgeyn doonnaa Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, si uu u noqdo mid dhaqan-gal ah.
Shirkaddani waxay sida ugu dhakhsaha badan u dhisi doontaa Deked cusub oo casriya oo 400 oo mitir ah iyo Container Terminal. Sidoo kale, waxa dib u hagaajin iyo qalabayn lagu samayn doonaa dekeddeena jirta oo u baahan dayactir badan.

Intaa waxa dheer (Free Zone) samaynta saylad ganacsi oo xor ah iyo dhismaha jidka isku xidha Berbera-Wajaale oo hal-bawle u ah mashruucan.
Heshiiskani wuxuu wax weyn ka bedeli doonaa nolosha iyo dhaqaalaha Bulshada Somaliland, waxa kale oo uu dhiiri-gelin u noqon doonaa mashaariic kale oo muhiim ah iyo shirkado caalami ah oo dalka maalgashi ku sameeya.

Dhinaca kale, maalgashigani wuxuu fursado shaqo u abuurayaa xoogga dhallinyarada dihin ee shaqo la’aantu hayso.
Wuxuu kor u qaadaya xidhiidhka iskaashiga ganacsi ee aynu la leenahay dalalka deriska.
Waxaan ku bogaadinaya bulshada Somaliland sidii ay u soo dhaweeyeen Heshiiskan dhaxal-galka ah.

Waxa hubaal ah in Dekedda Berbera ay noqon doonto Eebe idamkii maalin aan fogeyn marin caalami ah oo la majeerto iyo mid ka mid ah marsooyinka ugu waaweyn dunida, gaar ahaan kuwa Bariga Afrika”.

Dekeda berbera ayaa ah asad uu dalkani leeyahy ,waana hanti qaali ah in la balaadhiyo iyo inay ugu sarayso dekedaha dhigeeda waa mid aanu horjoogsadeen shakhsi leh aqoon balaadhan .

Waxaan filayaa inuu hadal iyo hawraarba idiinku dhameeyya madaxwayne Axmed Siilanyo maalgalin aynu u ogolaano inaynu dalkeena ku samyno .

Wabilaahi Tawfiiq.

By. A.A.E.