Madaxweynaha oo maanta kulan dardaaran ah la qaatay garsoorka maxkamadda sare iyo gudidda cadaalada Somaliland

0
698
????????????????????????????????????

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu maanta kulan dardaaran ah la qaatay garsoorka maxkamadda sare iyo gudidda cadaalada Somaliland

Hargeysa (Warsugannews) Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu maanta kulan dardaaran ah la qaatay garsoorka maxkamadda sare iyo gudidda cadaalada Somaliland oo ay hogaaminayeen Gudoomiyaha Maxkamada Sare Aadan Xaaji Cali Axmed, Wasiirka Cadaalada iyo Garsoorka Xuseen Axmed Caydiid, iyo Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Xasan Axmed Aadan kulankan oo ujeeddadiisu ay ahayd sidii loo dardargalilahaa korna loogu qaadi lahaa bahda garsoorka iyo cadaalada.

isla markaana loo xoojin lahaa cadaaladda maadaama oo cadaaladu tahay udub dhexaadka Qaranka iyo bulshadaba.
Waxaana shirkaasi lagaga wada hadlay mudadii uu socday laguna soo qaaday habka ugu fudud ee dadku ay cadaalad ku helikaraan iyo sidii looga hortagilahaa caqabkasta oo wax yeelaysa cadaalada layskuna meel dhigilahaa hanaanka ugu fiican ee bahda garsoorku ay dadka ugu adeegi lahaayeen iyaga oo raacaya shuruucda dalka, daacadna ka ah.

Waxaana halkaasi madaxweynaha warbiximo ka siiyey gudoomiyaha maxkamada sare, wasiirka Cadaalada iyo garsoorka, xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, iyo weliba xubno ka mida gudidada cadaalada iyo garsoorayaasha maxkamada xubno ka mida.

Madaxweynaha oo shirka soo xidhay ayaa kula dardaarmay una bayaamiyey ujeedada kulankan oo madaxweynuhu sheegay inuu yahay mid ku salaysan ka midho dhalinta in dalku ka sinaado cadaalad iyo garsoor waara oo shacbiga iyo dalkaba ku hogaamiya wanaag, sinaan iyo horumar bulshadu mahadiso.

Waxa madaxweynaha kulankan ku wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Qaranka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdlaahi Ismaaciil (Saylici) Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo wacyigelinta, Mudane Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse, Wasiiru-dawlaha Madaxtooyada Mudane Maxamed Muuse Abees iyo Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha Cali Axmed Cali.

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

Warsugannews
Hargeysa/Office
warsuganmedia@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here