Madaxweynaha iyo wakiilka Mareykanka ee arrimaha Soomaaliya oo ka wadahadley xoojinta xiriirka labada dal + Sawirro

0
392

Muqdisho(Warsugannews) 7 December 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay wakiilka dowladda Mareykanka ee arrimaha Soomaaliya, David H. Kaeuper.

Madaxweynaha ayaa danjiraha uga warbixiyey horumarka laga sameeyay dhinacyada amniga, siyaasadda, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.
Danjire Kaeuper, ayaa isna dhinaciisa soo dhoweeyay dadaalka dib u heshiisiinta iyo wadatashiyada dhinaca siyaasadda ee dalka ka socda ee ku qotoma arrimaha Hiigsiga 2016-ka.

Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa isku afgartey in Soomaaliya laga taageero dhameystirka barnaamijyada siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha, si waddanka uu u sameeyo dib u soo kabasho buuxda.

unnamed7

unnamed7-620x264

unnamed-12

unnamed-22