Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Iyo Weftigii Uu Hoggaaminayey Oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay

0
68

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Iyo Weftigii Uu Hoggaaminayey Oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay.

 

Hargeysa-30-12-2023-(WMG)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaminayey ee safarka shaqo ku joogay dalka Jamhuuriyadda Jabuuti, ayaa saaka dalka dib ugu soo laabtay.

 

Madaxweynaha iyo weftigiisa oo dalka Jabuuti kaga qayb-galay  wada-hadallada u dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya oo heer madaxweyneyaal ku bilaabmay, isla xalayna war-murtiyeed laga soo saaray, ayaa dalka kusoo guryo noqday, waxana madaarka kusoo dhaweeyey xubno kamid ah golaha wasiirrada, xildhibaanno, taliyeyaal ciidan iyo xubno kale oo saraakiil ah.

 

Wa-bilaahi Tawfiiq