Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Iyo Weftigii uu Hoggaaminayey Oo Si Heer Sare Ah Loogu Soo dhaweeyey Dalka Ethiopia.

0
173

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Iyo Weftigii uu Hoggaaminayey Oo Si Heer Sare Ah Loogu Soo dhaweeyey Dalka Ethiopia.

Addis-Ababa-31-12-2023-(WMG)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda  Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaminayey oo gaadhay dalka Itoobiya oo ay maanta uga bilaabantay booqasho rasmi ah oo uu ka helay Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed Ali.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, waxa madaarka Caalamiga ah ee Bole International Airport ku sugayey kuna soo dhaweeyey Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Ethiopia Mudane Demeke Mekonnen, iyo masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan Dawladda Itoobiya.

 

Soo dhawaynta Madaxweynaha oo Habmaamuuskeedu ahaa mid aad u sareeya ayaa qadar nasasho ah ka dib loo galbiyey qasriga madaxtooyada oo madaxweynaha la dejiyey looguna sameeyey hadhimo sharafeed.

 

Waxaana Madaxweynaha safarka ku wehelinaya Wasiirrada Wasaaradaha Waxbarashada iyo Sayniska, Dr. Axmed Aadan Axmed (Buuxane), Qorshaynta iyo Horunarinta Qaranka, mudane Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), Horumarinta Maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire, ku-xigeenka Ganacsiga iyo Dalxiiska, Mudane Muuse Ibraahim Selef, halka wasiirka arrimaha dibadda iyo xidhiidhka caalamiga ah, Dr. Ciise Keyd Maxamuud uu dalka Itoobiya kaga sii horeeyo weftiga iyo Safiirka Somaliland u fadhiya Dalka Itoobiya, Amb Cumar Cabdilaahi Badde iyo Safiirku xigeenkIISa Amb. Barkhad Maxamed Kaariye.

 

ALLAA MAHAD LEH

Naasir Yuusuf Daahir

Agaasimaha Warbaahinta Madaxtooyada JSL.