Madaxweynaha Gambia oo diiday inuu xilka wareejiyo iyo ninkii la doortay oo dalka isaga cararay

0
366

Madaxweynaha la doortay ee dalka Gambia, Adama Barrow ayaa dalka isaga baxay ka dib markii madaxda galbeedka Afrika ay ku fashilmeen inay Yaxya Jammeh ay la heshiiyaan. Jammeh ayaa la weydiistay in 19-ka bishan oo xilka wareejiyo, balse wuu diiday soo jeedintaas.

Adama Barrow wuxuu la safrayaa wafdi heer gobol ah oo ka socda ECOWAS.
Waxay u safreen dalka Mali, halkaas oo la filayo in wadahadallo dheeraadka ah ay ka dhacaan.

Wakiilka Qaramada Midoobeey, Maxamed Ibnu Jambas, wuxuu u sheegay golaha amniga iy ECOWAS ay raadineyso in UN loo ogolaado inay ciidamo geyso Gambia.

Wuxuu Golaha u sheegay sidoo kale, in dalalka Galbeedka Afrika ay shaki la’aan adeegsan doonaan waxkastoo ay awoodaan “si rabitaanka shacabka Gambia loo taageero”.

Waxyaabaha ay sameyndoonaan waxaa ka mid ah inay awood adeegsadaan. Kumannaan qof oo shacab ah ayaa billaabay inay dalka Gambia ka qaxaan ayagoo ka cabsi qaba dagaal inuu dhaco, badankooda waxay u cararayaan dalka deriska la ah ee Senegal.

Dalalka Midowga Afrika ayaa shalay sheegay in aysan madaxwaynaha Gambia u aqoonsan doonin Yahya Jammeh wixii ka dambeeya 19 bishan, markaas oo uu dhamaanayo xilkiisu.

Gollaha Ammaanka iyo nabadda ee Midawga Afrika ayaa ka digay in cawaaqib xun uu ka dhalan doono haddii ficilka Jammeh uu horseedo in ay u dhintaan dad aan waxba galabsanin.

Midawga Afrika ayaa sidoo kale ku baaqay in laamihiisa ammaanku ay is xakameeyaan. Madaxwaynaha dalka Nigeria Muhammadu Buhari ayaa booqday dalka Gambia isaga oo hogaaminaya wafdi ka socda urur goboleedka Galbeedka Afrika ee ECOWAS.

Waana tallaabadii u dambaysay ee Jammeh culays lagu saarayo si uu xilka ugu wareejiyo ninka ay is hayaan ee Adama Barrow oo ku guulaystay doorashada madaxwayne nimada ee dalkaas ka dhacday bishii hore.

Adama ayaa BBC-da u sheegay in madaxwayne nimada loo dhaarin doono todobaadka soo socda wuxuu Jammeh ugu baaqay in uu la xaajoodo dhexdhexaadiyeyaasha.